SU’AALO IYO JAWAABO DIINI AH. (QEYBTII-4AAD)

SU’AALO IYO JAWAABO DIINI AH. (QEYBTII-4AAD)

4847
0
SHARE

S1)-Waa imisa Sharuudaha Salaadda Jumcadu ku ansaxdo?

J1)-Sharuudaha Salaadda Jumcadu ku ansaxdo waa 6 Sharuudood.

  • Waa in lagu oogo ama lagu tukado meel magaalo weyn ah.
  • Waa inay Tukadaan ugu yaraan 40,Qof oo Muslimiin ah, isla markaana Qaan-gaar deggan magaalada ah.
  • Waa in la tukadaa Waqtigii Duhurka la Tukan jiray.
  • Waa in Urur loo Tukado
  • Waa inaanuu ka horreyn Jumco kale oo lagu tukaday meeshaas
  • Waa in laga hormariyaa laba khudbadood Salaadda.

 

S2- Waa imisa Sunnooyinka Jumcada?

 

J2- Sunnooyinka Jumcadu waa 10.

 

  • In uu qofku Qubeysto
  • In la gashado dhar cad oo nadiif ah
  • In ciddiyaha leyska jaro
  • In leys Udgiyo
  • In la aamuso marka khudbada la aqrinayo
  • In la badiyo Qur’aan aqriska
  • In la badiyo Ducada
  • In la badiyo Tasbiixda
  • In la badiyo Salliga Nebiga.

10-In loo kallaho Salaadda Jumcada.

 

S3-Sheeg Imisa ayey u qeybsamaan Salaadaha Sunnada ah?

 

J3-Salaadaha Sunnada ah waxay u qeybsamaan laba qeybood oo kala ah:-

 

  • Qeyb raacsan salaadaha Faralka ah iyo
  • Qeyb Sunnooyin gaar ah ama madax bannaan.

 

S4- Waa Imisa Sunnooyinka raacsan Salaadda Faralka ee la adkeeyay?

 

J4- Sunnooyinka raacsan Salaadaha Faralka ah ee la adkeeyay waa 10 Ragcadood oo u qeybsan sidatan:-

  • Subax—-Laba (2) Ragcadood oo ka horreysa.
  • Duhur—-Laba (2) ka horeysa iyo Labo(2) ka dambeysa
  • Maqrib—Laba (2) ka dambeysa
  • Cisho—–Laba (2) ka dambeysa.

 

S5-Waa Imisa Salaadaha Sunnooyinka gaarka ah?

 

J5- Salaadaha Sunnooyinka gaarka ah waa:-

  • Salaadda Witirka
  • Salaadda Taraawiixda
  • Salaadda Masjidka
  • Salaadda Luxada (Barqada)
  • Salaadda Labada Ciidood.

 

S6- Sheeg Imisa Rukni ayaa ku jirta Salaaddaha Faralka ee Shanta (5) ah?.

 

J6- Salaadda Faralka ah ee Shanta ah waxaa ku jirta 234 Rugni.

 

S7- Sheeg Imisa Rugni ayaa ku jirta Salaadda Subax?

 

J7- Salaadda Subax, waxaa ku jirta 30 Rugni oo kala ah-

  • Ragcada hore 12 Rugni
  • Ragcada labaad 18 Rugni.

 

S8- Sheeg Imisa Rugni ayaa ku jirta Salaadda Maqrib?

 

J8- Salaadda Maqrib, waxaa ku jirta 42 Rugni, oo u qeybsan sidan:

  • Ragcada hore ———– 12—Rugni
  • Ragcada labaad——— 12—Rugni
  • Ragcada Saddexaad— 18—Rugni

 

S9- Sheeg Imisa Rugni ayaa ku jirta Salaadaha Afarreyda ah?

 

J9- Salaadaha Afarreyda ah, waxaa mid kasta ku jirta 54 Rugni oo u kala qeybsama sida:

  • Ragcada hore————12—Rugni
  • Ragcada labaad——— 12—Rugni
  • Ragcada Saddexaad—-12—Rugni
  • Ragcada Afaraad——–18—Rugni.

 

S10- kala Caddeey Farlu-Ceyn iyo Farlu-Kifaayah?

 

J10- Farlu-Cayn, waa waajib saran Qof kasta oo Muslim ah oo qaan-gaar ah in uu la yimaado sida Salaadda iyo Soonka.

  • Farlu-Kifaayah, waa waajib saran Qofkasta oo Muslim ah, balse haddii Qof ama Qaar ka mid ah la yimaadaan uu raacayo inta kale la yimaanshihiisa, sida qabashada Walaayada bulshada, Islaaxa Dadka dhexdiisa iyo gudashada xaquuqda Meydka iwm.

 

S11- Sheeg waa imisa xaquuqda Meydka ku leeyahay Muslimiinta?

 

J11- qofka Muslimka ah markii uu dhinto, wuxuu leeyahay Afar(4) Shey:-

  • In la dhaqo
  • In la karfaniyo
  • In lagu Tukado
  • In la duugo.

 

S12- Sheeg waa imise Tiirarka Salaadda Meydka?

 

J12- Tiirarka Salaadda Meydka waa Toddoba(7):-

  • Niyo
  • Afar(4) Takbiirood
  • Istaage
  • Faataxada in loo Akhriyo
  • Nebiga(Csw)oo lagu Salliyo
  • In loo Duceeyo Meydka, takbiirta 3-aad ka dib.

 

S13- Sheeg inta ugu yar dhaqidda Meydka iyo inta ugu badan?

 

J13- inta ugu yar dhaqidda Meydka waa biyaha oo jirkiisa la wada gaarsiiyo.

  • Inta ugu bandanna waa:-
  • In loo istijeeyo
  • In wixii qurun ah laga tir-tiro
  • In loo weyso qaado
  • In loogu qubeeyo Caleenta Gobka iyo
  • In la Udgiyo.

 

S14- Sheeg Karfanta ugu yar iyo tan ugu badan?

 

J14- Karfanta Meydka ee ugu yar waa Maro-Cad oo jirkiisa wada gaarta.

  • Karfanta ugu badan Meydka labka ah 3-ax duub oo Maro ah.
  • Meydka dhiddigga ahna waa:-
  • qamiis, Madax xir, hoos gunti iyo Laba duub oo Maro-Cad ah.