Midnimadu waa Guusha Umadda Soomaaliyeed

Midnimadu waa Guusha Umadda Soomaaliyeed

303
0
SHARE

Sida aan wada ognahay guushu waa hiigsi kasta ama dan ku hortaalla oo aad dooneyso inaad hanato booskaas kuu muuqda hayaankiisna uu dheeryahay waliba aan la hubin inaad gaari doonto in Ilaahay ku waafajiyo mooye.

Marka hore wxuu leeyahay muuqaalo badan iyo magacyo kala gedisan oo noocyo badan oo isugu jira kuwo adduunyo iyo kuwo aakhiro intaba, waxayna u kala baxaan mid siyaasadeed oo aad ku dooneyso inaad hanato ama meel ka gaarto mas’uuliyad sare, waana qof doonaya madaxtinimo oo kaliya.

Midda labaad waa aqoonta oo uu ruuxa doonaayo inuu meel sare ka gaaro.

Midda saddexaadna waa mid ku qotanta oo kaliya hanti uruursi iyo dhaqaalo raadin.

Haddaba, markan kala saarno saddexdaas oo aan soo sheeganay, waa midda koowaade xildoonka iyo mas’uuliyadda waqti yar ayey ku dhamaataa qofka doonayaana kama sal gaaro si deg deg ah ayuu waqtigu ugu dhamaada asigoo waxba ka soo xasilin.

Haddii aan si guud loola soo doonan xilkaas ee asiga uun is yiraahdo raadi oo xil doono waxaa dhici karta in  meel cidlo ah waqtigu kaga dhamaado isigoon gaarin wax natiijo ah, waxaa taa ka haboon xilka iyo darajada iyo masuuliyadduba in lagu raadiyo talo guud iyo midnimo si ay kuugu noqoto mid kuusoo jiidda Sumacad iyo Qadarin aad ka hesho Bulshadaada.

Haddii lagu raadiyo guluf iyo colaad guul lagama gaaro Guri kheyrna lagama dego darajana laguma gaaro, waxaana laga dhaxlaa dakane aan kaa harin waligaa intaad nooshay iyo xitaa noloshaada ka dib oo mar walbo magacaagu si xun loo  qaado, waji gabax iyo sharaf daro, wax kastoo boob, weerar iyo waddo qaloocan lagu doono sidii lagu keenay ayuunbay ku dhammaadaan.

Haddaba Akhristayaal talo waa lama huraane cilmiga baro si uu kuu ilaaliyo guushaaduna waa midnimo iyo wadajir.

guul iyo midnimo marka laga hadlayo, guusha iyo awoodda ay leedahay iyo in lagu helayo wadajirka midnimada intaba, haddiise la waayo wadajir iyo midnimo waxa ka dambeynayo inay tahay uun guul daro jab iyo kala fogaansho ummadeed.

Naflaha ku nool adduunka haddii ay waayaan nabad ma helaan nolol iyo barwaaqo, kumana hamiyaan hourmar iyo hiigsi Qarannimo.

Nabada la’aan nololi ma jirto, markii ay nabadi jirto ayaa farxadi jirta, nabad la’aani waa nuur la’aan.

Marka aan leenahay nabad, nabadda waxaa abuura ummad kasta oo kuwada nool deegaan oo garta nabadda qiimaheeeda iyo waxay nooluhu uga fadhido, ka dib markii ay arkaan Colaadda iyo dhibaatada ay leedahay, ayaa waxaa guntiga dhiisha isaga dhiga cid kastoo wax garata sida Odayaasha iyo indheer garadka, Culimada, dhalin yarada, haweenka intaba. Waxayna inta soo hartay u sheegaan dhibaatada colaaduhu ay leeyihiin iyo dhibta ay umaddu ku reebaan iyo nabadda iyo wada noolaanshaha iyo horumarka laga dhaxlo, sidaa ayeyna sabab ugu noqdaan xasilooni ummadda ay wada gaarto, sidaa daraadeed guushu midnimo is kaashi ayey ku timaada.

Talo guud haa gaaro

Adduunyadu way ka guurtay koox koox iyo qoys qoys intaba, waxayna u guurtay midow iyo is xulufeysi si ay u gaarto awood dheeraad ah, xoog iyo isku duubni waxaana taa daliil u ah Gumeystayaashii reer Yurub iyo America oo awal qeybsanaan jiray markii ay heer ka gaareen awoodda dhaqaale, siyaasadeed iyo awood meletari intaba, waxayna usoo jeesteen inay koox koox u midoobaan kasoo bilow labadii Jarmal, midowgii Yurub, Mareykanka oo ka kooban in kabadan 50 state.

Annagoo tusaale iyo aragtiba ka qaadaneyna ayaa waxaan ka talo bixinayaa midnimada iyo wadajirka inay wax ku tahay ummad kasta oo ku dhaqan adduunyada guudkeeda, baaba’eeda iyo jabkeeduna uu yahay burburka colaadaha iyo is dilka,

Waxaa tacab iyo talaba ku hagaagaan danta guud inay ka midoobaan dhammaan Ummadda si ay u gaaraan tooda gaarka ah, markii danta guud ay hagaato ayaa midda gaarka ahna la gaaraya umadduna ay horumar iyo barwaaqo gaareysaa ee qolo qolo iyo qabyaaladi waxba kuma hagaagaan ee dib udhac uun baa laga dhaxlaa, taana khibrad ayaan u leenahay haddii aanahay Soomaali.

Waxaa talooyin badan idin ka siin doonaa faa’iidada guusha midnimada annagoo  kuu soo gudbinaya suugaan qoraal ah oo ka hadlaysa dhaqanka siyaasadda iyo amniga, waxaad heli doontiin talooyin wax ku ool ah oo isugu jira murti iyo maah maahyo, dhaqan iyo hiddaha Somaaliyeed kuwaaasoo kobcin doono maskaxda ruux kastoo akhriya ama dhegeysta.

Haddaba, talo iyo tusaaleba waxay ku dhan yihiin  talabixinteenna.

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Talo adaa ku noole ee iyada kuguma noola, waxaana taa macnaheedu yahay inaad isku hagto caqliga Ilaahay ku siiyey iyo talada middeeda wanaagsan, sidaas ayaana loo yiri adigaa ku noole iyadu kuguma noola, waxaana aad iyo aad u wanaagsan mar kasto kula soo dersaan dhibaatooyin xagga nolosha ama nabadda iyo amuur kaloo rabi keenay inay xigto talo hagaagsan oo lagu xiliyo si looga gudbo caqabadaha markaas taagan loona gudbo jawi nabadeed ileen Ilaahay swt wuxuu Caqliga noosiiyey oo xooluhu noogu duway inaan ku fikirno oo aan ku maareyno dhibaatooyinka nasoo wajaha, amuur kastana aan uga gudubno Samir iyo dulqaad iyadoo la eegayo danaha guud iyo kuwa gaarka ah intaba, sidaas ayaana lagu gaaraya liibaan adduun iyo mid aakhiro.

 W/Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabeyre