Saaxiibow Maxaad Jinniga weydiisay? (Sheeko Gaaban)

Saaxiibow Maxaad Jinniga weydiisay? (Sheeko Gaaban)

219
0
SHARE

Waxaa la yiri Doonni ay la socdeen saddex nin oo Soomaali ah baa ku degtay Badweynta Hindiya, meel xeebaha Soomaaliya u jirta dhawr kun oo kiilomitir. Saddexda nin oo kasoo kala jeeday magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso iyo Berbera ayaa muddo badan kolkii ay dabaalanayeen, u baxay oo Alle ku badbaadiyey xeeb cidlo ah.

Subax walba saddexda nin waxa ay yimaadaan xeebta si ay Markab ama Doon wal oo Xeebta maraysa u waardiyeeyaan si ay haddii ay helaan ugu badbaadaan oo dalkoodii ugu laabtaan, ha yeeshee muddo laba usbuuc ah bay subax walba xeebta imanayeen welina waxba ma ay hayaan. Subaxdii dambe iyagoo xeebtii fafadhiya bay arkeen dhalo soo caariday.

Dhaladii bay qabteen mise warqad baa ku dhex jirta. Warqaddii kolkay soo saareen, waxa ka dhex baxay qaac iyo iftiin ilaa cirka is qabsaday, mise waa Jinni. Jinkii baa hadlay oo yiri: Dhaladan shan boqol oo sano ayaan ku dhex xabbisnaa, adinkaana maanta xabsigaas iga saaray ee nin waliba waxa uu adduunka ugu jecelyahay ha ii sheego waan u samaynayaaye.

Ninkii reer Berbera baa hadalka billaabay oo wuxuu yiri: Waxan doonayaa in aad dalkaygii aan jeclaa ee Somalinad iyo Berbera degdeg igu gaadhsiisid. Jinkii intuu qiiq isku qariyey oo Qur’aan dhurwaagiisii aqriyey ayuu ninkii ilbiriqsi gudihii Berbera dhex dhigay.

Ninkii reer Boosaaso baa isna yiri: Boowe Punland iyo Boosaaso Iminkadan i gaarsii. Jinkii durbaba wuu la booday oo Boosaaso cagaha u dhigay.

Ninkii reer Muqdisho kolkuu muddo aamusnaa buu Jinnigii yiri: (Xorriyadda aan 500 oo sano kaddib helay baan ka faa’ideysan lahaaye wax aan kuugu abaal-gudo oo aad jeceshahay degdeg iigu sheego).

Xamaraawigii wuxuu yiri: gadaal u noqo maahoo waxaad iga sugayso Jinniyoow? haa buu yiri Jinkii wuxuu ninkii yiri: ma rabo.

Meheeygaan iska joogaahe labadeydii saaxiib mug jaw ma ii soo celin kartaa? jinkii intuu dhoola cadeeyey ayuu yiri waan awoodaa in aan dib kuugu soo celiyo saaxibadaadii laakiin ogoow in aadan mar dambe waxba i waydiin karin oo ay idinka dhamaadeen dalabyadiinii.

ninkii reer muqdisho waxa uu yiri waaba sidaas sida aan Rabo ee aan u buko, labadii nin markii lagu soo celiyey goobtii waaqlaha ahayd way isku naxeen waxayna saaxiibkoodii reer Muqdisho waydiiyeen saaxiboow maxaad Jinka waydiisay? intuu soo eegay saaxibadiis ayuu yiri: Xaan kaloo waydiisan lahaa? waxay labadoodii mar kaliya isla yiraahdeen saaxiboow noo sheeg, intuu dhoola cadeeyey ayuu ninkii reer xamarka ahaa Yiri: Soo celintiina kkkkkkkkkkk. “Dhammaad