Shaqaaqada ka taagan Iiraan iyo Barriga dhexe

Shaqaaqada ka taagan Iiraan iyo Barriga dhexe

541
0
SHARE

 

Flag of Iran on soldiers arm (collage).

Tan iyo intii ay dagaallada ka aloosameen dalalka Suuriya iyo Yamen waxaa isa soo tarayey eedeyn loo jeedinayey Iiraan in ay gacan ku laheyd oo taageero military ay u fidiso Ururrada Dacish iyo Xuutiyiinta Yamen.

Waxaa khilaaf xooggan soo kala dhex galay Iiraan iyo Sacuudiga, taasoo ka dhalatay arrinta Yamen. Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa weerar ku qaaday Yamen kadib markii  laga soo saaray Madaxweynihii Yamen ee Al-haaddi oo Sacuudiga u cararay gacantana ay ku dhigeen Xuutiyiinta Yamen waqooyiga iyo Koonfurta wadanka Yamen.

Dagaal ba’an oo halkaasi ka dhacay ayaa koonfurta laga saaray Xuutiyiinta, dhanka caasimadda Sanca ayaa loo caalwaayey si looga saaro, ayagoo barakac xooggan yamen ka dhacay macluul iyo cudurrana ay ka dilaaceen.

Iiraan ayaa gacan xooggan oo military iyo Khubarro u fidisay Xuutiyiinta Shiicada ah oo ay isku dhaw yihiin.

Cali Cabdalla Saalax oo ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Yamen ayaa lasoo saftay Xuutiyiinta, laakiin kol dambe ayuu kasoo horjeestay asigoo baxsan raba ayaa bar kantorool lagu helay halkaasina lagu dilay isaga iyo intii la socotay.

Dagaalkaas ma istaagin oo ilaa iyo iminka lagama gaarin xal-waara.

Maraakiib Sacuudiga leeyahay ayaa la weeraray oo dab la qabadsiiyey ayadoo duqeynna loo geystay xaruumo shidaal  ee Sacuudigu leeyahay, arrintani oo wel wel ku abuurtay Sacuudiga iyo Xutiyiintoodaba.

Mareykanka ayaa gacan ka gestay deminta gubashada goobaha shidaalka ee la weeraray oo dorooniska Iiraan iyo gantaalo loo adeegsaday.

Mareykanka ayaa cadaadis xoogan saaray Iiraan isagoo badda gacanka u diray Maraakiib xambaarta Diyaaradaha taasi waxba uma arag Iiraan. Markii la khaarajiyey Gen. Qaasim Suleymaani oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Iiraan iyo rag kale oo la socday falkaasi oo ka dhacay garoon ku yaal Ciraaq kolkii labo gantaal lala beegsaday.

Gantaallo laga soo riday Diyaarad aan cid wadin oo Mareykanku lahaa (Daroonis), amarka duqeynta sarkaalkaasi waxaa bixiyey Donald Trump, isagoo sheegay in Suleymaani uu khatar ku ahaa danaha mareykanka uuna qorshaynaayey weerar loo geysto Safaarado Mareykanku leeyahay.

Arrintani ayaa si weyn ugu careysiisay maamulka iyo shacabka reer Iiran. Madaxweynaha ruuxiga ah ee Iiran ayaa sheegay in Sulaymaani loo aargudi doonno, aaska ka dib.

Dad jibeysan oo isjiiray ayaa keentay dhimashada (50) konto ruux oo Iiraaniyiin ah. Iiraan ayaa Gantaalo ku duqeysay lana beegsatay saldhigyo militari oo Mareykanku leeyahay oo ku yaala Ciraaq oo ah dalkii Suleymaani qudhiisa lagu dilay, waxaana ka dhashay khasaare hanti iyo burbur hub military, inkastoo digniinta ay bixisay saldhiga looga badbaaday in goobtaasi si dhaqso leh looga aag badesho. Madaxweynaha Mareykanka ayaa si hab deblomaasiyadeed u abaaray hadal uu ka jeediyey aqalka cad.

Arrintan ayaa uu cambaareeyey kuna canaantay Iiran isagoo kordhiyey cadaadis cunaqabateyntii saarneyd Iiraan. Xayiraynna dhaqaale ay laheyd Iiran iyo kuwo shakhsiyaad Iiraaniyiin ah leeyihiin intaba.

Donald trump ayaa ka baaqsaday fal military taasoo uu u arkay mid ka dhalan karta khatar soo food saarta Sacuudiga goobihiisa shidaalka, Imaaraadka iyo Isra’il in la waxyeeleeyo.

Shaqaaqada Iiraan ayaa hadana dhinaca kale foodda la gashay kadib kolkii Gantaaladaasi lasoo riday ay ku habsadeen Diyaarad Rayid ee Ukrein  laheyd oo Garoon Iiran kasoo kacday 178 ruux ayaa ku nafwaayay cidna kama badbaadin 57 kamid ah waxay kasoo jeedeen wadanka Canada.

Baarista la sameeyay iyo Video la daawaday ayaa muujinaya in diyaaradda lasoo riday oo la toogtay, sanduuqa madow ayaa la filaya in macluumaad dheeraad ah laga helo in kastoo uu wax yeelo soo gaadhay.

Weli ma jirto hab wacan oo loo marayo soo afjaridda shaqaaqada Iran iyo Mareykanka iyo xulafadiisa.

Arrinta waa in la furaa hab cusub oo ‘’Deal” wadaxaajood kaasoo Iran la dhacsaneyn oo looga xaajoonayo hab Nukleyrka iyo horumarintiisa, Joojinta arimaha taageeridda argagixisada iyo sidii loo soo afjari lahaa khilaafka Gobolka. Waxaa qeyb ka qaadanaya wadamo ka tirsan Yurub iyo Iskaadineefiya.

Waa arrin soo jiitamaysay sannooyin, xaajadaasi masahlana soo afjarideeda, islamarkaan  fal military oo la adeegsado makeenayo  xal, xal waa in lagu sii wadaa hab Deplomaasi iyo wadaxaajood.

Wadamada Carabta ee Suuriya, Ciraaq, Yamen, Liibiya ayaa aan sal-deganeen loona baahan yahay in si dhab ah  loo wajaho xaalka nabadda Gobolka barriga dhexe iyo khilaafaadka gaamuray ee siyaasadaha isdiidan ee isxulufeysiga ku dhisan Gobolkuna ka degi la’yahay.

Raisal wasaaraha Ingriiska Boris Jonhson ayaa ku baaqay in Trump la galo Iran wada xaajood arrimaha Nukleyrka taasina laga wad shaqeeyo, waa arrin reer galbeed isku aragti ka yihiin si mar uun looa gaaro go’aan laysku ogyahay labada dhinac & Beesha caalamka, wali ma jirto baaqaas jawaab uu ka bixiyey Donald Trump madaxweynaha Mareykanka.

Arrimaha Yamen iyo Suuriya ayaa ay tahay in xal loo helo ayadoo arrinta Falastiin ay taagantahay, Liibiyana loogu baaqay xabad joojin lagana wada hadlo aayaha dalkaasi.

Turkiya ayaa ciidamo u diray Liibiya , Ruushka iyo Turkiga ayaa haatan wado Qorshe lagu xasilinayo wadamadaasi, Liibiya oo dagaalo xun fooda daray tan iyo intii Qadaafi laga tuuray xukun.

Inkastoo Baarlamaanka Ciraaq uu isku raacay in maraykanku ka baxo dalka Ciraaq ayaa haddana arrintaasi meel marin.

Markareykanka ayaa go’aansaday inuu sii joogo dalkaasi isagoo ku candacooday in ciidamada Ciraaq gacan siinayo.

Dhinaca kale, Diyaaraddii Ukrein laga lahaa ee Rayidka aheyd ayaa masuulyiinta IIraan sheegeen in si kama ah gantaal lagu tuuray Kadib markii loogu shakiyey in goobta gantaallada laga ridaayey weerar lagu soo qaaday.

Banaan bax  ayaa ka jiray Iiraan oo arrintaas lagu diidanaa. Madaxweynaha dalkaasi ayaa carrabka ku dhuftay in dadkii iyo taliyii ka dambeeyey falkaasi sharciga la hor geyn doono.

Arrinta si kastaba ha ahaatee shaqaaqada Iiraan ayaa ah kaliya in la furro wada xaajood gobolka lagu xasilinayo mar haddii fal malitari xal noqon karin in xaalku uu kasiidaro mooyee, balse la arki doonee si xaalku uu noqdo.

W/Q: Ibraahim ‘’Fanax’’