SABARKA IYO DUL-QAADKU WAA GUUL ADDUUN IYO AAKHIRO LAGU GAARI KARO.

SABARKA IYO DUL-QAADKU WAA GUUL ADDUUN IYO AAKHIRO LAGU GAARI KARO.

119
0
SHARE

Waxaa la ogaaday Xigmadda Alle ee ku aadan Sabarka, taasoo ka soo ifbaxda Najaxid goor walba ah.

Qof kasta oo u fiirsada Dul-qaadka iyo Samirku, waxaa u caddaaneysa in mar uun guul aad ku gaari karto, Soomaalida ayaa tiraahda, Sabarku waa Sibirka oo kale, balse waa mid xambaarsan xikmad Alle.

Ruux kasta oo la kulmaa waxa loo yaqaan Masiibada, dhankasta ha ka asiibtee, marka hore waa inuu u noqdaa Allahii abuuray, kuna Sabraa wixii ku dhacay.

Masiibadaa kugu dhacday awgeed, waa inaad tiraahdaa, ama ku dhawaaqdaa kalimadaha nala baray ee “Innaa lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun”

Dul-qaadku, waa lamid Sabarka, marka aad aragto deriskaada oo dulminaya qoyskaada ama ku dhibaya haddey tahay xag nadaafadda iyo wasaqda ay kula soo doontaan, Ciyaalkaada oo lagaa soo dilo iwm, arrimaha noocaas ah markay kula soo gudboonaadaan waa inaad yeelataa dul-qaad iyo sabar badan.

Inta aad ku nooshahay dunnidani, waxaad had iyo jeer la kulmi kartaa dhibaato, Dulmi, Daan-daansi fara badan, Caddaalad darro iyo Caafimaad darro, waxaasi oo idil waxaad ogaataa in ay yihiin Imtixaanka Adduunka, loona baahan yahay in lagu sabro.

Allaah Subxaanahu Watacaalaa, ayaa ku yiri Aayadahiisa Qur’aanka, “Allaah wuxuu la jiraa kuwa Sabra, Dhinaca kale wuxuu yiri Kaashada Sabarka iyo Salaadda”.

Sidaas darteed, waa in lagu sabra Qaddarta Alle, iyo Dulmiga kaaga iman kara dhan kasta gaar ahaanna Deriskaada iwm.

 

Wa billaahi towfiiq.

Qore: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)