Malaga yaabaa in dib loo yagleelo ilihii wax soo-saarka Soomaaliya?

Malaga yaabaa in dib loo yagleelo ilihii wax soo-saarka Soomaaliya?

458
0
SHARE

Ilaha wax soo saarku waxay ahaayeen kuwo ay ku tiirsanyihiin dhaqaalaha waddanka, waxaana laga heli jiray waxa ay soo saaraan lacagta adag ee dhaqaalaha dalku uu ku tiirsanyahay marka laga reebo waxa uu dalku qaato ama uu u baahan yahay, waxaana ka shaqeyn jiray shaqaalo aad u badan oo aan tiradooda aan lasoo koobi Karin, waxayna lahaayeen shaqaalahaas farsamo yaqaan sare mid dhexe iyo mid hoose intaba.

Ilaahaas dhaqaale waxaa ku noolaa qoysas Soomaaliyeed oo aad utiro badan kuwaasoo soo saari jiray arday aad u fara badan, hadda waxaa baaba’ay shaqaalihii ka shaqeyn jiray warshadaha kala duwan ee dalka uu lahaa, waxayna kala ahaayeen warshadahaas:-

Warshaddii ugu horreysay ee isnaayb biyaaso ee Sonkorta Jowhar, Warshaddii dharka ee Balcad, Warshaddii hubka yar yar iyo rassaasta, Warshaddii kabka, Warshaddii burka iyo baastada dalka, Warshaddii caanaha, Warshaddii taraqa iyo sigaarka, Warshaddii sifeynta batroolka, Warshaddii hilibka ee Kismaayo,Warshaddii sibirka iyo kuwo kale.

Si kastaba ha noqotee wuxuu lahaa dalka Ilo farabadan oo wax soosaar oo ay kamid ahaayeen Beero aad u farabadan oo ay laheyd Dowladdu oo ay ku kala yiilay Gobollada Shabeellada hoose iyo shabeellada dhexe.

Haddii aan faafaahinno warshadda dharka ee Balcad waxay soo saari jirtay qalab kala duwan oo ay kamid ahaayeen Joodarayaal suuf ah oo laga heli jiray hurdo aad u raaxo badan marka aad kuseexato oo aanan laheyn lafa xanuun ruuxii kuseexadana lamoodi jiray markuu hurdada kasoo kaco ama dareemijiray jirkiisa caafimaad aad fiican iyo nashaad uu kahelay joodarigaas aadka u tayada wanaagsan.

Joodariga warshadda Balcad dadka ku seexdaayi joodari kale kuma doorsan jirin oo meel kale laga keenay, waxay ku tartami jireen dadka kunool gobollada Soomaaliyeed sidii ay u gadan lahaayeen Joodariga lagu sameeyey warshadan.

Waxay kaloo soo saari jirtay Warshadan dharka ay ku labisan jireen Ciidamada noocyadooda kala duwan iyo nooca ay qaataan ardayda Soomaaliyeed min Dugsiyada hoose ilaa heer Jaamacadeed.

Waxaa kaloo kamid ahaa wax yaabaha ay warshaddu soo saari jirtay baatiga noocyadiisa culus oo ah midka labiska ku wanaagsan oo ay aadka u jacelyihiin haweenka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo kamid ahaa daahyada lagu qurxiyo aqallada sidaa Xafiiyada, aroosyada iyo guryaha caadiga ah ee qoosaska Soomaaliyeed intaba.

Warshaddu waxa ay laheyd waaxyo kala duwan sida waaxda gaadiidka, waaxda maamulka iyo maareynta, waaxda wax soo saarka iyo ganacsiga, waaxda shaqada iyo shaqaalaha, kulligooduna waxay lahaayeen agaasimayaal hoos taga maareyaha guud ee warshadda. Waxaana kashaqeynaayey Shaqaalo joogto ah iyo kuwo aan joogto aheyn intaba, kuwaasoo dhammaantood nolol ka heli jiray warshadda.

Inta aan soo sheegnay waxa ay ahaayeen wax yaabo aan haba yaraatee aan dibad aan laga doonin waana ay ku filneyd warshadda waan ay dabooli jirtay baahiyaha looqabay.

Waxaa kaloo ganacsi ahaan loo iib geynjiray dalalka aan deriska nahay sida Itoobiya, Keeniya, Jabuuti iyo Yaman .Arrintaa oo iyaduna ay aheyd mid dhaqaalaha Soomaaliya waxweyn ka tarta oo intii ay baahidii dalka dabooshay haddana dhaqaale kale dibadda kasoo xarey jirtay.

Waxaa kaloo ka mid ahaa warshadihii ugu horreeyey ee dalka laga hergaliyey ee aadna wax tarka ulahaa warshadda Sonkorta ee Jowhar ee lagu magacaabi jiray xilliggii gumeysiga isnayb biyasa. Waxayna kamid aheyd ilihii wax soosaarka ee uu ka hargeliyey gumeystihii Talyaaniga si uu shaqana usiiyo unasoo jiito dadka Soomaaliyeed uguna helo gacan iyo wada shaqeyn xooggan, wuxuuna tartan kula jiray Dowladda Ingriiska oo heysatay Gobollada waqooyi ee Soomaaliya.

Mashaariicda koonfurta Soomaaliya uu ka hergaliye wuxuu kugu guulaystay dowladda Ingriiska kadib markuu uu siiyey shaqooyin ay ku maareeyaan noloshooda ayuu wuxuu kaga helay xiriir wadashaqeyn oo dhow, waxayna adeegsan jireen Talyaanigu dhaqanka Soomaaliyeed oo ay u dirsan jireen dadka inay soo dumaan oo wadasheynta ay sidaa ku xoogeysato, taasoo ay sababtay inay xitaa qortaan ciidamo iyo horjoogayaal ay u badnaayeen odayaal Soomaaliyeed oo mushaarkoodu meel loo saaray, taasina waxay aheyd shabaq uu ku kalluumeysanayo Gumeystaha Talyaanig.

Muddo ka dib asigoo sii wada abuuristii ilaha wax soosaarka ayaa degmada Afgooye wuxuu ka hergeliyey warshadii E-tob ee maangaha, warshadihii uu sameeyey Gumeystuhu iyo dhulbeereedkii xoogga uu ku qabsaday waxaa lagala wareegay sanadkii 1970-kii, waxaana kala wareegay dowladdi kacaanka ee ay hogaaminaayeen golihii sare ee ka koobnaa 25-kii sarkaal ee aan dhiigga  ku daadan. Waxayna ahey markii kacaankaasi uu ka dhashay dalku 21/10/1969.

La wareegista hantida Qaranka ee lagala wareegay gumeytihii dalka xoogga ku heystay muddada badan ee aadka u dheer halkeedi ayey kasii socotay wax soosaarka ilaha dhaqaale ee tirada badnaa, waxaana dalku uu gaaray isku filnaansho dhaqaale  iyo mid amni, ciidamo lixaad leh inuu muddo yar gudahood ku yeesho.

Si loo gaaro taas oo kale maadaama dalku xor yahay leeyahayna Dowlad madax banaan waa in dib loo yagleelaa ama loo abuuraa udubkuna loo taagaa warshadihii bur buray ee dalka iyadoo aan laga maarmin wax soosaar way haboontahay dib in loo fiiriyo halkii aan shalay maranay wuxuuna dalkeenu maanta leeyahay dhallin yaro wax baratay dibad iyo gudahaba iyo wixii ka nool odayaashii hore ee talo bixiya.

Haddii laysku tiirsado waxaa la qaadi karaa talaabooyin wax ku ool ah, noloshu nabad kama maaranto, nabaddu waa gogol, naftu meel ay ku gama’do ayey dooneysa.

Haddii aan latabcan dalkaaga oo aan wax laga beeran sidee baahi looga baxa oo qaabkee aad dooneysa in baahida uga baxdid?  Haddii  aan  xoolaha  ladhaqan

Sidee baahida looga baxaa?.

Sida hadda noo muuqata waxaa iyagana faraha laga qaadey ee baa ba’aya Xoolihii la dhaqan jiray ee Soomaalidu caanka ku aheyd Ilaha dhaqaale ee waddankuna kow ka ahaa, Beerihii la falan jiray oo isha dhaqaale ee labaad ahaa ee beerashadii laga daayey oo ay dadkii beeraleyda ahaa ee beeraha fashan jiray ay soo dhoobteen kaamanka magaalooyinka waaweyn ee dalka iyagoo isku sheegaya inay yihiin qaxooti, waxna kasugaan Hay’ado shisheeye, qaarna ay cagta saareen waddada ma gafaha iyagoo u bareera khatarta uu leeyahay safarkaa dhib badan iyadoo mar walbo la maqlo meyd wadada yaalo iyo kuwo ma gefaha u xiran iyo kuwo baddu laqdo ama ay soo tuurto, halka kuwana ay dowlado shisheeye ay addoonsadaan oo beeraha ay ku fashaan, Halkaa waxaa kasoo furmay albaabki fakhriga iyo fool xumida.

Waxaan kusoo gabo gabeynayaa maqaalkena talo ah in dib loo nooleeyo Ilihii wax soosaarka Warshadihii iyo Beerihii dalka uu ku tiirsanaa caankuna uu ku ahaa.

Lagdanka Siyaasadeed yuuna idin lug-goyn ee haloo abuuro dhallinta Soomaaliyeed Ilo dhaqaale ee ay ka helaan shaqo ay ku dibiraan noloshooda si ay wadankuna ay wax u taraan xoogna ugu noqdaan.

Waxaa doorasho iyo taageero mudan shaqsigii ka shaqeeya horumarka dalka iyo minimada Ummadda, dantiisa gaarna ka hor mariya midda guud, taana waxaa lagu helayaa sinnaan iyo cadaalad, kalsooni iyo jaceyl loo qaado madaxda waddanka.

Madaxdu hoos ha u eegto baahiyaha dalka ka jira iyo baaba’a ummadda heysata hana loo abuuro dadka Soomaaliyeed oo haddii ay helaan fursad ay ku shaqeystaan aan u baaheyn in siyaasad uun daba cararaane ee karti u leh inay shaqeystaan waddankuna wax muuqda kusoo kordhiyaan.

Sidaa awgeed waxaan ku talinaynaa in boorka laga jafo ilihii dhaqaale ee waddanku lahaa waliba kuwo badanna lagu daro bacdamaa dadkeena intii hore ka badan yahay dhallinta wax baratayna intii hore ay ka badan yihiin.

Inta dooratay inay u shaqeeyaan dowladduna la dhiira geliyo si cadaalad ahna fursadaha shaqo loogugu faa’iideeyo si ay u dareemaan cadaalad iyo kalsooni ay ku qabaan madaxdooda.

 

W/Q:  C/salaan Axmed Gabeere