Shirkada Hormuud oo deeq lacageed gaarsiisay dhaawacyada ku jira Isbitaallada Madiina iyo...

Shirkada Hormuud oo deeq lacageed gaarsiisay dhaawacyada ku jira Isbitaallada Madiina iyo EX-Degfeer

51
0
SHARE

Hay,adda Hormuud foundation ayaa  deeq lacageed oo 50 kun oo dollar gaareysisay  Isbitaalada Madiina iyo  EX-Degfeer oo ay ku jiraan dadkii waxyeelada kaso gaartay masiibadii ka dhacday iskooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayagoo sinayay qofkii 100$ waxaana ay sheegeen in ay ka mid tahay ka qeyb qaadasha gurmadka loo fidinaayo dadkaas.

 Agaasime ku Xigeenka Hay,adda Hormuud foundation C.raxmaan Ibraahin Cilmi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan aheen tii ugu dambeysa oo ay si wadi doonan ugurmashada shacabka soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay iskooska zoobe maalintii sabtida aheed.

Dr. maxamed Yuuuf Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Madiina ayaa ugu mahadciliyay deeqda gurmadka ah oo ay soo gaarsiyeen Hay,adda Hormmud foundation iyo sida ay marwalbo uga qeyb qataan samata bixinta Bulshada.

C.raxmaan Ibraahin Cilmi  Agaasime ku xigeenka Hay,adda Hormuud foundation  ayaa sidoo kale  sheegay in ay waajib tahay in laga qeyb qaato gurmadka si loo dabiibo dadka ku dhaawcmay qaraxii bahalnimada ahaa ee ka dhacay iskooska zoobe.

Shirkadda Hormuud ayaa ka mid ah Xaruumaha Ganacsi ee Dalka ka shaqeeya taasoo ay xusid mudan tahay in ay ka mid tahay Xaruumaha inta badan Caawiya bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan marka ay dhacaan fatahaada Wbaiga shabeele,Abaarta iyo dhibaatooyin kale oo soo wajaha bulshada Soomaaliyeed.