Soo laabashada Laporte waxa ay beddeshay Man City.

Soo laabashada Laporte waxa ay beddeshay Man City.

230
0
SHARE

Daafaca dhexe ayaa ku soo bilowday kulankiisii  ugu horeysay muddo shan bilood ah kulankii Sheffield United isagoo ka caawiyay kooxda Pep Guardiola inay markii ugu horeysay shabaqa ilaashadaan sannadka 2020-ka.

Aymeric Laporte ayaa dib u soo laabtay habeenkii Talaadada, muddo dheer oo uu ku maqnaa dhaawac, Manchester City waxay umuuqatay  koox kale.

Kooxda difaacaneysa Premier League ayaa ka soo baxday  koox aad uu u adagyahay difaaceeda, kaliya hal isku day oo bartilmaameed ah ayaa lagu sameeyay  taasi oo aheyd kubbad daciif ah oo gacanta kaga dhacday  Ederson.

 

Guushii 1-0 ee ay ka gaareen Bramall Lane ayaa aheyd kullankii ugu horeeysay ee ay  City shabaqa ilaashatay  sannadda 2020-ka, isla markaana Pep Guardiola ayaa qirtay in maqnaanshaha Laporte ay aheyd mid weyn.

Waxaa jiray fursad soo daahday oo ahayd in Ollie McBurnie uu helay kubadda soo dhaaftay Laporte ay, iyadoo Laporte si la fahmi karo u daalay wax yar ka hor inta aan laga saarin 10-ka daqiiqo ee ugu dambeysay.

Waqtigaas, si kastaba ha noqotee, wuxuu sidoo kale muujiyay in kaliya difaaciisa uusan muhiim u aheyn nidaamka Guardiola, Joogitaankiisa iyo xasilloonida dhabar adeeygga leh waxay ka dhigaysaa ciyaartoyda kuwa dhiiran.

 

W/Q: Cabdiqaadir Maxamed Xasan ( Sumar )