SHEEKO GAABAN: DAWACO IYO WARAABE.

SHEEKO GAABAN: DAWACO IYO WARAABE.

199
0
SHARE

Beri ayaa Dawaco Ari fara badan ka cuni jirtay reero meel deggan.

Arigaas oo Riyo iyo Idaba isugu jiray.

Maalin dambe, ayaa dadkii meel isugu yimaadeen, waxayna ka wada hadleen sidii ay dawacadaa dhibta badan oo maalin kasta ariga ka cunta iskaga dili lahaayeen.

Dadkii waxay talo ku gaareen in Dabin loo dhigo Dawacada, wayna u dhigeen dabinkii. Dabadeed Dawacadii, waxay ku dhacday dabankii loo dhigay.

Markii ay Dadkii u yimaadeen Dawacadii oo dabinka ku jirta way xir-xireen, dabadeedna ku xireen geed jiridkiisa, si ay uga aargoostaan, waxayna talo ku gaareen in dab lagu dhex rido dawacada.

Dabadeed, dadkii waxay soo gureen xaabo aad u badan, waxayna xaabadii ka buuxsheen god aad u weyn oo ay ka qoden geedkii ay dawacadu ku xidhneyd agtiisa, ka dibna xaabadii ayey dab ku huriyeen, waxayna yiraahdeen: aan iska tagno, oo markuu dabku aad u shidmo ku soo noqonno oo dawacada ku dhex ridno.

Ka dib, Waraabe aad u gaajeysan ayaa wuxuu maqlay cidii dawacada, markaas ayuu soo orday oo is yiri, aad ka ogaatid neefka ay dilootay dawacadaan maanta.

Waraabihii wuxuu u yimid Dawacadii oo geed jiriddiisa ku xirxiran, intuu yaabay ayuu ku yiri: Naa Dawaco yaa geedka kugu xir-xiray? Markaas ayey Dawacadii tiri: waxaa igu xir-xiray Adeerkeey.

Waraabihii ayaa mar kale yiri: oo muxuu kuugu xir-xiray?

Dawacadii ayaa tiri: Adeerkeey aad buu ii jecel yahay, wuxuu arkay inaan caato ahay, markaa wuxuu ii qalay  Wan weyn oo aad u buuran, dabkaasna Wanka ayaa lagu Karin doonaa, anigana waan diidanahay in aan cuno Wankaas buuran, waayoo, gaajo ima heyso, oo maalmaahn oo dhan Ayaan hilib cunayay, oo waxaan ka cabsanayuaa in aan calool xanuun ka qaado.

Markii aan damcay in aan ka tagana, adeerkey intuu isoo qabtay ayuu geedkan igu xir-xiray, haddaan hilibka cuni kari waayana wuu I dilayaa.

Waraabihii ayaa intuu afka aad u kala qabtay illeen waa wax hilib iyo baruur jecele yiri: ih,ih,ih!!! Een dawaco aniga ayaa xarigga kaa furaya ee aniga geedka igu xir, si aan anigu u cuno hilibkaas, si aad adiguna uga nabad gasho, dawacadii ayaa oggolaatay fikradda ow waraabe, sidii ayeyna yeeshay.

Markii Dadkii ku soo noqdeen meeshii Dawacadu ku xirneyd, si ay dabka ugu dhex tuuraan, waxay yimaadeen waraabe oo ku xiran geedkii, dadkii intay yaabneen ayey yiraahdeen: Aw-Waraabe meeday Dawacadii ku xirneyd geedkan?

Markaas ayuu Waraabihii yiri: Aniga ayaa Xarigga ka furay oo way tagtay !!!

Dadkii ayaa Waraabihii ku yiri: oo maxaad uga furtay xarigga?

Waraabihii ayaa ku jawaabay: dawaco waxay igu tiri, aniga gaajo ima heyso ee hilibka la ii keeni doono adiga cun !!!.

Intaas ka dib, Dadkii oo xanaaqsan Waraabihii ayey dabka saareen oo halkaasi ku gubeen.

Sidaas ayaa Waraabihii isugu darsaday hunguri xumo iyo dowonnimo, kuna dhintay aakhirkii.