SOOMAALIYA IYO WADDAMADA CARABTA XIRIIRKA WALAALTINIMO & GANACSI AYAA KA DHAXEEYA.

SOOMAALIYA IYO WADDAMADA CARABTA XIRIIRKA WALAALTINIMO & GANACSI AYAA KA DHAXEEYA.

191
0
SHARE

Muddo Qarniyaala ah, ayaa xiriir Ganacsi iyo Islaannimo ka dhaxeeysay,

Soomaalidii hore iyo Carabtii degganeyd Xijaas, Arla Shaam iyo Yemen.

Soomaaliya oo waagaas la oran jiray: Dhulkii Udgoonka iyo Beeyada, ayaa xeebaha dalka ku soo xiran jiray ganacsatada Carabeed, marka laga reebo Shiinaha, Hindiya, Turkiga, Burtaqiiska iyo Sinsibaar.

Waxaa waddamada Carabta kala dhaxeeyay Soomaaliya is-dhaafsiga Alaabta, Xaadaarad iyo Waxbarasho dhanka Diinta Islaamka.

Sida la ogyahay Soomaaliya waxay wax u dhoofin jirtay Dalalka kala ah: Yemen, Sacuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Saldanada Cumaan sida Xoolaha nool, Fooxa iyo Muuska, oo Soomaaliya Hodon iyo caanba ku ahayd.

Soomaaliya ayaa ku biirtay Jaamacadda Carabta 70 sano muddo laga joogo, taasoo muujineysa sida aad ah ay iskugu dhawaayeen waddamadaasi.

Boqortooyada Sacuudiga oo ay ku yaallaan Goobaha Barakeysan ay muslimku ku hirto, sida Masjidul Xaramka iyo Masjidka Nebiga (Scw) halkaas.

Muslimiinta sannad u tagaan gudashada waajibaadka xajka, tan iyo bur-burkii Soomaalidu si dadban bay waddamadaas khaliijka Carabta, Masar, Liibiya, u fidin jireen dadka Soomaalida gar-gaar Dibolomaasiyadeed iyo weliba mid Aadanimo.

Soomaaliya markasta waxay diiradda saareysay wanaajinta xiriirka kala dhaxeeya Dowladaha Carabta iyo kuwa Islaamka.

Xilligaan Masar xiriirkii Dibolomaasiyadda ay ka jareen carabta.

Waddanka Soomaaliya Dowladdii dhexe ee ka talin jirtay dalka waxaa ay arrintaasi ka istaagtay Mowqif Dhex-dhexaad ah.

Haddaba, Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa qaadatay Mowqif la mid ah kii waagaasi jiray, markii Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay xariirka u jareen Dowladda Qatar, taasoo micnaheedu yahay in ay noo siman yihiin, Ogow risqigaaga Alle Subxaanah Watacaalaa ayaa bixiya.

Khilaaf kasta oo soo kala dhexgala Waddammada Carbeed ma ahaan jirin mid cadowtinimo qoto-dheer ku qotonta balse, 10-kii, Sano ee u dambeysay waxaa is bedel xoog leh ku yimid habkii Dibolomaasiyadda dalalkaasi iyo xiriirkii Siyaasadda taasoo loo aaneyn karo saameyntii dagaalkii qaboobaa ee bariga iyo reer galbeedka iyo siyaasaadda cusub ee Maraykanku kula dhaqmay Carabta iyo islaamka.

Arrintaasi, si kastaba ha ahaatee wax walba waa laga heshiin doonaa in kastoo xaalku yahay xilliyadaan mid cakiran oo muran badan dhaliyay, haddana kolleyba dib baa leysugu soo noqon xeyndaabka xiriirka dibolomaasiyadda iyo kan Gobolka kol ay ahaataba.

Waxaan u rajeyneynaa Xiriirka Carabta iyo Islaamku inuu uu noqdo mid Walaaltinimo iyo Islaannimo dhab ah ku qotoma mustaqbalka dhow.

Qoraa: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)