MUXUU WARAABUHU XOOLAHA U CUNAA? (SHEEKADII-3AAD)

MUXUU WARAABUHU XOOLAHA U CUNAA? (SHEEKADII-3AAD)

870
0
SHARE

Waxaa la yiri, waagii hore Waraabuhu wuxuu lahaan jiray Lo’, la mid ah Lo’da aan dhaqanno.

Habeen habeennada ka mid ah, ayaa isagoo lo’dii soo xareeyay Nin socoto ahi u yimid Waraabihii.

Dabadeed, Waraabihii wuxuu ku yiri, Ninkii Martida u ahaa Lo’du Caano maleh oo waa xilli abaar ah, haddii aa Dibi yar kuu qali lahaana ma hayo.

Ninkii Martida ahaa Bishii oo soo baxaysa ayuu Waraabihii farta ugu fiiqay kuna yiri, waad isoori kartaa hadduu aad tubaashaas qori deb leh ka soo qaaddo.

Waraabihii markuu xagga sare eegay ayuu holac lagu dagmo indhaha ku dhuftay.

Waraabihii intuu hadalkii run mooday, oo uu Ninkii Lo’dii kala ballamay ayuu dhinaca Bari Afka saaray, markii uu dhaqaaqayna Ninkii Martida ahaa wuxuu kaxeystay Lo’dii.

In muddo markii uu Waraabihii sii ordayay ee uu ololkiina gaari waayay ayuu iska soo noqday.

Markii uu meeshii raaska u ahayd yimid ee uu xoolo iyo Ninkiiba meesha ka waayay, ayuu xaqiiqsaday in ninku uu dhagray, xoolihiina ka dhacay.

Arrintaa dhacday, Waraabihii aad ayuu uga xumaaday, wuxuuna baryay Ilaah, isagoo murugeysan, waxaana la yiraahdaa, markaas ayaa Waraabe loo fasaxay inuu xoog iyo xeelad midkuu rabo, Xoolaha Dadka ku cuno.

Waxaa lagu yiri, Dadka xoolaha dhaqda, kuna dhidida, adna dhib yari uga dheefso, sidaa ayaa loogu laab qaboojiyay, Waraabihii isagoo faraxsan, hoostana ka leh Dadow waa inoo Dagaal, Duunyadana waan idinla leeyahay, keynta ayuuna galay Waraabe.

Tanina waxaa kuu caddeyneysa Maah-maahda Soomaaliyeed ee ah (Ninkii Duunyo dhaqaa, Waraabuu u dhaqaa).

Dagaalkaa wuxu u dhaxeeyaa Waraabe iyo Qof Xoolo dhaqdo, wuu socdaa, wuuna socon doonaa, inta Waraabe jiro, Dadna Duunyo dhaqanaayo, waayo Waraabuhu wuxuu rumeysan yahay inuu Xoolaha isagu leeyahay.

Dulucda Sheekadu, waxay na tuseysaa in aysan fiicneyn in la dhaco xoolo qof kale, taasina ay ka dhalan karto Cuqubo Alle oo gaarto ilaa dhowr fac ama daa’im noqota.