Mushkiladaha Dabiiciga ah ee hortaagan Waxbeerashada Dunnida

Mushkiladaha Dabiiciga ah ee hortaagan Waxbeerashada Dunnida

202
0
SHARE

In yar ayaa Dhulka Dunnida la beeraa ama la beeran karaa, taasoo ay keentay dhibaatooyin ka yimid xagga dabeecadda haka Waxbee-rashada Dunnida, waxaa guud ahaan hortaagan laba arrimood oo iska soo horjeeda, mid waa suurtogalid la’aanta nolosha meelo badan oo lama degaan ah ama baraf daboolay.

Midda kale, waa tira badnida dhirta meel laga maro la waayay oo hawdka noqday.

Dhibaatooyinkaas, waxaa ugu daran kuwa ay sababeen qabowga ama barafka iyo abaaraha ama roob yarida .

  • Qabowgu, wuxuu ku badan yahay dhulka labadiisa daraf ee Waqooyi iyo Koonfurta, intaas ka sokow, waxuu barafku ku badan yahay meelaha buuraha  guud ahaan qabowga ama barafku,  wuxuu fidinta waxbeerashada ka hor taagan yahay 20 malyan km, oo isku wareeg ah, oo ah 15% dhulka qaaradda.
  • Abaartu, waxay ka dhalataa roob yarida iyo biyaha oo dayacmo oo dhulku ceshan waayo.

Abaartu, waxay dhalisaa lama degaan, kuwa ugu waa weyn dunnida waxa kala yihiin:

  • Kuwa Waqooyi sida:
  • Saxaraha Afrika
  • Saxaraha Siiriya
  • Saxaraha Carabiya
  • Saxaraha Iiraanta Bari
  • Saxaraha Arizona ee Ameerika
  • Kuwa Koonfurta Sida:
  • Lama degaanka Kalahaari ee Afrika
  • Lama degaanka austraaliya

Inta dhulka ee abaartu ka hor taagan tahay bahka Waxbarashada waxaa lagu qiyaasaa inay la’eg tahay tan qabowga iyo barafka, labada dhibaatana saddex meelood meel 1/3 ayey dhulka qaaradaha ka yihiin.

  • Dhulka Buuraha badanaa wax lagama beeri karo, meelaha Buuraha gaagaaban xoolo waa lagu dhaqan karaa hase yeeshee, aad uma wanaagsana gaa ahaan buuraha taxanaha ahi, waxay xiraan hawada qaboow, waxayna siyaadiyaan kuleylka iyo abaarta.

Dhulka intiisa kale ee godan oo biyahu fadhiistaan waxbeerashadoodu waa hakiyaa laakiin waa dhibaato laga hortegi karo ama haddii abaari jirto inta la simo beero lagu sameyn karo.

  • Dhulka dhirta aadka uga baxdo ma aha kuwo had iyo jeer beerashadu ku sahlan tahay.

Dhirtaa tirade badani waxay hakisaa waxbeerashada oo haddii dadku meel banneystaan intay sugayaan abuurka mirihiisa ay dhir kaloo badani meeshii ka owdaan.

Waxaa kaloo meeshaasi ku badan cudurrada sida:

Kaneecada, oo dadka leysa markaa dhulka dhirtu ku badan tahay beerashada iyo xoolo dhaqashadu waa ku dhibaato, haddii dhirta laga mariyana oo la gubo waxaa laga baqanayaa in nabaad guur halkaa ka dhasho.

Dhulka Waxbeerashada ku habboon guud ahaan waa dhul cowsku aad uga baxo oo dhulka kulul iyo dhulka qabow u dhaxeeya.

Intaas waxaa soo raaca dhul aan waxbeerashada ku fiicneyn caadiyan laakiin, leh biyaha soo dada ama soo qulqula sida:

Webiyada Nafaqo ay keenaan lagu cayilayo dhulka sida Webiga Niil oo dhulka Masar nafaqo badan u geeya , kuna baahiya dhulka u dhow oo dhan, dabadeedna inta la fidiyo dhulka ayaa wax lagu beertaa.

Dadaalka Aadamigu  ugu jirio Horumarinta Waxbeerashada

Dalkasta dhulkiisa Waxbeerashada ku habboon aad ayuu isugu howlaa, sidii uu dhulkiisa wax uga soo saari lahaa,  laakiin isku si ugama lib keenaan, oo bulsho walba kartideeda ayey ku xiran tahay.

Baahida bulshada aya dhiirigelisa tacabka lixaadka leh iyo ku isticmaalka hanti fara badan oo beero lagu jeexo.

Baahidaasi laba siyaabood ayaa loo dabooli karaa, tan kowaad waa iyadoo la ballaariyo dhulka la beero, tan labaadna waa iyadoo wax soo saarkii dhulkii  horay u jiray la badiyo iyadoo la isticmaalayo dawooyinka lagu nafaqeeyo dhulka sida: digada xoolaha iyo dawooyinka Bacriminta, si dhul beereed loo helo xaalado badan ayaa ka sokeeya.

  • Xaaladda Kowaad,ee dunnida oo dhan ka dhaxeysa waa in la helaa dhul amni ah ee laga difaaci karo dhibaatooyinka dabiiciga ah sida: Daadadka, Bahallada duurjoogta ah iyo kuwa ka dhasha aadamiga dhexdiisa sida: dagaallada dhaca iyo tuugada iwm.
  • Xaaladdaan kale, waxay ku saabsan tahay farsamada waxbeerashada, oo qalab aan wanaagsaneyn dhulka sahlan oo keliya ayaa looga shaqeyn karaa.

Farsamadu waa lagama maarmaan si dhulka la beerto loo ballaariyo, haddii kale tacabka beeruhu heer uusan dhaafi Karin ayuu istaagi si kasta oo baahida bulshadu u badato.

Guud ahaan dhul beerashadu waa howl khaas ah ee qofka beeraleyda caadiga kooban, balse dhulka ballaarintu, waxay u baahan tahay howl heer qaran ah, waayoo waxay u baahan tahay laba xaaladood oo midi tahay farsamo, midina tahay abaabul dhaqaale oo heer sare ah.

Howlaha ugu waa weyn ee ballaarinta dhil beereedka loogu talo galao, waxaa ka mid ah:

  • Biyo xireen oo Waraabin karo dhul ballaaran oo baqolaal hektar ah.
  • Sidoo kale, qallajinta dhulka biyuhu fariistaan si beero loogu dhigo.

W/Q: Dr. Maxamed Isaaq Mursal.