Muwaadin Astur Cowrada Walaalkaa si taada berri loo Asturo.

Muwaadin Astur Cowrada Walaalkaa si taada berri loo Asturo.

99
0
SHARE

Markaan ka hadleyno Kirada Guryaha Muqdisho maahan wax keligeed saameeya, waa qeybo ka mid ah ayaa loola jeeda, Kirada guryaha Muqdisho war iskama hayaan waxaana cirka isku shareeray si naxariis darro ah kirada looga kireysto danyarta iyo shaqaalaha, welibana loogu daro caga jugleyn aan waafaqsaneyn nidaamka iyo sharciga wax lagu kireysto, waxaana dhacda had iyo jeer qoyska kirada muddada loogu talagalay wax yar dhaafto iyadoon ogeysiin la siin alaabada bannaanka loogu soo xooro welibana loogu daro caga jugleynlooguna

Qof muwaadin Soomaali ah oo kirada guriga oo qaali ah badana iska bixinayay muddo badan, isagoo xaq u leh muwaadinkaas in la siiyo ogeysiin haddii kale laga dacweeyo saldhigga iyo degmada, ayaa waxaa lagu qaadaa qeylo iyo sawaxan iyo weliba aflagaado, taasoo mararka qaar ay dhacdo in qofka shaqaalaha ah uu xitaa maareyn kari waayo noloshiisa iyo tan caruurtiisa, markaasaa waxaa isagoo guriga ka maqan uu yimaadaa caruurtii oo bannaanka lagu soo daadiyay wixii ay agab lahaayeen oo dhan, waxaana ay isticmaalaan dadka guryaha iska leh eray aan aad loo jecleysan oo  ah anaa guriga iska leh iiga bax, musmaar maad igu darsatay, iga guur iwm, ma gartaaan xitaa in qofku u baahan yahay in uu marka hore digniin la siiyo si uu u diyaarsado guri kale, waxaa kaloo jira kireystayaal guriyo ku leh degmooyinka ka fog meelahaas iyaga ah, halkaana u yimid amniga awgii

Ciidamada qalabka sida, noocyadooda kala duwan waxaa dantooda iyo  danta shacabkuba ku jirtaa inay si isku xirnaan ah oo isku mid ah ayagoon u kala harin sugaan amniga degmooyinka sida aadka ah farta loogu fiiqo, shacabkooduna ay ka dhigtaan saaxiibka kowaad, sabatoo ah shacabka wuxuu doonayaa wax u qabasho, amniga oo la sugo iyo caafimaad, markaana way kala fududaan lahaayeen dadkan isugu soo xoomay xaafado tirsan.

Waa in shacabku Goortey doonaan iyo meeshii ay doonaan ka adeegan karaan kuna ganacsan karaan si xor ah, Waddooyinkana u maraan karaan si nabad ah, sidaasna waxaa ku soo noqon lahaa noloshada dadka iyo bilicda magaalada haddaan la ilaalin nolosha bulshada doowladnimo ma jirto Nabadda Nolosha ayey ka horreysaa sidoo kale, nabad la’aan caafimaad iyo horumar ma jiro, Nabad la’aan sharafi ma jirto, nabad la’aan lama Cibaadeysan karo, waayo shiikha Saqdhexe raba inuu addimo, wuu ka baqaya amniga awadiis, taasina waxaad ku ogaaneysaa Adduunka siduu qaali uga yahay talo bixin

Hantiilelyaasha iyo dadka guryaha iska leh ee Soomaalida ah, iyagoo Ilaah ka cabsanaya ilaalinayana midnimada bulshada iyo isjecelka Soomaaliyeed ha dhowreen hana u naxariisteen dadka kireysteyaasha ah haddii lagu dhibaateeyo kirada iyo macaamilka waxaa abuurmaya colaad iyo isnaceyb ha soo dhaweeyeen heykalka dowladnimo magaca iyo sharafka Soomaalinimo.

Haddii saa yeeli waayaan waxaa muuqanaya inaysan Qarannimo Soomaalinimo iyo sharaf aysan jirin intaasi waa naga talo.

Waxaa kaloo aan wareysi aan la yeeshay dable maxamed oo deegaankaasi ku nool kana mid ah kireysteyaasha wuxuu ii sheegay degmooyinka amnigooda la sugay inuu ku dhaawacmay saddex jeer ilaaheyna ka badbaadiyay ilaa gobollada shabeellooyinka inuu ku tagay howlgal, sidaa darteed in uu aad uga xun yahay in abaalkiisu noqdo kiro uusan xamili Karin iyo caga jugleyn loogu abaal gudo haddii kirada  uu iska bixin waayo alaabta bannaanka loo dhigo wuxuuna yiri waxaan ku fikirayaa haddii ay sidaa noqdeen degmooyinkii aad dhiigga u shubtay kuwa dambena ee aan ku howlanahay in aan amnigeeda sugno sidaa na yeelimayaan, wuxuu intaas ku daray inay arrintaasi tahay abaal darro iyo garasho xumo dadkiisa ka soo wajahday.

Haddaba si aysan sidaasi u dhicin, mural jab iyo qalbi xumo ka timaada ciidamada iyo shacabka biyaha ka daba sida oo iyagana ka barbar dagaallama ciidamada, ciidamo aan shacab lahayn ammni ma sugi karaan mana dagaallami karaan.

Haddab si loo helo isku tiirsanaan iyo wax wada qabsi nafta iyo maalkaba ay ugu dhaxeeyaan ummadda soomaaliyeed waa in la ilaaliyaa arrin kasta oo keeneysa kala jab weliba loo naxariisto dadka danyarta ah ee soomaaliyeed ha ugu darnaadeen kuwooda difaaca ku howlan had iyo  jeerna ka maqan guryahooda.

Waxay Soomaali ku maahmaahdaa Adduunyada waa laba boowdo oo midiba maalin qaawan tahay, haddaba muwaadin astur cowrada walaalkaa si taada berry loo asturo.

W/Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabeyre.