Qisadii Samirkii Nebi Ayuub (C.s) Qeybtii-2aad

Qisadii Samirkii Nebi Ayuub (C.s) Qeybtii-2aad

1491
0
SHARE

Maalinkii dambe, Raxmo waxaa u yimid Dadkii deriska la ahaa waxayna Raxmo ku yiraahdeen waxaan ka cabsaneynaa Jirrada iyo balaayada heysata Nebi Ayuub (Cs) inay nooga dhacdo ilmaheenna ee inaga fogeey Ayuub (Cs) haddii aadan naga fogeyninna xoog Ayaan kaaga saareynaa guriga ee ogoow!!!.

Raxmo, arrintaasi way ka xanaaqday dharkeedii ayay xir-xiratay, waxayna ku qeylisay Erayadaan “Waa qaraabo goys, waana na goynayaan, guryaheenna ayeey naga bixinayaan”.

Raxmo, way xambaarsatay Nebi Ayuub (Cs) iyadoo ooyeysa oo ilintu ka dareereyso, waxayna geysay Tuulo u dhow meeshii ay ka qodday oo gurigoodii ahaa, dadkii deggana Tuulada ayaa u yimid markii ay arkeen xaaladda Nebi Ayuub ayeey yiraahdeen naa naga qaad Ninkaada haddii aadan naga qaadinna Eeyaha naga Ayaan ku soo direynaa ha cunaane.

Raxmo, haddana way xambaarsatay mar labaad, iyadoo ooyeysa, markii ay fogeysay ayeey meel dhigtay, waxayna soo qaadatay faas iyo xarig waxay u dhistay guri ka sameysan qoryo, waxayna gogol uga dhigtay bacaad, dhagaxna way ku meegaartay ama ku wareejisay, waxayna qaadatay weel ay tuulada wax uga dooneyso, waxayna tuuladii.

Nebi Ayuub (Cs) ayaa yiri, Raxmo ii soo noqo aan kula dardaarmee, way usoo noqotay wuxuuna ku yiri, ma waxaad dooneysaa inaad iiga tagto halkaan, Raxmo waxay tiri ha aka cabsanin Sayidkeygiyoow, aniga kaa tegi mayo intaan noolahay, waxayna aadday tuuladii, waxayna ku shaqeyn jirtay maalintii muufo jabkeed, waxayna ku quudin jirtay Nebi Ayuub (Cs).

Dadkii tuulada degganaa ayaa ogaaday raxmo inay tahay Ayuub Xaaskiisii, oo ay u geyso waxay shaqeysato, waxayna yiraahdeen oo ay isku sheegeen Raxmo yaan wax shaqo ah la siinin iyo cunto midnaba.

Maalintii dambe, markii ay soo shaqo tagtay ayey ku yiraahdeen naga dheeraaw oo hanoo shaqeynin, naga tag oo hanagu ridin jirrada Ayuub.

Raxmo way oysay, waxayna tiri “Yaa Rabbi waad arkeysaa xaaladdeyda in dhulkii ciriiri igu noqday, dadkiina  igu qurunsadeen adduunka, ayna naga bixiyeen guryaheennii ee iulaahow ha nagu nicin aakhiro”

Ka dib, Raxmo waxay aadday naag uu qabay nin la yiraahdo khabboosh, waxayna ku tiri Xabiibkeygii Ayuub wuu gaajeysan yahay ee ideymi muufo, Naagtiina waxay ku tiri, Naa iga dheerow yuusan igu kaa arkin ninkeyga balse, haddii aad ii jarto tintaada qeybta dhaadheer waan ku siinayaa.

Raxmo, waxay lahayd 12 tin oo dhulka jiitameysa oo shabahda ama u eg tintii Nebi Yuusuf (Cs) maxaa yeelay fir bay ku lahayd Nebi Yuusuf, wuxuuna ahaa Awoowgeed Aabaheed dhalay, Timahaas dhaadheer waxaa jeclaa Nebi Ayuub (Cs)

Raxmo timihii way u goysay naagtii, Iyana muufadii ayey siisay, dabadeed Raxmo waxay tiri Ilaahow arrintaan waxaan u sameynayaa ninkeyga addeeciddiisa iyo quudinta Nebigaada Ayuub.

Nebi Ayuub, markii uu arkay muufo dhameystiran oo ay waddo Raxmo ayuu shakiyay wuxuuna u maleeyay inay iibisay nafsaddeeda, wuxuuna ku dhaartay haddii ilaah caafiyo inuu ku garaaci doono 100 jeydal.

Raxmo, markii ay uga sheekeysay qisadii ay timaha ku jartay seygeeda Nebi Ayuub (Cs) wuu ooyay, wuxuuna yiri “Ilaahow xaalkeennu waxay gaartay in Nebigaada Sowjaddiisa ama Xaaskiisa ay soo gaddo timaheeda ayna igu nafaqeyso”.

Raxmo waxay tiri, “waxba ha ka murugoon timuhu way soo dhalanayaane” waxayna tiri Muufadii Ayaan goo gooyay waxaan siiyay Nebigii, waana fariistay agtiisa.

Nebi Ayuub markii Tirxiga jirkiisa ka dhaco wuu soo qaadi jiray, wuxuuna ku soo celin jiray jirkiisa, wuxuuna dhihi jiray cuna ilaah baa idinku arsaaqaye, jirkiisii waxaa ka dhammaaday hilibkii, waxaana ku soo haray lafo, xididdo iyo seedo.

Nebiga isagoo sidaas u jirran ma halmaami jirin carabkiisa xuska Ilaahay qalbigiisuna ku shukrinta ilaah.

Nebi Ayuub (Cs) wuxuu jiranaa 18 Sanno, maalintii dambe ayaa Raxmo tiri “Ilaah wuu kuu roon yahaye haddii aad baryi lahayd wuu ku Caafin lahaa”.

Nebi Ayuub (Cs) wuxuu yiri “Imisa sano Ayaan barwaaqo ku dhex jirnay”? “Raxmo waxay ku jawaatay 80 sano Ayaan ku dhex jirnay”.

Nebi Ayuub Cs) wuxuu yiri “Ilaaheey waan ka xishoonayaa inaan baryo, iyadoo muddada dhibkeygu gaarin muddadii barwaaqada”.

Tixrigii markuu hilib ka waayay jirkii Nebi Ayuub (Cs) ayuu billaabay in isagu is cuno, siduu isku cunayay ayaa waxaa ka soo haray laba tixri jirkiisii ayay ku soo wareegeen, waana ka waayeen wax hilib ah oo ay cunaan, balse Nebi Ayuub waxaa u hartay Carabkii iyo qalbigii, Carrabku Ilaah buu ku xusi jiray, qalbiguna ilaah buu ugu shukrin jiray.

Ka dib, labadii tixri mid wuxuu aaday Carabka, midka kalena wuxuu aaday qalbiga markii ay qaniineen carabka iyo qalbiga ayaa Nebi Ayuub (Cs) yiri Ilaahoow waxaa itaabtay dhib, waxaadna tahay mid naxariis badan.

Nebi Ayuub, inkastoo uu ilaah u sheegtay dhibka taabtay, haddana ma dhihin Ilaahow ilaahoow I caafi ee waa ku sabray.

Sidaa darteed, ayaa ilaah yiri, waan ku ogaaday Addoonkeyga Ayuub mid sabray in aad tahay.

Nebi ayuub (Cs) wuxuu yiri “Yaa Rabbi waan ku sabrayaa balaayada inta qalbigeygu ku shuqloon yahay jaceylkaada, carabkeyguna ku shuqloon yahay xuskaada, balse haddii aan waayo labadaas xubnood, waxaa dhacaya inaan kala go’no, kuma sabri karo, adigauna mid naxariis badan ayaad tahay”.

Ilaah ayaa u waxyooday oo yiri, “Ayuuboow Carabka, qalbiga iyo tixriguba anaa leh, xannuunkaagana anaa keenay ee maxaad la argagaxeysaa? Ilaah wuxuu kaloo yiri, 70 Nebi ayaad iga barisay inaan ku rido balaayadaan iyo xannuunkaan, balse adiga Ayaan kuu doortay”

Nebi Ayuub (Cs) wuxuu ka argagaxay in tixrigu ka cuno Carrabka iyo qalbiga, haddey ka cunaanna ay ilaa kala go’aan.

Intaas ka dib, ilaah ayaa ka riday labadii tixri, Malakul Jibriil ayaana u yimid isagoo wata laba geed oo Jannada laga keenay oo la yiraahdo Rummaan.

Nebi Ayuub (Cs) wuxuu ku yiri Malakal Jabriil Jabriiloow ma I xusay Rabbigeey?

Malakul Jabriil, wuxuu yiri Haa, wuuna ku soo salaamayay, wuxuuna ku amray inaad cunto labadaan geed si aad u caafimaaddo”.

Markii uu cunay labadii geed Nebi Ayuub (Cs) wuxuu ku yiri malakul Jibriil ku istaag idinka Ilaah, wuuna istaagay Nebi Ayuub (Cs).

Haddana Ilaah, Nebi Ayuub (Cs) ku yiri Lugtaada dhulka ku dhufo, markii uu dhulka ku dhuftayna lugta midig, waxaa dhulka sa soo baxay biyo kulul, waana ku mayrtay, haddana  wuxuu ku dhuftay lugta bidix, waxaana ka soo  baxay biyo qabow, wuuna ka cabay biyihii, wuxuuna ka caafimaaday jirradii haysay  oo dhan.

Wejigiisuna wuu nuuray ilaah ayaa yiri isagoo noog qisoonaya Nebi Ayuub (Cs) waan ka aqbalnay ducadiisii waana ka faydnay dhibkii hayay.

Nebi Ayuub (Cs) waxaa Ilaahay u waxyooday, ma kuu soo celiyaa ilmahaagi Nebi Ayuub (Cs) Ilaahow uga leexo ama u daa Jannadooda.

Intaas waxaa inoogu dhammaaday qisadii samirka badneyd ee Nebi Ayuub (Cs).

Hal saac oo musiibo lagu samara waxay ka kheyr badan tahay hal sano oo ilaah la caabudo, ruuxa samaraa Ilaahbaa maciisa ah ama la jira oo u gargaaraya.