Kororka Hotellada Gaarka loo leeyahay

Kororka Hotellada Gaarka loo leeyahay

231
0
SHARE

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee dalka 1969kii waxaa meesha ka baxay Hotelladii Dalxiiska e dalku lahaa kuwaasoo la kulmay qaran jabkii iyo burburkii dalka halakeeyay.

Tusaale ahaan Hotel Al-Curuba, Hotel Jubba, Hotel Taleex, Hotel Safaari, Hotel Jasiira, Hotel Waamo, Hotel Sambuusi,  iyo Kuwo kale oo gobollada dalka ku yiillay ayaa dhammaan burburay qaarkoodna ay noqdeen sakxadda.

Waxaa hadda dib usoo noqday hotello horay u jiray sida Hotel Maka Al-Mukaramma, Hotel Shaamo,  halka dhinaca kale ay soo if baxeen hotello cusub oo la oran karo waa kuwa waa kuwo heer sare ah ama caalami ah sida hotelka Saxafi, Hotelka SYL, Jasiira, City Place, iyo kuwo aad u tira badan  oo aan la soo koobi Karin oo dhamaan daboolay baahidii laga qabay dhanka dalxiiska, oo ay siweyn ugu baahnaayeen dadka loo yaqaanno diyaasbarada ee dibadaha in badan kaga maqnaa dalka.

Hotelladaan ayaa ku kala yaalla qeybo ka mid ah caasimadda Muqdisho ayagoo ku kala duwan hab dhismeedka adeegga iyo qiimaha, cuntada iyo jiifka, sidaasoo ay tahay haddana waa mid ay yididiilo leh, maalgashiga hotellada ganacsiga  oo xitaa gobollada dalka laga hirgeliyay meel kasta aad safar u aaddo dalka gudihiisa waxaa heleysaa Hoteel ku qanciya oo ku raali geliya guud ahaan waxyaabaha  aad ugu baahato.

Waxaa jira oo kale,  Hotello Dalxiis,  oo ku yaalla xeebata Liido oo la tago maalmaha fasaxa nasashada iyo daawashadaba, xeebta iyo maalmaha jimcaha oo si weyn loo soo booqdo xeebta gaar ahaan dadka dibadaha ka soo laabtay oo aad iyo aad u xiiseeya.

Xeebta liido iyo goobaha la midka ah runtii waa meelo ku wacan dalxiiska iyo tamashlaha waqtiyada firaaqada, sidoo kale waxaad arkeysaa Buuro, iyo goobo taariikheed, goor ay noqoto ba waa la hubaa  in habkii dalxiiska soomaaliya iyo hotellada  wacnaa maalin uun ay ka soo kabtaan burburkii  gaaray in maalgashi lagu sameeyo waa mid soo dhaweyn mudan, dadka daneeya arrimahaasi.

Sidoo kale, dhismeyaasha Hotellada ayaa kaalin ka qaata Bilicda Caasimadda iyo hab dhaqanka ganacsiga, raaligelinta macaamiisha,  iyo dadka ku soo hirta hotellada ayaa ah mid muhiim ah.

Shaqaalaha Hotellada ayaa u muuqda kuwa u qama marka aad eegto hoteellada qaar xaggey nadaafadda iyo adeeggyada ay u qabtaan macaamiisha , waxaan u rajeyneynaa maalgashigu in uu noqdo mid abuura shaqooyin iyo habsami u socodka howlaha hoteellada ee hab casri yo soo dhaweyn diiran iyo kalsooni.

W/Q: Ibraahim Abokor Cali