TAARIIKHDA QODAALKA BEERAHA ADDUUNKA IYO NOOCYADOODA.

TAARIIKHDA QODAALKA BEERAHA ADDUUNKA IYO NOOCYADOODA.

39
0
SHARE

Waxaa jira noocyo badan oo qodaal ama habab beero-falasho.

Qaarkood aad ayey u dambeeyaan, qaar kalena horay u marsan yihiin.

Qaar baa u go’ay soo saaridda cuntada bulshada gudaha, kuwana soo saaridda cuntada dalal kale amaba adduun weynaha.

Meelaha qaarkood, weli waxaa la isticmaalaa qalab ay ka mid yihiin, Yaambada, meela kalena Makiinado Casri ah, meelo ayaa waxaa laga beertaa dalagyo kala jaad-jaad ah, sidoo kale meelo kale mid keliya ayaa looga tuun-tuunsadaa.

Runtii kala duwanaashaha siyaabaha wax loo beerto iyo tacab la soo saaro ayaa ah wax la yaab leh, bal aan wax ka taa-taabanno dhowr noocyada qodaalka beeraha adduunka.

  • Qodaal quud beerasho iyo qodaal ganacsi.

Qodaalka quud-beerashada beeraleydu waxay soo saartaa wax iyaga iyo qoyskooda ay quutaan oo iyagaa iligga ku idleeya oo waxay suuqa u iib geeyaan badi uma soo harto.

Beeraaleydaasi, dhulka ay beertaan waa wax kooban inta badan, sidey wax u beertaan waa mid dambeeya.

-Qodaalka ganacsiga, dhul ballaaran ayaa la beertaa, dalagyada la beertana waa dalag ganacsi loogu talagalo in suuqa loo iibgeeyo.

Meelaha qaarkood, labada noocba waa lagu dhaqmaa oo la isku garab wadaa.

Tusaale ahaan, Beeraha Afrikada Galbeed, waxaa laga beeraa Maxogga iyo waxyaabo kale oo beeraaleydu cunto ka dhigtaan.

Waxaa kaloo laga beeraa dalagyo ganacsi oo ay kamid yihiin, Kookaha iyo Qumbaha oo iib loogu tala galo.

2-qodaal Masno iyo qodaal qalaad.

Meelo ay kamid yihiin: Yurubta Galbeed, Masar iyo Japaan, beeraleydu waxay isku dayaan oo xooggooda isugu geeyaan inay ka soo saaraan intii ay soo saari kari karaan ee suurta gal ah, qooddi kasta ama Ektar kasta, iyagoo isticmaalayo carro nafaqeeye, si cilmi ahna wax u beeranaya.

Dhulka la beerto, oo aad ugu kooban ama u yar, markaas wxay ku dadaalaan inta yar ee dhul ah ee ay beertaan inay dalag badan kasoo saaraan.

Noocaan waxaa loo yaqaan qodaal Masno.

Qodaalka qalaad: waa meelaha laga sameeyn karo beero waa weyn sida, Ingriiska, Kanada, Arjentiin, beeraleydu waxay fashaan dhul fidsan.

Meelaha badi, waxaa la isticmaalaa Makiinado oo howsha inta badan qabata ama wada qabtaba qoodiga ama Ektarka qodaalka qalaad inta ka soo baxda ayaa ka badan inta laga helo qaaday qodaalka Masnada ah ama mansada ah.

3-Qodaalka deggan iyo Qodaalka guur-guura.

Noocani beeraleyda intooda badani waa kuwo deggan meel rigli ah ama joogto ku ah.

Meel keliya ayey deggan yihiin oo ay beeraan ilaa weligood, siiba gobollo ka mid ah kulaaleyda waxaa lagaaga dhaqmaa qodaal guur-guura, waana meelaha carradu dhaqso u talax gabto, dadkuna ku badneyn cilmiga wax beerashaduna aan laga aqoon, sida Caroo-nafaqeynta iyo Dalag-gediska.

Qodaalka Guur-guura: meelbaa dhirta laga banneeyaa oo la beertaa ilaa Laba ama Saddex sannadood, meeshaasi markii ay carradu talax-gabto ayaa laga diga-rogtaa oo laga guuraa oo meel dihin oo qardo ah ayaa dhirta laga jaraa oo la beertaa.

4-Qodaalka Dhafan iyo Qodaalka Dalag qudha.

Noocaan hore, beeraleydu qaarkood dhowr dalag ayey beertaan, xoolaha ku dhaqadaan, oo labduba iib ugu tala galaan.

Qodaalka noocani ah, waxaa la yiraahdaa qodaal dhafan.

Haddii ay dhacdo in dalab qiimihiisu hoos u dhaco, waxaa suurto gal ah in dalagyadii kala ee uu beeray ama xolihii uu iibsado si halkaasi khasaare u soo gaarin qofka beeraleyda ah, noocani digada xoolaha ayaa lagu nafaqeeyaa beerta.

Nooca kale,  ee ah qodaalka dalag qudha, haddeynu eegno beeraaleydu, waxay isku howlaan sidii ay usoo saari lahaayeen dalag qudha.

Waxay u go’aan beeralaydu soo saarid dalag qudha, waxaana beeraleyda aad u saameeya isbeddelka ku dhaca qiimaha dalagyada ee adduunka si toos ah.

Waxaa kaloo jira nooc kale oo la beerto dalag qudha, waxaa la beertaa dalag qudha, waxaana lagu beertaa dhul aad u fidsan, waxaana badiyaa maamula shirkado oo shaqaale badan qorta, oo guryana u dhisto quudiyana beerahaan, waxaa lagu beeraa qasabka Sonkorta, Muuska, Shaahi, Bunka iyo dalagyo kale oo badan oo ganacsiga adduunka gala.

Beeraheenna waa weyn ee muuska iyo qasabka ayaa tusaale u noqon kara nooca beeraha.

Qodobbada saameeya Tacabka beeraha:

Qodobbada saameeya wax beerashada, waxaa ka mid :

  • Cimillada: Nolosha Geedaha, waxaa haddimeeya ama dila qabowga iyo biyo la’aanta, markaa waxay u baahan yihiin geeduhu xilli bixid ku filan iyo biyoba.

Tusaale ahaan: Sarreenku waa inuu helaa ugu yaraan 90 beri oo uu ku baxo iyo biyo inta uu ka rabo.

Cimillada ayaa xukunta gobollada kala duwan ee adduunka hadba habka beer falashada lagu dhaqmi lahaa iyo dalaggu la beeran lahaa intaba.

Tusaale ahaan: miraha kuleelka ku baxa, kama bixi karaan ama si quman uguma bixi karaan gobollada cimilladooda dhex-dhexaadka tahay.

  • Kala sarreynta Dhulka: dalagyada la beero qaarbaa dhul gooniya oo ku xiran joogga dhulka ay ka baxaan, oo ay ku samaadaan.

Geedla Qumbaha, wuxuu ka baxaa dhulka xeebaha ah, hase ahaatee kama bixi karo buuro dhaa-dheer kor-kooda, sidoo kale, shaahu kama baxo dhulka xeebta ee wuxuu rabaa dhul joog sare leh.

  • Carrada: dalagyadu waxay u baahan yihiin Carro nafaqo leh, oo carro san ah, hase yeeshee midba Carro gaar ah ayuu si wanaagsan ugu baxaa oo uu rabaa.

Dalagyada qaarbaa ku samaada ama ku fiicnaada Carro dhoobeey ah, kuwo kalena Carro fur-furan.

Tusaale ahaan: Bariiska iyo Lowska isku Ciid kama wada bixi karaan oo Bariisku wuxuu rabaa Carro dhoobeey ah, Lowskuna Carro fur-furan.

Sidoo kale, Bunka iyo Cudbigu isku Ciid kama wada bixi karaan, waayo Bunku wuxuu rabaa dhul sare, halka Cudbigu rabo dhul Carro dhoobeey ah.

Waxyaabaha kale, ee saameeya waxbarashada waxaa kamid ah

  • Shaqaalaha
  • Gaadiidka
  • Suuqa ama Sayladda.

 

Qoraa: Maxamed Isaaq Mursal