Mukhtaar Roobow “haddii siddaan jano lagu rabo jidkeedii midkaan ma ahan ee...

Mukhtaar Roobow “haddii siddaan jano lagu rabo jidkeedii midkaan ma ahan ee Towbad keena”.

50
0
SHARE

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Kooxda Al-shabaab oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Gurmad Qaran ee Magaalada Muqdisho ayaa si kulul u canbaareeyey Weerarkii wuxuushnimada ahaa ee ay kooxda Al-shabaab ka geysteen Isgooska Soobe ee Magaaladda Muqdisho.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in Kooxda Al-shabaab ay caadeysteen Xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed ayagoo sidaan oo kale u qarxiyey meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Wadaadka ayaa sheegay in asaga iyo shabaab waxa ay isku qabteen in ay ugu weyneed in aysan Shacabka dhib u geysan isagoo sheegay in ay ka biyo diideen dalabkiisa sidaana uu uga baxay ku dhawaad toban sano ka hor.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa Kooxaha Nabad diidka Al-shabaab ugu baaqay in ay Alle u towbad keenaan islamarkaan fikradaha qaldan ay kasoo laabtaan waxana una sheegay in wadad ay ku socdaan aysan ahayn wado Jano lagu raadiyo.