Sheeko: baqaylkii Abuu Ra’uus ahaa.

Sheeko: baqaylkii Abuu Ra’uus ahaa.

575
0
SHARE

Abuu ru’uus waa maal qabeen reer Sacuudi ahaa kuna caan baxay bakhaylnimo dhaafsan xadka, magaca wuxuu kula baxay inuu reerkiisa usii iibin jirin cuntooyinka raqiiska ah sida madaxa ariga, majahooda iwm.

Maalin ayuu Abuu ru’uus aaday guri u lahaa si uu uga soo qaado reerkii degenaa kirada guriga, wuxuu is yiri ku sug masaajid u dhaw guriga — kadib markuu waayey ninkii reerka masuulka ka ahaa.

Waxaa masjidkii kusoo maray nin maal qabeen ayna ka muuqato haybadi wuxuuna ku yiri: walaal kaalay ila soo qadee aan ku casumee.

Abuu ru’uus wuu raacay isagoo niyada kuhayo maanta si fiican uga soo dhereg casumadaan wuxuu soo galay gurigii ninka wuxuu la ashqaraaray layrarka kuxiran guriga, dhirta kubeeran, sida uu yahay designkiisu.

Ninkii bay is waraysteen markay bilaabeen cuntada.

Abuu ru’uus: walaal ma waxaa tahay wasiir? Ninkii: maya walaal Abuu ru’uus: ma waxaa tahay amiir ama ganacsade? Ninkii: maya walaal.

Abuu ru’uus: sidee xoolahaan ku heshay marka walaal? Ninkii: waa irsiq eebe walaal. Abuu ruus: sidee walaal kuu risaaqay Alle, ii sheeg aan ka faa’iidaystee? Ninkii: walaal waxaan gaadaa ragga maal qabeenka ah, markay dhintaan baan guursadaa xaasaskooda saasaana maal ku helaa, saddex ayaan qabaa tii afraad baan rabaa inaan doono waxaan maqlay inuu jiro maal qabeen weyn oo la dhaho abuu ru’uus ninkaas xaaskiisaan rabaa inaan afar kaga dhigo insha’allaah.

Walaal laakiin magacaaga iima sheegin? Abuu ruus: oo cuntadii laqi waayey walaal waxaa laydhahaa Abuu shamac. kkkkkkkkkkkkkkkkkkk Abuu ru’uus waa faraxashay isagoo yaab ka muuqdo banaankuu u baxay, taxi buu istaajiyey horuu u fuulay — waa taxigii ugu horeeyay ee uu raaco noloshiisa, wuxuu tagay suuqa wuxuu soo iibsaday gaari cusub, wuxuu la’aaday gaarigii suuqa khudaarta wuxuu soo gaday karaatiin khudaara iyo neef ari ah; wuxuu soo aaday dukaankii dhaharka iyo dahabka — wuxuuna kasoo qaatay intuu gaari qaadi karay. Gurigiisi buu yimi xaaskiisii farxad dharkii iyo dahabkii buu u dhiibay, ciyaalkiisii oo wagii horre lahaa odaygu muu dhinto aad dhaxasheenee; wuxuu kaga farxiyay min kun dollar soo labista aabo ayuuna yiri.