Kevin De Bruyne oo rikoor cusub u horyaalka dalka England ee Premier...

Kevin De Bruyne oo rikoor cusub u horyaalka dalka England ee Premier League.

144
0
SHARE

Xidigga reer Belgiam ee Kevin De Bruyne ayaa sameeyay rikoor taariikhi ah talaadadii, isaga oo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee caawiya 15 gool ama kabadan oo caawimaad ah, seddex xilli ciyaareed oo kala duwan.

Xiddigan ayaa caawimaad quruxda badan ka geeystay gool uu dhaliyay Sergio Aguero xilli Manchester City ay 1-0 ku garaacday Sheffield United ciyaar ka dhacday Bramall Lane.

De Bruyne ayaa sameeyay caawinaadii 15-aad ee ololaha xilli ciyaareedkaan, isagoona sameeyay sanadihii  2016-17 (18 caawin) iyo 2017-18 (16 caawin).

28 jirkan ayaa sidoo kale ku sii socdaa inuu ku riyaaqo qaab ciyaareedkiisa wanaagsan

Tababaraha kooxda Blades Chris Wilder ayaa sheegay in kooxdiisa ay si wanaagsan ula xisaabtameen naftooda, sida uu u sheegay Match of the Day: “Kevin De Bruyne wuxuu helay kubad cajiib ah iyo dhaqdhaqaaqa Sergio Aguero, qof walba oo ku nool Yurub iyo adduunka, ayaa og in uu yahay dhammeystire weyn.

Dhanka kale tababaraha kooxda Man City Pep Guardiola ayaa qorsheeyay in kooxdiisu ay ciyaarta maamusho laakiin waxa uu amaan ugu qubeeyay Blades ka dib markii ay ku dhegeen qorshahooda ciyaarta.

“Waxaan ogaynay inay tahay meel adag inay timaado. Waxaan luminay hal ama labo fursadood oo iska cad, wax intaas ka badanse ma jiraan,

Qeybtii hore, goolhayaha ayaa qabtay rigoorada iyo labo badbaadin oo cajiib ah, waxay ii aheyd guul aad u fiican inaan talaabo u qaadno dhanka horyaalka”

 

W/Q: Cabdiqaadir Maxamed Xasan  ( Sumar ).