Qisadii Nebi Yuusuf (Cs) Qeybta 1-aad.

Qisadii Nebi Yuusuf (Cs) Qeybta 1-aad.

1540
0
SHARE

Nebi Yusuf (Cs) Abtirkiisu waa Yuusuf Bin Yacquub Bin Isxaaq Bin Ibraahim (Cs), waxaana la yiraahdaa Nebi Yuusuf waa wanaagsane ina wanaagsane, waxaana dhalay saddex (3) Nebi oo isdhashay.

Magaca Nebi Yuusuf (Cs) waxaa qur’aanka lagu sheegay 26 Aayadood oo 24,ka mid ahi ay ku jiraan suuratul Yusuf, aayadna waxay ku jirta suuratu Ancaam, Aayad kalena waxay ku jirtaa Suuratu qaafir.

Nebi Yuusuf (Cs) waa Nebiga leh qisada ugu dheer ee qur’aanka ku soo aroortay Suuradda lagu magacaabo Suuratu Yuusuf ayaa qisadiisa lagu tafatiray.

Nebi Yuusuf (Cs) waa Nebigii Ceelka lagu riday, isla markaana la kala iibsaday, waxaa kaloo la yiraahdaa Nebi Yuusuf (Cs) waxaa la siiyay Quruxda Dunnida marka laba loo qeybiyo qeyb ka mid ah.

Nebi Yuusuf (Cs) wuxuu mucjiso Allaah (Swt) u siiyay isagoo fasiri jiray riyooyinka.

Nebi Yuusuf (Cs) wuxuu ku dhintay Masar, isagoo 110 Sano jir ah, waxaana ku xigay Nebi Muuse (Cs).

Nebi Muuse (Cs) oo dhashay 62 Sano ka dib Geeridii Nebi Yuusuf (Cs).

Waxaan halkaan ku soo qaadaneynaa Qisadii dheereyd ee Nebi Yuusuf (Cs) oo Tafatiran sidii lagu caddeeyay Suuratu Yuusuf.

Qisada Nebi Yuusuf (Cs) waa wax layaab leh, wuxuu riyo ku arkay 11 Xiddigood, Qorraxda iyo Dayaxa oo u sujuudi, markii uu Aabbihii u sheegayna, wuxuu faray inuu ka qariyo Walaalihiis si ayan u xasdin una shirqoolin, ileen Sheydaan baa Dadka wehliya colna u ah.

Nebi Yuusuf (Cs) Eebbaa doortay barayna Cilmi iyo Fasiraadda riyada, una nimceeyay isaga iyo Ehelkiisa.

Qisada Nebi Yuusuf (Cs) iyo Walaalihiis, waxaa ku sugan waano iyo xasuus, waxay ku tashadeen xasad dartiis inay dilaan ama Ceel ku ridaan, ugu dambeyn, mid baa u soo jeediyay inay Ceel ku ridaan.

Ka dib, Aabbahood ayey weydiiyeen waxa uu ugu aamini la yahay Yuusuf, waxayna warsadeen in berry lala diro, si uu ula soo ciyaaro ulana soo mireysto, wuxuuna u sheegay inuu ka walbahaari, haddii ay la tagaan inuu dugaag cuno, waxayna u sheegeen inay ilaalin oo dhowri ayna yihiin koox xoog leh sidaaseyna kula tageen.

Way la tageen.

Yusuf, waxayna isku waafaqeeyn in ay ceel ku ridaan marka ay ku rideenna eebbaa u wax yooday oo ogeysiiyay yuusuf in ay ciriirigaan farax ka dambeyn doono ugana warrami walaalahiis xaalkaan iyagoon garaneyn.

Si ay arrintaan u adkeeyaan ayey ula yimaadeen aabahood, waqti habeen ah khamiis dhiig leh, iyagoo weliba ooyi oo sheegi inay yuusuf ku dhaafeen alaabtooda agteeda iyaguna ciyaar iyo orotan aadeen halkaasna ay yey ku cuntay, inkastoo aabahood rumeysaneyn si kastoo ay runta u sheegaan, kuna yiri naftiina arrinta idiin qurxisay waanse samri, Samir fiican oo aan argagax la hayn ee Eebbana looga kaalmo warsado, waxaad fasheen.