Sababihii keenay burburka Dowladdii Soomaaliya

Sababihii keenay burburka Dowladdii Soomaaliya

550
0
SHARE

Wax yaabahaas   intaanan u gelin, horta Soomaaliya maxay ahayd ama ahaan jirtey burbur kaas   ka hor ?

Qowmiyadda Soomaalidu waxay ahaan jirtey ummad soo jireen ah oo wax kasta oo ummadi leedahay u dhanyihiin. Waxay lahayd dhul iyo magac mideeya, dhaqan, iyo xeer ma guuraan ah oo u dhexeeya iyo diin ay wada rumaysan yihiin oo hab nololeedkooda ku salaysan. Intaasi waa intaan gumaystayaashii reer Yurub dalka qabsan,

Dhamaad kii qarnigii 19aad. Inkastoo diidmo iyo dagaallo badan lagala hor tegey, haddana xoog ayay Soomaaliya ku qabsadeen iyadoo mararka qaarkood dayuurado dagaal loo adeegsanayey.waxaa taa ka sii daran, waxayba u qaybiyeen shan qaybood. xuduudna waa kala dhex dhigeen.

Hase ahaatee, inkastoo gumaysi xun yahay oo dantiisa mooyaane dadkuu gumaysanayo uusan wax dan ah u haynin, haddana waxyaalo badan oo Soomaalida waqtigaa ka dhimmanaa ayey abuureen.

Wax yaabihii ay hirgaliyeen waxaa kamid ahaa wax barasho casri ah, magaalooyin badan oo cusubb, booliis iyo maxkamado iyo ganacsi horumarsan. Macnaha wuxuu abuuray nidaam dowladnimo oo shaqaynaya. Aakhirkiina kuwuu isagu waxbaray ayaa xukunkii kala wareegay oo dalkii xornimo iyo dowlad Soomaali leedahay dhisay.

Sanadkii 1960kii gobollada Waqooyi oo Ingiriisku haystey iyo Koonfurta oo Talyaanigu haystey ay midoobeen oo la baxeen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Kuwaa soo iyaduna isku dayday in ay inta hadhayna wada xorayaan.    Arrintaas oo dadka Soomaaliyeed aad iyo aad yididiilo iyo farxad gelisey. Intaas ka dib, in kastoo dhaliilo badan dadku ku sheeganayeen dowladii milatariga ahayd, haddana wax badan ayay Soomaalidu qabsatay. haba u sii badnaadeen wixii dowladdii milatariga ahayd qabatay. Taasoo Soomaalidu gaadhay qadderin iyo ixtiraam caalami ah oo ka badan dalalkii Afrikaanka ahaa ee ay isku filka ahaayeen.

Sidaas ayay Soomaalidu burburkii ka hor ahayd.

Taariikhda haddaynu dib u milicsano, dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray 1977 – 1978 kadib  waxaa dalka ka bilowday jabhado hubaysan isla markaana qaab qabiil u dhisnaa. Kuwaas oo dhinaca Itoobiya laga soo taakulaynayey. Ugu horrayntiina waxaa bilaabay saraakiil ciiddankii dalka ka mid ahaa oo ka soo jeedey gobolka mudug (SSDF). Kuwaas oo dagaal kaga hor yimid xukuumaddii milatariga ahayd. Waxaa iyana markiiba ku raacay saraakiil ka soo jeeday gobollada Waqooyiga oo la baxay SNM. Dabadeed qabiil kastaa isku  dayey in jamhado lawada samaysto.

Waxaa galka seefta ka siibay kuwii Xamar daya iyo gobolada dhexe. Kuwaasoo iyana la baxay USC. Waxaan meesha ka maqnaan Bay iyo Bakool oo la baxaySDM iyo kuwii Jubooyinka SPM iyo kuwo kale oo dhammaantood ka sita xarafka S haseyeeshee qabiil matalayay.

Jabhadahaasi wax iyagu heshiis ku ahaa yeen ma jirin, oo aan ahayn burburin. Mid walibana waxay adeegsanaysey dad qabyaalad lagu soo ururiyey oo in ay wax dilaan iyo dhac mooyaane aan wax kalaba loo sheegin. Dowladdii iyo dalkiiba waxaa looga dhigay in reer leeyahay.

Sidaa darteed dowladdii Soomaaliya waa dhacday. ciiddankiina wa kala yaacay, dadkiina waa kala qaxay. Intaa ka dibna, jabhadihii ma garan dowladdii rideena  indinku heshiiya oo dalka dowlad u noqda, waxa ka harsanna badbaadiya. Taa bedelkeedii iyagiibaa is dilay isla markaana mid waliba gaarkeedii isu sii dishey. Laakiin muddo ka bacdi, jabhadihii way kala adkaadeen. USC waxay si ku  meel  gaadha qabsatay Gaalkacyo ilaa xuduudda Kiinya iyo xuduudda Koonfurta Itoobiya

Muddo ka bacdi, waxaa gaar u heshiiyey laba ka mida oo kala ah USC  iyo SNM.  Waxay ku heshiiyeen in USC Koonfur qaadato. SNM na Waqooyi qaadato oo aan midna lagu qabsan qaybteeda. Soomaaliduna waxay la degi la’ayd markaa waxaa kamid ahaa  arrintaas. Sababtoo ah dadka qaar baa ogaa waxa labadaa jabhadood heshiiska ku yihiin oo in taasi u hirgasho ka soo horjeeday. Waataas markii la kala adkaan waayey cid waliba gaalo soo kaalmo waydiisateen si Soomaalidaa kale uga adkaato.

Waxaa la yidhi “Diin dharaareed la wada aragye” burburka soomaalida la wada oge,dolad la aan dhibaa taday leedahay waa lawada arkay.  daawo  ma la heli karaa? oo maka soo kabsan karnaa  Mise sidaasaa arintaasi ku dhammaaneysaa?

Hadaba dalkeenu dowlad wuu leyahay in kastoo awood iyo dhaqaalaba aysan ku dhamayn dowladii naga burburtay 1990.qof walboo somaliya waxuu waajib kasaaran yahay inuu ka qayb qaato dibu dhiska dalkiisaa hooyo. Ma ogtahay aqriste indalkeenu hodan yahay hadii la iska hilmaamo wixii dhacay uu nagufilan yahay qayraadka dalkeena.

W/Q: Muuse Cabdinuur Maxamuud (Afar Indhood)