Safaaradda Mareykanka ee Ciraaq oo digniin u dirtay muwaadiniinteeda jooga Ciraaq

Safaaradda Mareykanka ee Ciraaq oo digniin u dirtay muwaadiniinteeda jooga Ciraaq

166
0
SHARE

Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxay digniin ugu dirtay Muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan gudaha dalka Ciraaq iyo kuwa doonaya inay yimaadaan dalkaasi,iyadoo ku wargelisay in aysan usoo safri karin magaalooyinka kala duwan ee dalka Ciraaq.

Muwaadiniinteeda degan caasimadda Baqdaad iyo deegaanada kale ee Ciraaq ayaa lagu adkeeyey inaysan usoo dhowaan dhismaha iyo xarunta safaaradda Maraykanka oo ku taalla aagga cagaaran ee bartamaha caasimada dalkaasi Ciraaq ee Baqdaad.

Safaaradda ayaa sidoo kale muwaadiniinta Mareykanka u sheegtay inay ka fogaadaan meelaha ay ka socdaan banaan-baxyada kala duwan isla markaana ay la socdaan warbaahinta gudaha si ay u helaan wararka cusub ee kusoo kordha gudaha dalka Ciraaq ayna muhiim tahay inay feejignaan muujiyaan haddii ay xaaladdu sii xumaato.

Dawladda maraykanka ayaa heegan dheeraad ah gelisay safaaradda ay ku leedahay dalka Ciraaq iyo dhamaan safaaradaha kale ee caalamka ugu yaalla kadib markii ciidankeedu ay duqayn ku dileen talihii ciidanka kacaanka Iiraan ee Qudus Qaasim Suleymaani.

Sidoo kale go’aankii ay Barlamaanka Ciraaq gaareen ee ahaa in ay dalka Ciraaq ka baxaan ciidamada Maraykanka ee jooga gudaha dalkaasi ayaa noqday go’aan welwel xoog leh ku reebay Maraykanka oo ilaa hada ka cabsi qaba in weeraro kale loo gaysto safaaradiisa Baqdaad iyo ciidamada ka jooga gobolada dalka Ciraaq ama ay waxyeelo gaarto muwaadiniinta maraykanka ah ee jooga dalkaasi.