KU DHAQANKA MURTIDA IYO MAAH-MAAHOOYINKA

KU DHAQANKA MURTIDA IYO MAAH-MAAHOOYINKA

419
0
SHARE

Maah-maahyada Soomaalida ku Maah-maahdo way fara badan yihiin, waxaana laga yaabaa in qaar ka mid ah aan la aqoon macnahooda maadaama uu dadku ku yar yahay akhriska iyo qoraalka,.

Waxaan halkaan ku soo bandhigeynaa macnaha iyo maah-maahdii oo iswata.

  • Inan iyo Abeesaba Afkooda ayey u dhintaan: waxaa taa looga jeedaa haddey gabdhu edeb leedahay ama tahay mid ku fiican dhaqanka iyo diinta, aadinna meelaha xun-xun way adag tahay sidey dhibaato ugu dhacdo, hadayse edebdarro iyo asraar ku aaddo Suuqyada waxaa soo gaaraya dhibaatooyin fara badan, halkaas ayaana Abeesada loogu magacaabay, waayo abeesadu waa mid aadanaha u geysata dhibaato iyadoo wadata sun Qatar ah, Abeeso waxaa lagu dilaa aragtida.
  • Rag waxaa ugu daranbaa la yiri, Asraar iyo Abaal ka dhac: waayo qofkasta haddii kibir lagu maago iyo gar darro abaalkiisana loo diido amaba la garan waayo wuxuu yahay aad ayey u dhibaato badan.
  • Haweenkana waxaa ugu daran baa la yiri, Heblaayooy ama tag ama joog meeshaan waxba kama tihide, waxayna ogaaneysaa inuusan ninkeedu u heynin wax rajo iyo kal gaceyl ah, kumana haboona in haweenku sidaa loogu jawaabo, waayo waa hooyadii guriga waana gacantaadi aad howsha ku aamintay.
  • Ballan la’aani waa diin la’aan: sababtoo ah qofkii aad ballanta iyo axdiga la gahay ee naftaadii iyo hantidaadi ku aamintay hadduu kaaga baxo waa mid aan diin lahayn.
  • Wixii araggoodu ku deeqo ayaa uuntoodana ku deeqdaa: waxaana taa looga jeedaa sheyga aad dooneysay ee aad u soo muraadday mar haddaad ka weydo muuqaal iyo aragti soo dhaweyn leh farxad iyo gacmo furan uuntiisana ku deeqi meyso, waxaana halkaa ka soo baxaya dib inaad uga noqoto adigoo daallan oo culeys iyo caga jiid oo la moodo inaad jawaanno cusbo ah tunka ku sidato, sidaas ayey u dhaceysaa taasina.
  • Saddex lalama Rafiiqo: Ma horreeye, Ma hasaawiye, Ma hanbeeye, waxay taasina u dhaceysaa haddii la maro jid dheer iyo safar qof aan kaa soo leexineyn waddada xun ee aan ku lahayn halkaa soo mar, talo bixin iyo caqli celin ama aan isago maskaxdiisa iyo qalbigiisuba aysan ka soo maaxaneyn curis iyo halabuur u gaar ah isaga uusanna ku lahayn waxaas waxaan kaa leeyahay amaseba waxaa la yiriba, iyo midaan waxba hambeynini haddii loo martiyo reero dan yar oo soomaali ah, saddexdaasi lalama rafiiqo.
  • Saddex lalama degaa la yiri, Baqeyl damac badan, Fulay daandaansi badan, iyo Doqon fiiro taqaan, waxaa caddeyneysaa taas dhibaatooyinka kaa soo gaaraya haddii aad la Saaxiibto, sababtoo ah doqon fiiro taqaan, adiga unbey ceebahaada ka sheekeysaa ee kama sheekeyso quruxdaada iyo wanaaggaada, mana tixgeliso derisnimada iyo wanaagga, baqeyl damac badan wuxuu kuu diraa guryo iyo buuro dahab ah waxna kama gato mana aha mid quuro lacagaha iyo alaabta lagu kala gadanayo iyo hantida uu kuu diray, halkaasna daal un baa laga dhaxlaa, fulay daandaansi yaqaan, dad ayuu kibir ku soo maagaa, ka bacdina intuu soo cararo ayuu wuxuu yiraahdaa duulaan ayaa nagu soo fool leh oo hebel iyo hebel ayaa nagu soo socda oo duullaan iyo weerar ah, markaad diyaarsato hubkaada ee aad istiraahdo u hiilli Saaxibkaa difaaca wuu kaaga cararaa hadda ogoow awalna isagaa gardarnaa, sidaa darteed saddexdaana lalama dego.
  • Saddexbaa jirta, Tawin aan baaqan, iyo Tantoomo aan bogsan, iyo Tog biyo xaraar: waxayna ka hadleysaa tawin aan baaqan waa xaqa naaska sida xaqa bini’aadamka oo ah mid aan lagaa cafineyn, mana baaqdo waana tawin aan baaqan, tantoomo aan bogsanna waa da’da, sida aad u taaheyso oo aad u leedahay hebeloow muruq ayaa I go’ay kama bogsaneysid ilaa aad ka dhimato, waayo da’da lagama bogsado, tog biyo xaraar, waa dad badan oo aan talo iyo muwaafaqo midna aan lahayn, waxaana xigmad yaqaanku ku macneeyeen, badda biyaheeda lama cabo, laas yar oo biyo macaanna nafta ayuu wax u taraa, waxaana lagu macneeyaa dad yar oo muwaafaqo leh laaska a yar, madaama uu yahay mid nafta wax u taraya, sababtoo ah baddii ka weyneyd ayaa oon iyo harraad loogu ag dhintay, waxaana halkaa ka garan karnaa dad aan talo ismaqal lahayn waxba isuma tari karaan.
  • Saddex kale ayaa jirta, waxayna kala yihiin: Dudun Xilo mood, Xabaal Waalid mood, Xiddigo Xoolo mood.

Duddun xilo mood: waa islaan weyn oo reer magaal ah adoo guursaday habeen kasta markaad u timaado nuurka iyo carafta ka soo baxaysa aroos cusub ayaad gashaa, laakiin daal mooyaane dad lagama helo, sidaas ayaa loo yiri duddun xila mood

Xabaal waalid mood: waxaa loo yiri, haddeey waayeel noqdaan labada ku dhalay xoolo badanna ay leeyihiin ama danyarba hayska ahaadeen waxooda waxbaa loogu daraa ee waxba lagama doonto, sidaas ayaa loo yiri xabaal waalid mood.

Xiddigo xoolo mood: waxaa loo yiri, haddii aad dhasho owlaad badan oo aad koriso tacab iyo wax soo-saarba aad geliso, markay dadxun noqdaan xiddigahu intay kuu jiraan ayeey xoolahu kuu jiraanbaa la yiri, nolosha kuuguma daryeelaan, dhimashadana kuuguma duceeyaan, sidaas ayaa loo yiri xiddigo xoolo mood.

10-Saddex kale ayaa jirtaa la yiri, Nin Dhintay oon is ogeyn, Nin dhaqday oon is ogeyn, iyo Nin Dhistay oon is ogeyn.

Haddii aan ka soo qaadno: Nin Dhintay oon is ogeyn, waa waayeel xoolo badan oon dad iyo diin midnaba lahayn, markuu dhinto ayaa u dambeysa magaciisa, muxuu dhaqay oo meesha yaalla qaraabadaana kala boobta.

Nin dhaqday oon is ogeyn, waa Nin awlaad badan oo wanaagsan nin koriyay weeye, isagoo qalbigiisu ku taallo weligaa wax biil ka badan soo ma helin haddana waayeel baad noqotay ayaa caruurtii oo xoogawday isku qabsadaan kii xajka geynlahaa iyo gaariga ku kaxeyn lahaa iyo kii guriga u dhisi lahaa, sidaas ayuu fadhi ku talis ku noqdaa, sababtoo ah salliga ayaa marba guriga dhinac kasta looga dhigaya geestii uu doonaba, waxaana mar waliba lagula hadlaa hadallo macaan oo aabe iyo hooya maxaa tabeysaan oo la idiin qabtaa yiraahda.

Nin Dhistay oon is ogeyn waxaa loo yiri, haddii wiil yar waalidkii xoolo badan uga dhintaan dhallin yarana uu yahay xoola bandanna uu heysto, gabadhuu caawa u tagaa aysan ka hareyn reerkuu weydiistaana aysan u diideynin, sidaas ayaa loo yiri nin dhistay oon is ogeyn.

11-Saddex kale ayaa jirta, Ma toshe, Ma tashiishe, iyo Matacbade.

Waxayna kala yihiin, matoshe waxaa loo yiri, qofka aan wixiisa dayac tiran, haddeey guri tahay iyo haddeey gaari tahay wixiisana sidaas ayeey ku baa ba’ayaan wax u ma dhigmaan waxna uma dhaqmaan.

Ma tashiishe, waxaa loo yiri qofka wixii uu helo uu ilaaheey siiyo hal mar burburiya oo balwad iyo meel xun iyo wuxuusan u baahneyn ku baabi’ya isagoon marin xoolahaas manaasibkooda ayuu ka fara madoobaadaa, wuuna ka tuugsadaa cidna wax uma taro, sidaas ayaa loo yiri matashiishe.

Matacbade, waxaa loo yiri, Ilaaheey wuu risaaqaa qofkuu doono, laakiin qofkaan dhaqaaq iyo shaqo midna oggoleyn oo doqonnimo meelaha ka sheekeynaya, haddeey tahay waxbarasho uu ku gaari lahaa meel sare iyo haddey tahay xoogsi iyo muruq maal intaba ma oggola afka ayuu meelaha dhalaaliyaa, shaxaad iyo ku dhaqaaqa mujtamaca iyo dadka uu yaqaanno, sidaas ayuu ku noqdaa madax madow iyo middi saawira midna lagama quusto, sababtoo ah qof soo taagan oo Ilaahey abuuray ama qaraaba ahaada ama saaxiib ahaadee ka quusan meysid ilaa dhimashadiisa, middina haddeysan af lahayn markii loo baahdaba mindida keena ayaa uunba la leeyahay, sababtoo ah magacii mindida way leedahay.

12-waxaa kaloo la yiri, Qofkaan quusan Naftiisu quus weeye: waana qof kategay xishood iyo dadnimo, sidaas ayaa loo yiri qofkaan quusan naftiisuna quus weeye.

13-xabaal iyo Ninkeed loo kala teg, mana aha micnaheedu marka godka qofka la geliyo oo keliya, haddii nin arooso ama gabar aroosto waxaa bulshada iyo saaxiibadood iyo kharaabadood oo aad u jecel, waxay ka dul mashxaradaan oo hasaawe iyo kalgacalbay la hareero joogaan labadooda ayaa leysaga dhaqaaqaya marka aroosku dhamaado.

14- Qabri iyo Nin loo wado lama kala qariyo, waxay taasi timaadaa marka xaajo heegaha soo goosato, oo guurti aad ubadani geedka soo fariisato wejigana isa saaraan rag badan oo kala xishoon jiray rag xidid ah iyo rag saaxiibo ah waalid iyo qaraabo, qabri iyo nin loo wado lama kala qariyo marka runta wejiga laga saarayo, waxaana la rabaa hannaanka wada xaajoodka inuu cagta saaro waddada xalaasha ah, waxaana ka soo baxa lama maahmaahood, oo la kala yiraahdo, xaajo waa ugub iyo Karin leey, waxaana loo isticmaalaa markay timaado arrin horay u dhici jirtay karinley weeye ayaa la yiraahdaa waxaana dib loo raacaa xeerkii hore eek a yaallay,

Wixii ugub noqdana, waxaa loo isticmaalaa ama lagu xukumaa wax ugub oo aan horay laysugu xukumi jirin, maalintaas Ayaana magac loo sameeyaa, waxay noqotaba.

15-Hunnu-Hunnu Hadal maahan, Hambiriirsina Arag maahan, maah-maah kale oo ku lamaan ayaa jirta maah-maahdaan, waxayna leedahay Hadal iyo Hilbaba waa la kala qalaa, midkale ayaa Iyana waxay leedahay Run iyo Ilkaba waa la caddeeyaa.

16- La yeelaa ma iloobo, Laakiin yeelaa wuu illoobaa.

17- Af-xumo nabadna way kaa waddaa Colna waxba kaagama tarto

18– Waddo ayaa Dhul lagu maraa

19-Talo Walaal diide Turun-turo ma huro

20-Rag waxaa uliitaa la yiri Calooshiis la ciyaar iyo Ciilkama bexe, haweenkana waxaa la yiri Casir seexato iyo Cirkeed bogato.

21- Haween usamir ama ka Samir, haddaad wanaaggooda rabto, haddaad xumaantooda rabtana, uurka ku dil umushana ku qadi.

22-Abaal raagay Rag iyo Geel baa leh

23- Laba beer leh kalama baahi beesho

24- Meel bugtaa iyo Fartaa is og

25- Milil guudkii lama dhayo, waxaa taa looga jeedaa meel hoosta ka bugta oo dhacaan iyo malax ka buuxaan, dusha haddaad ka dhaydo waxba uma qabato, laakiin dillaaci oo mililka iyo malaxda ku jirta ka sii day, waxaan sidoo kale looga jeeda xaajada ka run sheeg oo caloosheeda feyd.

26- Waxaa la yiri, Xaajo haddan sida dabada Ariga loo feydin ma fiyoobaato, Xashkana bab dheh wixii kujira ha kasoo boodaane

27– Xumaan Salkeeda lama gaaro,

28– Aqoon la’aani waa Iftiin la’aan, waxaa loo yiri sidaas dad iyo dhul iyo meel aadan aqoonin waa ka indho la’adahay laakiin haddaad indho la’dahay oo dadka iyo dhulkaba taqaanno iftiin ayeey meel waliba kuu noqoneysaa irid walibana way kuu furmeysaa danahii aad ka laheydna way kuu fulayaan, waxaana taa mataalkeeda ah maahmaahdaan soo socota, mugdi habeen maaha ee waa meelaadan aqoon.

29- Xaajo way falantaa ee Xujaan loo maaro heleyn

30- Xasuustaa ma Xariirsho, waxaana loo lala jeedaa marka qolo caqabada ku yimaadaan iyo dhibaatooyin aysan xallin Karin ee ay ula tagaan beelihii kale ay walaalaha ahaayeen, goortana gar nacayb iyo madax adeeg aan ku fiicneyn sukeeyenimada iyo qaraabada, kaasoo fura xisaabo horay looga yimid oo labadooda ka dhaxeysay iyo xumaanno kale, rag wanaagsan ayaa soo dhaxgala goortaas, waxayna ku jawaabaan hebel iyo hebelow u kaadiya xusuustaa ma xariirshee, xaajada aan sida kale u dhignee, waxaana ka soo baxa war macaan iyo wax qabad, iyadoo laga raali gelinayo eraydii hore ee aan marinkooda ahayn, farxad ayey sal-mugii u fadhiistaan goortaas, iyagoo indho naxariis leh ku eegaya ragga furay albaabkaas wanaagga badan ragba waa raqdiisa ayaa la yiraahdaa ragii aan u nimid si wanaagsan ayey na yeeleen waxayna la carraabaan xeer iyo kalgacal iyagoo kolba dib usoo jalleecaya geedkii ay ka carraabeen, farxaddaas awgeed iyadoo abaara meesha la fadhiyay ayaa gu’ga curtaayoo guulatooyin roob ahi u da’aa guurtida deggan meeshaas, galladda iyo wanaagga sameysay.

Qore: Abwaan C/salaam Axmed Gabeyre.