Shir looga hadlayo doorka Odoyaasha dhaqanka oo lagu qabtay Jowhar

Shir looga hadlayo doorka Odoyaasha dhaqanka oo lagu qabtay Jowhar

239
0
SHARE

Jowhar- Wadatashi ku aaddan dib u-eegista waxyaabihii u soo qabsoomay Sanadihii lasoo dhaafay Maamulka Hirshabeelle oo uu soo qaban qaabiyay Xafiirka Ra’isul Wasaaraha Dalka ayaa lagu qabtay Magaalada Jowhar.

Shirka oo ay ka qeyb galeen madaxda Hirshabeelle, Duubabka dhaqanka iyo qeybaha kale ee Bulshada ayaa diiradda lagu saaray doorka Odoyaashu ay ku leeyihiin dhismaha maamulka.

Kusimaha Madaxweynaha Hirshabeelle ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi, Cismaan Barre Maxamed, ayaa sheegay in tan iyo bur-burkii ay door wanaagsan ku lahaayeen Odayaashu dhismaha Dowlad-nimada Dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada dhexe , Axmed Meyre Makaraan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wada tashigu uu yahay wax wanaagsan, si laysaga waragysto wixii shalay qabsoomay, isagoo Odayaasha ku ammaanay in ay yihiin Dadkii ka qeyb qaatay dhismaha Labada Gobol oo aan la inkiri karin.