MUXUU LABA AF- U LEEYAHAY GODKA JIIRKU AMA DOOLLIGA?

MUXUU LABA AF- U LEEYAHAY GODKA JIIRKU AMA DOOLLIGA?

907
0
SHARE

Waxaa la yiri, ilaa waayo aad u fog, waxaa soo jiray Colaad u dhaxeysa Bisadda iyo Jiirka, kaasoo soo billawday xilligii Doontii Nebi Nuux.

Berigii dambe, ayaa loo kale dab qaaday oo Ergo isku dayeen inay dhex-dhexaadiyaan, Bisadda iyo Jiirka.

Labada dhinac, arrintaan waa u guuxeen, waxayna go’aan ku gaareen inay Collaadda iyo Cabsida ka baxaan.

Maalintii dambe, Ergadii waxay isu-keentay Labadii Boqor ee Madaxda u ahaa Labada dhinac.

Markii labadoodii wada hadleen, kuna heshiiyeen inay dhammeystaan wixii khillaaf ah ee labadooda u dhaxeysa ayey ku ballameen inay maalin weyn meel bannaan isugu keenaan labada dhinac yar iyo weynba, gacantaana ay fagaarahaas isku geliyaan, dib dambana ayan u dhicin Bisad iyo Jiir waa Col.

Sidaa markay kuwada hadleen kuna heshiiyeen ayey maalin qabsadeen, ka dibna waa kala tageen.

Hase yeeshee, Boqorka Jiirka oo ahaa mid fiiro dheer, ayaa markii uu u tegay Reer Jiir uga warramay kulankii labada Boqor iyo sidii uu ku dhammaaday hase yeeshee, wuxuu intaa u raaciyay inay feejignaadaan oo ay ku dhaqmaan xikmaddii oraneysay “Kheyr wax kaama dhibee, Shar u toog haay” wuxuuna u sheegay inay Bah-Jiir iyo Bah-Yaan-yuur, maalin weyn kulmi doonaan, oo halkaasi la isku saamixi doono.

Hase yeeshee buu yiri, waxaan idin kala dar-daarmayaa inaad maalintaa meesha bannaan ee lagu ballansan yahay ee la isugu tegi doono, in Jiir kasta uu ka qoto God laba Af-leh, oo haddii mid laga soo weeraro uu kan kale ka bixi karo, isla markaana Godka labadiisa Af, waa inuu Jiir  kasta Afka kaga fadhiistaa uuna isku diyaariyaa haddii ay Bah Yaan-yuur ama Bisado ay billaabaan khiyaano ballan ka bax ah, in aad durba gashaan Godkiina.

Boqorkii Bah-Yaan-yuur ahaa markii uu u tegay Bisadihii uu ka Wakiilka ahaa ayuu ku yiri, Aniga iyo Boqorkii Jiir, waan soo wada hadalnay, waana soo heshiinnay in maalin la isugu tago oo la isa saamaxo, waana soo qabsoomay, laakiin anigau waxaa igu dhashay markii aan ka soo gaddoomay in maalintaas aan Jiir Tir-tirno.

Maxaa yeelay, Bisad kasta waxaa ku soo aadaya hal Doolli ama Jiir, markaas waa inay madaxa jebisaa, oo halkaasi ku dishaa, Jiir dambana Colaaddiisu iyo Warkiisu meeshaas ku haraa.

Sidii ayaa labada dhinacba lagu heshiiyay, jiirkiina maalin ka hor ayaa intay goobtii lagu ballamay tageen ayuu mid kasta qotay God labo Af-leh.

Maalintii ballantu ahaydna intay subaxii hore ku soo kallaheen ayuu midkasta godkiisii Afka kaga fadhiistay, iyadoo aan bisaduhu arkeyn.

Markii Boqorradii la isu soo ururay, ayuu Boqorkii Bisadaha baaq ay ku soo ballameen oo Af-garad ah u sameeyay, ka dibna Mukulaal kasta waxay ku boodday Jiirkii horteeda ku toosnaa, laakiin Jiir kasta wuu ka digtoonaan qabay, isla markiina Jiir kasta wuxuu hoos u galay Godkii uu ku fadhiyay, markii Bisadaha oo aad u careysan is-yiraahdeen Gacanta geliya godka si ay u soo qabsadaan jiirka, misana dhinaca kale ayuu u cararaa ileen godka wuu u diyaarsanaa isagoo looga shaqeeyay hab taatikeysan, afkii kale ayeyna ka wada bexeen.

Haddaba, xilligaas laga soo billaabo Jiirku godka uu ku hoyanayo ama uu gelayo, wuxuu leeyahay Laba Af, waayo waxay ka baqayaan in halkaa irrid laga soo istaago oo ay Bisad ka War-hesho in Jiir halkaasi ku jiro ayna irridda ku sugto.

Haddii xitaa isagoo soo bixi raba uu arko bisad hortaagan, dib inta uu u noqdo, ayuu irridda kale ka baxaa.