Kaduudiye ama Kaduudshe

Kaduudiye ama Kaduudshe

276
0
SHARE

Waa maxay xanuunka loo yaqaano Kaduudiye?

Kaduudiye/Kaduudshe waa xanuun uu sababo feyruska loo yaqaano chikungunya, kaasoo ay gudbiso kaneecada loo yaqaan (Aades ).

Qofka uu ku dhaco ayaa calaamad waxaa u ah qandho soo booddo ah oo haysa labo ilaa toddobo maalin, waxaana ku xiga xanuuno toddobaad, bil ama sanado qaata.

Xanuunkaan ayaa ah mid caan ku ah xumad iyo kalagoysyo xanuun. Kalagoysyo xanuunka ayaa ah mid daran kaasoo lagu micnayn karo xanuun soo booda ah ama si dhakhso ah ku yimaada.

Marka laga tago xumadda iyo kalagoysyo xanuunka ee caanka uu ku yahay xanuunka kaduudiyaha waxaa kaloo lagu arkaa dadka uu saameeyo astaamo iyo calaamado ay kamid yihiin madax xanuun, murqo xanuun iyo kalagoysyada oo barara, marmarna ay kasoo baxaan nabarro.

Xanuunka kaduudiyaha badanaa ma ah mid sababa dhimasho balse waa mid sababi kara astaamo aad u daran oo qofku dareemo ama inay suuragal noqoto inuu qofku noqdo mid naafo ah.

Fiditaanka xanuunkaan ayaa ku xiran goobaha uu ka dilaacay. Baarayaasha iyo xirfadlayaasha caafimaadka ayaa marmar ku qalda xanuunka kaduudiyahu inuu yahay xumada loo yaqaano denge,  sababtoo ah waxey wadaagaan astaamo iyo calaamado badan. Kala saarida labada xumadood ayaa loo adeegsan karaa qaab ku qotonta deegaanka.

Kaduudiye/ Kaduuudshe ayaa dalka soo maray inta la xasuusuto seddex mar oo kala ah: 2005-tii, 2016-kii iyo sanadka  dhamaaday ee 2019-kii.

Xanuunkaan ayaa waxaay sheegaan dadka sedddexda mar uu soo joogay in uu kal duwan yahay ama uu kala xooggan yahay.

Kii 2005-tii ayaa la sheeegaa in uu ahaa kii ugu darnaa tusaale qofka isaga oo aaday goobtiisa shaqo ayaa uu fariisaanaa oo waxa ku soo bodaayo qandho iyo lugaha oo uu ku istaagi waayo, kii ugu dabeeyay ee 2019-kii ayaa ha kii ugu fududaa marka loo fiiriyo kuwii ka horeeyay ee 2005-tii iyo 2016-kii.

Waxaanan kala caddeyn in uu soo laabto iyo in uusan soo laaban, balse inta badan dadka uu ku dhacay kuma soo laaban, marka laga reebo tiro yar oo uu ku soo laabaty, sidaa oo ay tahayna waxuu u noqodaa mid sardhaban ah oo kaga jilicsan markii hore ee uu ku dhacay.

Waddamada ugu badan ee laga helo xanuunkaan kaduudiyaha ayaa waxaa ka mid ah: waddamada ku yaala koonfurta qaaradda Amerika, waddamo ku yaalla qaaradda Afrika sida Kenya, Sudan, Ugandha, Tansanyia, Madagaskar, Soomaaliya  iyo waddamo kale oo ka mid ah kuwa qaaradda Aasiya sida Bangladesh, Hindiya, Shinaha, Malaysia, Tayland, Yemen iyo Sacuudi Carabia.

Feyruska sababa xanuunkaan ayaa ku baahsan baaxad aad u ballaaran oo kamid ah qaaradaha dunida, waana mid mar walba loo baahan yahay in laga taxaddaro xilliyada safarka loo aadayo wadamada uu ku badan yahay xanuunka kaduudiyuha.

Xanuunkaan badanaa dilaa ma aha, laakiin qofka dhowr maalmood ayuu howlgab ka dhigaa, mana ahan xanuun tallaal iyo daawo toona leh, waxaa ugu muhiimsan in qofka xanuun baab’iye iyo qandho jabiye u qaato inta uu xanuunka ka gudbayo, waa inuu qofka cabo biyo badan si uu uga fogaado halista fuuqbaxa, waana inuu ku dadaalo nasiino. Ka fogow in aad qaadato daawo antibiotic ah, xanuunka wuu kaaga sii dari karaa Dadka badanaa u safro meelaha uu xanuunkaan ka jiro waxaa lagula taliyaa in ay ka fogaadaan qaniinyada kaneecada, xanuunkaan ma lahan ka hortag aan ka ahayn in la iska ilaaliyo qaniinyada kaneecadaas

W/Q: Cabdiqaadir Maxamd Xasan ( Sumar)