Sheeko: Layaab leh.

Sheeko: Layaab leh.

855
0
SHARE

Sheeko qosol badan… Nin dhalinyaro ah oo is-dili rabay, ayaa waxaa u yimid oday. Markaa buu ku yiri; adeer maxaad isu dilaysaa? wuxuu ku jawaabay arin faamilkayga iga haysata oo aan xal uwaayay awgeed baan isu dilayaa.

Odaygii baa yiri adeer iisheeg — aduunka waxaan xal loo helin ma jiraane, waa intaasaan xal u helaa maadaama aan kaa waynahay.

Wiilkii baa ku bilaabay; adeer islaan baan guursaday gabar wadata, aabahay wuu iga aqbalay.

Markaan islaantii guursaduu asna gabadheedii guursaday.

Gabadhii xaaskaygu dhashay ee gabadhayda ahayd baa waxay ii noqon hooyo ileen aabahay baaqabee, ana aabaan u noqon ileen hooyadeed baan qabaaye, xaaskaygii baa aabahay sodoh unoqon ileen gabadheedii buuqabaaye, aabahay baa mar sodog unoqon ileen anuu idhalaye, wiilkaygii baa aabahay seedi unoqon ileen walaashii buu qabaaye, aabahay baa awoowe unoqon illeen anigaa dhalaye, mar wiilkaygii baa walaalkay abti unoqon ileen walaashii baadhashee, marna asagaa adeer loo noqon, walaashiis baa wiilkaygiii ayeeyo unoqon ileen awoowgii baa qabee, marna waa la dhalatay, xaaskaygii baa aniga ayeeyo iinoqon ileen walaalkay bay ayeeyo utahoo ana lamid baan ahay, walaalkay baan mar awoowe unoqon ileen ayeeydii baan qabaaye, Intaa markuu marinayaa odaygii yiri bas adeer waan ku wareeree bisinka inoo qabo aan iswada dilnee.