Sheekadii: Caraweelo iyo la Wareegiddii Xukunkeeda (Qeybta 1aad)

Sheekadii: Caraweelo iyo la Wareegiddii Xukunkeeda (Qeybta 1aad)

1202
0
SHARE

 

Waagii hore Ragga ayaa waligood u talin jiray dalka, oo dagaalladana gali jiray, haweenkana howsha guriga iyo caruurta ayeey heyn jireen, wax walbana way hagaagsanaayeen, waagaas ayaa la yiri:

Ka dib gabar baa u dhalatay qoys intay si wanagsan u barbaartay ayaa waxay noqotay gabar qurxoon oo garaad badan waalidkeedna waxay u bixiyeen (Caraweelo).

Caraweelo Wiilal badan baa Caraweelo Aabaheed weydiistay si ay u guursadaan, wuxuuna ugu dambeyntii siiyay nin xoola badan oo yaradna uu ka qaatay.

Caraweelo, ma jecleyn howsha naaganimo oo ah ilaalinta guriga iyo carruurta waxayna dooneysay inay wax ka qabato howlaha ninkeeda iyo tan ragga kale, sida ka qeyb galka shirarka iyo guddoominta arrimaha, waxayna rabtay inay hubka qaadato oo ay ka qeyb gasho dagaallada sidii nin.

Waa yaab in aad u dhaqanto sidii nin, naa jagadaadu waa guriga iyo inaad ilaaliso caruurta iyo xoolaha, sidaa waxaa ku yiri ninkii caraweelo qabay.

Naagtii karti leh waa qaban kartaa waxa uu qabto nin haddey doonto odayaalkiina badankooda waa nacasyo maxaa loo diidayaa naagaha kartida leh inay ka qeyb galaan shirarka oo ay baddalaan nacasyadaas.

Saddex maalmood joojiya howlaha gurigiina naagoow oo u daaya ha qabsadeene ragga keligood, sidaa ayaan ku mashquulineynaa ragga oo waqti uma helidoonaan inay wax kale qabtaan, markaana si qarsoodi ah ula wareegi doonnaa hubkooda, kadibna waynu qabqaban ragga dalka jooga oo dhan, markaas annaga ayaa u talin donna dhagarroowyaashaas halkii ay nooga talin lahaayeen ayey caraweello haweenkii ku tiri.

Sidii Caraweelo kula talisay bay haweenkii yeeleen oo raggiiba saddex dharaarood qabtay howlihii guriga oo idil, meeshii haweenku ka qaban jireen.

Caraweelo oo ahayd qof garaad badan waxay fulisay qorshaheedii waxayna awooddii  kala wareegtay ragga waxayna madaxdii dalka.

Caraweelo, markay maamulkii la wareegtay ee ay noqotay madaxdii dalka, waxay amar ku bixisay in ragga oo dhan la wada dhufaano oo laga dhigo xaniin laaweyaal miiran.

Caraweelo waxay sidaa u yeeshay iyadoo ka baqaysay in maalin uun ay ragga awooddooda soo ceshan doonaan oo ay iska tuuri doonaan taliskeeda .

Raggii diiday in la dhufaano oo dhan waa la laayay oday biiqay oo ka dhuunta mooyee.

Sidaana Caraweelo ayaa ku talisay.

Waxaa la yiri, Caraweelo aad bay u buurneyd oo gacanteeda lama gaari jirin dhabarkeeda marka ay meyraneyso, sidaa awgeed waxay u baahneyd qof kaalmeeya oo u ruga dhabarka.

Caraweelo waxay lahayd kun (1000) halaad oo geel irmaan ah oo ayada loo liso sidaa ayey u noqotay qof shilis ah oo culus, buurnaantaas darteed caraweelo waxaa jirkeeda ka soo dookhi jiray ur xun oo u soo ura dadka usoo dhawaada iyada, laakiin cidna kuma dhicin in loo sheego ceebtaas Boqoradda wayni leedahay.

Berigii dambe ayey caraweelo u yeertay nin dhufaanan oo ka mid ahaa adeegeyaasheeda waxayna ku tiri, kaalay oo dhabarka ii mary waxaan ku siinayaa abaal marine haddaad wax iga sheegtana iska jir, amarkaada ayaa jira intuu yiri ayuu hawshii billaabay, markay caraweelo dharka iska bixisay ee ay biyahii dhex gashay ayuu ninkii u adkeysan waayay urta qarmuun eek a soo kam kameysa, (Caraweelooy Urna loo dhimay Ufna lama oran karo) ayuu ku cataabay dhufaankii.

Sidoo kale, Caraweelo waxay ku mayran jirtay Ceelka dadku ka dhaansadaan xoolahuna ka waraabiyaan, Ceelkaas kaliya ayaa halkaas ku yaallay, dadka iyo xoolahuna meel dheer ayey uga soo aroori jireen marka ay Caraweelo meyraneyso dhowr maalmood ayey ku jiri jirtay.

Ceelkii berigii dambe oo abaar xumi dhacday geelal badan oo ka yimid meelo kala fog laga soo orooriyay.

Geela aad buu u oomanaa oo sagaashan beri ayuu qatanaa, dadkii waxay arkeen Caraweelo oo ku dhex jirta ceelkii oo ku qubeysaneysa sida caadadeeda ahaan jirtayna dhowr maalmood ayaaney ka soo bixi jirin, wax kale oo la sameyn karo ma jirin oo aan ahayn in uun la sugo inta ay ceelka ka soo baxayso.

Boqoradey ka soo bax Ceelka aanu waraabinee geelaa oon u go’ayee ayay dadkii weydiisteen ka dib markii dhowr maalmood sugayeen, maantana far baa meyr la ee hay fadhiyo geelu ayay ugu jawaabtay, waxayna talo ku soo ururtay in geelu sugo ayay ugu  intay Caraweelo meyrashada ka dhameysaneyso ilaa geelii qaar badan haraad uga dhintay.

W/Q: C/qaadir Nuur Xuseen { Maax}