Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya oo laga jaraayo hal milyan oo doolar si loogu...

Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya oo laga jaraayo hal milyan oo doolar si loogu caawiyo dadka ay waxyeelada soo gaartay.

48
0
SHARE

kulan deg deg ah oo aan caadi aheyn oo ay xarunta villa hargeysa ku yeesheen gudiyada joogtada ah ee golaha shacabka ayaa waxaa ugu horeyn loogu tacisydeeyay dadkii ku geeriyooday qaraxii aragagxisnimo ee kooxda Al-shabaab ka geysteen Magaaladda Muqdisho ,waxaana goluhu ay caafimaad deg deg ah alle uga baryeen dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen qaraxaasi.

 kulanka oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa loogu mahad celiyay dadka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay Gurmadka dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay iyo sidoo kale dowladaha Djabouti iyo Turkiga oo iyagu qeyb weyn ka qaatay gurmadka dhibtana la qeybsanaya shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.

Gudiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa kulankooda ugu yeeray Taliyaha Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Wasiirka Amniga oo ay su’aalo ka weydiiyeen qaraxii iyo sababtiisa.

Sidoo kale inta uu socday waxaa la isku raacay in lacag dhan halmilyan oo doolar laga jaro miisaaniyada Dowladda islamarkaana loogu gurmado dadka qaraxii dhacay ku waxyeeloobay,sida uu geba gebada ka dib uu warbaahinta Qaranka u sheegay Mudane Mahad C/lla Cawad oo ah gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waa kulankii koowaad ee aan caadi aheyn oo ay yeeshaan gudiyada joogtada ah ee Golaha Shacabka waxa uuna kusoo beegmayaa iyadoo sabtidii aynu soo dhaafnay isgoyska Soobe ee Magaaladda Muqdisho uu ka dhacay Qarax sababay dhimashada dad ku dhaw 300 tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen ,iyadoo ay jiraan dad weli lagu la’yahay nolol ityo geeri intuba.