Kulankii loo wada riyaaqay

Kulankii loo wada riyaaqay

239
0
SHARE

Iyadoo, R/wasaaraha XFS uu dhawaan soo magacaabay ka dib markii uu isku shaandheyn ku sameeyay golahiisa Wasiirrada, ayaa Wasaaradda Warfaafintu waxay nasiib u yeelatay inay hesho Wasiirkii ay in dhawaalaba ku taamaysay  in uu hoggaanka mar laabad u qabto Wasiir Daahir Maxamuud Geelle, oo hadda ka hor la arkay Waxqabadkiisa iyo hagar la’aantiisa.

Wasiir Geelle, ayaa wuxuu Wasiir  ka noqday Wasaaradda sannadku markuu 2009-kii, iyadoo dalka ay ka jirtay marxalad aad u adag iyo dagaallo fool ka fool ah, wuxuuna muujiyay ilaahey ka sokoow in uu bar-bar istaago shaqaalahiisa, una sameeyay miis ay ka cunteeyaan, si ay uga maarmaan in ay dibadda uga baxaan gudaha Wasaaradda si looga hortago waxyeello soo gaarta Saxafiyiinta dowladda.

Iyadoo haddana, Wasiirka lagu xasuusto, marxaladdii adkeyd ee la soomaray, siduu uga badbaadiyay Wasaaradda, kuna dadaalay in ay Wasaaradda ka soo samata baxdo duruufihii halista ahaa.

Wuxuuna soo saaray shaqaale isku duuban oo wax wada qabta, waddadii uu markaas jeexay iyo hab-nidaameedkii uu dejiyay ayaa ilaa hadda ay ku taagan tahay Wasaaradda Warfaafinta, waxaana lagu yaqaan Wasiir Geelle inuu yahay nin Waxqabad badan oo daacad u ah shaqada iyo shaqaalahiisa, waana nasiib inuu mar labaad uu ka howl galo Wasaaradda Warfaafinta.

Haddaba Mudane Geele, Waxay shaqaalahu kaa rajeynayaan, in aad mar kale la timaado tallaabooyin horumarineed oo ay asaas u tahay Caddaaladda, Caddaaladda oo ah meesha keliya oo looga gudbi karo dhibaatooyinka badanaaba ku soo laab laabta, hay’adaha dowladda.

Waxaa xaqiiqo ah, haddii aad ka gaashaamato labada cadow ee dilaaga ah oo kala ah Musuqmaasuqa iyo Caddaalad darrada daashatay maamullada, aad gaari doonto hadafka aad la jeceshahay Wasaaraddaada in ay gaarto, adiguna aad Taariikhda marlabaad sidaa ku gasho.

Marka laga hadlayo taariikhda bulshada Soomaaliyeed ma jiraan wax ka qaayo weyn oo la qadariyo, sidaa darteed mudane kulankii aad la yeelatay shaqaalaha Wasaaradda waxay u ahayd farxad, waxayna ahayd mid mideysay quluubta shaqaalaha guud ahaan, waxayna shaqaaluhu kuu ballan qaadayaan in ay ka dhabeynayaan dardaarankaadii, waayo nidaam kasta waxaa uu wataa horukaciisa.

Khudbaddaadii, waxay shaqaalaha ku abuurtay kalsooni iyo niyad sara u kacday,

Mudane, hadal macaan qofkasta wuu iska dhihi karaa, laa kiin ma kawada dhabeyn karaan, hadalkuna marka uu afka ka soo baxayo way ka macaan badan yihiin Caanaha dhayda ah, laakiin Caanahaasi waxaa haboon in laga ilaaliyo liinta, waayo liintu waxay sababtaa in ay caanahaasi macaan bajiyaan oo ay u kala tuuraan baq iyo biyo, shaqaaluhuna shaki kama qabaan in aad tahay ruux ka dhabeeya waxa uu ballan qaado.

Tan maanta aan joogno waa waayo cusub, waxayna ka turjumeysaa himillada dowladdeenna iyo horumarka dalka, iyadoo weliba dadka dunnida ku wada nooli ay doonayaan in ay la socdaan xaqiiqda iyo isbeddellada dhabta ah ee dalku ka hanaqaaday.

Ayaa Wasaaradda Warfaafinta qeybaheeda kala duwani ay diyaar u yihiin in ay gaarsiiyaan dunida xaaladaha dhabta ah ee dalka ka socda, waxayna ku shaqeeyaan hadaf mideysan Suxafiyiinta ka howlgala Wasaaradda Warfaafinta.

Afarta qeybood ee Warbaahinta dowladda ayaa waxay si isku mid ah meel uga soo wada jeedaan in ay la dagaallamaan Guud ahaan Cadowga Soomaaliyeed.

Sidaa darteed, waxaa habboon in Wasaaraddu markaan ay xoogga saarto, kaabayaasha dhaqaalaha ee Wasaaradda iyo wakaaladihii wax ku oolka ahaa, si looga horumariyo meesha hadda ay joogto, oo ah meel aad loogu farxo.

Waxaan mudane kaa sugeynaa in aad ugu horreynba kiciso, Wakaaladdii Madbacadda Qaranka iyo Wakaaladdii Golaha Murtida iyo Maddaddaalada,

Si loo helo, wax soo saar isku dheellitiran.

Wargeyska Dalka, Waa Wargeyska keliya ee ku hadla Afka Dowladda Soomaaliyeed, waa xubin aad u mihiim ah, waayo ma jiro dal aan lahayn Wargeys ka turjuma hadafyada dowladda hiigsaneyso, waxaan kaa rajeyneynaa in aad dhexda u xirato si uu ugaaro meel sare oo lagu farxo.

Haddaba, la kulankaadi shaqaalaha Wasaaradda adiga iyo Wasiir ku-xigeenkaba, waxay ahayd mid guul taariikhi ah.

Mudane Wasiir Daahir Maxamuud Geelle, Wasiir loo bogay yimid waqti loo baahnaa.

W/Q: Ciise Faarax.