Maxaad ka taqaannaa Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Maxaad ka taqaannaa Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

923
0
SHARE

Somaaliya waa Dal ka mid ah dalalka Afrika, waxayna ku taallaa geesta bari ee qaaradda afrika, waxayna Soomaaliya caan ku tahay waxyaabo badan oo kheyraad dabiici ah.

haddaan u soo noqdo mowduuceyga, Soomaliya waxay leedahay Hiddo iyo dhaqan iyada u gaar ah oo ay kaga duwan tahay qaaradda inteeda kale, waloow ay jiraan waxyaabo ay isaga mid yihiin meelaha qaar haddii laga eego iyo xagga dabeecadda dhulka.

AUN, Al-Fanaan beer dilaacshe baa ku heesay hadda ka hor                              “dhulkayagu sabool maaha saxro iyo abaar maaha saban xumaadna kama dhicin”xillyada barwaaqada da,ee dalkeenu baraareysan yahay ayaa dadkeennu waxay caan ku yihiin isu soo baxyada isbooqashada iyo farxadaha kala duwan in ay sameystaan sida xafladaha aroosyada’ marka asalka hiddaha iyo dhaqanka soomaaliya wuxuu aad uga muuqdaa miyiga oo si weyn looga ixtiraamo loogana qaderiyo haddaba maxaa ka mid ah hiddaha iyo dhaqanka soomaaliya.  maanta waxaan ka soo qaadaneynaa qeybta ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo mowduucenna ah.   Ciyaaraha waxay leeyihiin noocyo kala duwan soomaalidana waxay ciyaarahaasi ciyaaraan xilliyada barwaaqada, iyadoo aad arkeyso in ciyaar waliba ay leedahay hab  jiib iyo jaan ay isla garanayaan hadba kooxda isla ciyaareysa,Matalan haddaan wax ka sheegno magacyada iyo nuucyada kala duwan ee ciyaaraha dalkeenna iyadoo halkaan lagu soo koobi Karin haddaan wax yar ka tilmaamo waxaa ka mida. Ciyaarta  beereyda               & Ciyaarta  bullada Ciyaarta kabley shimbirta   & Ciyaarta    Batarka Ciyaarta dhaantada             & Ciyaarta    waalada Ciyaarta walasaqada           & Ciyaarta  kabeebeyda Ciyaarta saylaha                   & Ciyaarta Wareegtada. Ciyaarahaan iyo kuwo lamid ahaba waxaa laga ciyaaraa dalka soomaaliya,iyadoo badana ay wada ciyaaraan hablaha iyo ragga, waxayna leeyihiin dhar u gaar ah ciyaaraha oo loo yaqaanno dharka hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed waxayna leeyihiin tilmaamo u qaas ah sida dharka cadcad ee baftada ah,shaalalka iyo waxaa kaloo jira wax layiraahdo boqorka, dhaclaha,kuwani waxay ku gaar yihiin hablaha xirta dharka hiddaha waxaa jira waxyaabo kale oo ay soomaalida gaar u leedahay sida ay horeyba u tiri fannaanadeyna seynab xaaji cali baxsan “wiil geel jiroon gaajadu karayn waa waxa dalkeenna u gaar ehe leynagu gartaa, Maanteey galladi noo soo gashee Gobannimadayada guulloow adkeey”Aamiin mahadsani Seynab Xaaji Cali Baxsan, waxaa jira oo ay soomaalida hiddo iyo dhaqan u leedahay gabayada geeraarada maansada guuroowga,intaas iyo kuwo kale oo siyaabo kala duwan loogu kala luqeeyo,waxaana mahad iyo amaan leh dadka weli hiddaheenna iyo dhaqankeennaba ku dheggan oo ilaaliya kana ilaaliya in aysan ku soo darsamin dhaqamada shisheeye oo badankood ah kuwo aad u xun.

dhaqanka iyo hiddaha soomaaliya waxaa loo kala qeybin karaa waqooyi iyo konfur iyo weliba dhaqanka reer banaadiriga oo koonfurta iyo waqoooyigaba kaga yara duwan waxyaabo yar yar. waxaa jira wax la yiraahdo isu soo bax sanadeed oo caado ah, loogana dhaqmo sida badan koonfurta iyo bartamaha soomaaliya, waxaa ka mid ah isu soo baxyada kuwa ugu magaca dheer oo la wada yaqaanno, sida: 1. Istunka, 2.Badgalka, 3. Dabshidka, 4. Shirta, iwm Hase ahaatee dhallinta maanta joogta magaalooyinka waa weyn ee dalka waxaad arkeysaa in aysan difaaceynin hiddaha & dhaqankoda Oo ay ka door bidayaan kuwo shisheeye taasina waa doqonnimo waayo Annagu, waxaan nahay soomaali waxaana leenahay hiddo iyo dhaqan asiili ah oo aan ka soo gaarnay waalidkeen, kuna saleysnaa anshax iyo asluub wanaagsan, wallow, caadada soomaalida qaarkeed aysan ahayn kuwo wada fiican.                                                                                                    Marka ciyaaraha  iyo ciyaartooyada  soomaaliya ee hiddaha iyo dhaqanka ku saleysan waxay door muhiim ah kaga jiraan bogagga hore ee fanka soomaalida, waxay lafdhabar muhiim ah u yihiin kana tirsan yihiin kooxaha hoballada waaberi  waxayna kooxdani ka qeybgalaan tartamada adduunka waxayna ka soo hooyaan guulo xambaarsan billado aad u qiimo badan, waxayna ku caan baxeen masraxyada caalamka oo dhan.  ciyaaraha waa astaamaha farxadda, waxuuna dalku  leeyahay maanta koox fannaaniinta ka tirsan oo la yiraahdo                “Somali National Folkolor Dancers”, kooxdani, waxay  wacdaro ka dhigi jireen iyagoon u kala harrin gabdho iyo wiillalba masraxii,                                                                                                          Golahii murtida iyo madaddaalada ee “National theatre” Hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed qeybahiisa kala duwan waxaa muhiim in ay dhallinta soomaaliyeed ay soo nooleeyaan , dowladda soomaalida cusbna waa in ay dib usoo nooleysaa carwooyinkii qaranka ee lagu soo bandhigi jiray dhaqanka iyo hiddaha soomaaliyeed ee loo yaqiinay “Fiyooraha Soomaalida” Taasoo, wax weyn ka tari karta soo nooleynta iyo ku baraarugidda hiddaha iyo dhaqankeenna suuban, weliba jiilka ku dhalanaya qurbaha maba garanayaan hiddaheenna iyo dhaqankeenna  marka si ay u ogaadaan in ay leeyihiin dal  madaxbannaan dowlad iyo calan iyo hiddo iyo dhaqan u gaar ah waa In dowladda ka qaaddaa arrintaan tallaabo lana badiyaa carwooyinka lagu qabanaayo dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba. Waxaana muhiim ah In loo wada guntado dhammaan soo nooleynta hiddaha iyo dhaqanka soomaalida, si looga badbaadiyo jiilalka yaryar ee ku nool dibadaha iyo in aysan salguurin ciyaaraha dalka.

W.D/ Osman Dhiblaawe