Kooxda K/ cagta Muqdisho City oo xasuuqday Dakadaha.

Kooxda K/ cagta Muqdisho City oo xasuuqday Dakadaha.

155
0
SHARE

Kooxda kubadda cagta ee Muqdisho City Club (MCC) ayaa xasuuq ba’an u geeysatay naadiga Dakadaha kulan ka tirsan horyaalka Somali Premier League.

Ciyaarta oo ka dhacday gagida En. Yariisow ayaa waxaa ku hardamay MCC oo xoog weeyn iyo Dekadaha oo u muuqatay qorrax si dhaceeysa, bilowgii ciyaarta ayeey MCC heshay gool ku laad lagu abaal mariyay ka dib markii daafaca Dakadaha uu gacanta ku taabtay kubad ku jirtay xereda ganaaxa, waxaana gool u badalay ciyaaryahan Garo, daqiiqadii  17aad ee ciyaarta waxa ayna noqotay gool iyo waxba oo MCC hogaanka ku qabatay.

Feysala Xasan Xaashi ayaa ka hor inta aysan dhamaan qeeybta kowaad ee ciyaarta ugu daray goolka labaad, waxaana lagu kala nastay labo gool iyo waxaba .

Daqiiqaddii 75aad ciyaarta MCC ayaa heshay goolkeeda seddexaad waxaana u dhaliyay Feysala Xasan Xaashi goolkaan oo ahaa kii labaad oo uu Feysal ka dhiliyo ciyaarta, Dakadaha oo tabar beeshay ayaa Cabdiqaadir Aadan Enow (Banteke) daqiiqaddi 77aad ee ciyaarta ayaa uu goolka afaraad ugu shubay ka hor inta uusan kan shanaad ugu darin ciyaaryahan Qeys daqiiqaddii 88aad , waxayna sidaas guusha ku raacday MCC 5- Dakadaha 0

 

W/Q: Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Sumar)