Madaxweyne Trump oo jeediyay khudbadiisi sanadlaha ahayd

Madaxweyne Trump oo jeediyay khudbadiisi sanadlaha ahayd

88
0
SHARE

Donald Jey Trump Madaxweynaha Maraynkanka ayaa jeediyey khudbaddii sanadlaha aheyd ee “State of the Union” taas oo uu looga hadlo xaaladda dalka iyo waxyaabihii u qabsoomay dowladii mudadii ay jirtay.

Madaxweyne Trump ayaa Khudbadiisa waxa uu si gaar ah kaga hadlay dhaqaalaha, arrimaha socdaalka, qoddobka muranku ka taagan yahay ee darbi laga dhiso xuduuda Maraykanka iyo Mexico iyo qoddobo arrimaha dibedda khuseeya sida sababta maamulkiisu u taageerayo hogaamiyaha mucaaradka Venezuela,isagoo si faah faahsan uga hadlay arrimahaasi oo idil.

Munaasabadaasi waxaa goob joog ka ahaa mudanayaasha labada Aqal ee (Congress)-ka iyo (Senate)-ka dalkaasi,waxaana madaxweynaha Mareykanka uu ku booriyay in ay go’aan ka gaaraan howlaha dowladda horyaala sidii loo xalin lahaa muranka siyaasadeed ee taagan iyo sidii loo sugi lahaa amaanka dalkaasi,isagoo ula jeedo dhismaha derbiga xadka Mexcico iyo Mareykanka.

Qaar ka mid ah siyaasiin u muuqday in ay ku aragti ahaayeen madaxweyne Trump oo hadal jeediyay ayaa in badan ku taageeray dadaalka uu wado madaxweynaha,gaar ahaan xakamaynta soo galootiga,balse waxaa jiray kuwo kale oo si weyn u lafa guray dhibaatada bani’aadanimo ee ka dhalankarta,waxaana jira qoysas badan oo ku dhex lumay xuduudda caruur iyo waalidiintooda.

Dhismaha derbiga xadka ay wadaagaan Mareykanka iyo Mexico ayaa qeyb weyn ka qaatay khilaafka siyaasadeed hay’adaha dowladda Mareykanka,kuwaasi oo sababay in ay hakad galaan howlihii shaqo ee dowladda.