Madaxweyne JFS Oo Booqday Xarunta Gurmad-Qaran-Sawirro

Madaxweyne JFS Oo Booqday Xarunta Gurmad-Qaran-Sawirro

54
0
SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa booqday Xarunta Gurmad Qaran, oo ay ka socdaan Howlo lagu caawinayo dadka dhibaatada soo gaartay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa fariistay qeybta ay ku soo dhacayaan Telfoonada dadka ehelkooda raadinaya, isagoo qabanaya Telfoonada shacabka soo dirayaan, kana diiwaan galinaya Magacyada dadka ka maqan, iskuna sheegaya dadka soo wacaya in ay la hadlayaan Madaxweynaha Qaranka Soomaaliya, uuna la qeybsanayo dhibaatada shacabka.

Talaabadan ayaa muujineysa sida Madaxda dowlada oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay shacabka ula qeybsanayaan dhibaatada ku dhacday, iyagoo habeen iyo maalin u taagan dadaal lagu caawinayo shacabka.