Ka ilaali dhaawaca Dhaqanka iyo Hiddaha Soomaaliyeed+Sawirro..

Ka ilaali dhaawaca Dhaqanka iyo Hiddaha Soomaaliyeed+Sawirro..

607
0
SHARE

Soomaalidu waa dad Muslim ah, waxayna lahaan jirtay xeer soo jireen ah dhaqan iyo hiddo ay muddo dheer lagu yaqaan balse aannu eegno maxay kala yihiin saddaxdaani:-

  • Dhaqan markii aad maqasho, waa mid waafaqsan diinta ay ummaddaasi heysato ayna kusoo dhaqmi jirtay intii ay joogtay adduunka korkiisa.
  • Waxaa kaloo jira xeer wax la yiraahdo oo ummaddaasi u dhaxeeya, xeer marka la leeyahay waa inaan barano waxa uu yahay .

xeer waxaa la oran jiray xarigga dhigta iyo udubka isu celiya marka aqal la dhisayo haddii uusan lahayn xeerkaas xarigga lagu magacaabo aqalkaasi ma dhisna, xeer ka bax waxaa lagu magacaabaa wixii gees uga baxa xeerkaas soo jireenka ah waana wax umadi ku faanto xeerka iyo soo jireenka ah iyo dhaqankeedaba.

Aqa;l haddii uusan lahayn asaas, lama dhisi karo, laakiin haddii uu leeyahay asaas wanaagsan waa dhismayaa waana mid lagu xisaabtami karo, waxaa kaloo garab socda arrintan magaca la yiraahdo hiddaha, kaasoo ka yimaada asaaska hore iyo asalka dadka taasoo dadku u yaqaanno abtisiimo awooweyaashii hore iyo dabeecadahoodi sida gabyaaga geesinimada deeqsiga fulayga iyo baqeylka xagga haweenkana waxay kala hiddeystaan, quruxda, gaarinimada, iyo dhaqan wanaaggga, taasina waxaa lagu tilmaami karaa hiddo, marka qof laga yaabo wanaaggiisa iyo dadnimadiisa waxaa leysweydiiya cidduu ka haddeystay ama qofka asal raacay dabeecaddaan, kartida iyo wanaagga leh hadduu xun yahayna waa sidoo kale.

Haddaba umaadda soomaaliyeed, waxaan u soo jeedineynaa inay ku noqoto dhaqankeedii wanaagsanaa iyo hiddaheedi, waxaa wax lagu daydo oo aad loo jecleyssta ahaa soomaalidu waxay ahayd deeqsiyaal dad iimaan badan oo wax isu quura haddiii loo yimaado laba reer oo baahan ee loo keeno cunto aan ku filneyn waxay dabeecad u lahaayeen isu roonaasho iyo isharriimin ay isugu naxariistaan isla markaasna yirraahdaan qoyska kale ayaa nagadaran  hala siiiyo wixii la helay iyagoo weliba ay baahi u heyso ayey xishoon jireen

Waxaa kaloo dhaqankeenu ahaa haddaan nahay ummadda soomaalida, inay ceeb nagu ahayd in laga seexdo marti, reerkii ka seexdana waa la takoori jiraiy waxaana la dhihi jiray nasab maahan kaas, waxaana magic xumo ugu filnaa waxaan nasabka iyo diinta ku fiicneyn haddii lagu magacaabo dadka oo dhanna way baran jireen reerkaas, iyadoo laysugu gudbinayo fagaarayaasha lagu hasaawoo ee weliba lagu kala warqaato wixii ka jira ee dheeraad ah deegaankaas ay leeyihiin waxayna ahayd saxaafadda soomaalida wax isugu gubiso, qaarna hab suugaameysan ayaa laysu gudbin jiray, waxaa aad loo cebeyn jiray wax alle wixii dhaqanka ka soo horjeeda ee foolxun, sida baqeylnimada, macsida, fulaynimada, deris xumida, dhaca iyo tuuganimada, maroooqsiga iyo gar qaadasho la’aanta, waxaasoo dhan waxay ahaayeen kuwo ceebeysan oo nasabka laga saaray bay ahaayeen,

Haddaba, arrintaasi oo dhan iyo faalloooyin ka badanba waxaa ka heli doontaan buugga la yiraahdo dhaqankaada ku dhaasho.

 

Akhriso gabaygaan gaaban:

  • Dheehashada dalkaadiyo
  • Dheeftiisa macaan oo
  • Isagaad ku dheregtaa
  • Dhaqankana sidoo kale
  • Waad ku dhaashataayoo
  • Quruxda iyo dhalaalkaad
  • Dhaawaca u diiddaa
  • Sida dheeha geeloo
  • Dhul cusubi ku sooftoo
  • Dhaqaaleeyay wiil lihi
  • Dhalaalka iyo midib kaad
  • Dhinacaad ka eegtaba
  • Farxad baad la dhididdaa
  • Sida dhool guyoo da;ay
  • Oo dhidibbada xareeddiyo
  • Oo dhibicyo xoog lihi
  • Geeduhu dhufanayaan
  • Ubax wada dhalaaliyo
  • Is dhexgalay caleentoo
  • Duunyada ka dheregtaad
  • Adna iiga dhigan tahay
  • Waxaa taasi dhiggeeda
  • Xeerka iyo dhaqankoo
  • Qofba dhinac ka joogoo
  • Loo diiday dhaawaca
  • Waxaan laga dhammaan Karin
  • Ninkii dhoof kuyimid iyo
  • Midkii raba dhulkiisoo
  • Marna aan dhaqaaqeyn
  • Dhaqankaada sharafta leh
  • Lagu dhaashadaayo
  • Isagaad ku dheregtaa
  • Hiddaha oo ku dhaqantaa
  • Dhegtu waayo maqashaa
  • Dhedhenka iyo macaankaa
  • Sida dhayda xoolaha
  • Dhiishaad ku shubataa
  • Midka dhabarka muuqdee
  • Shisheeyaha u dhuuntoow
  • Dhaayaha waxay araggiyo
  • Dhegtu way ku maqashaa
  • Bulsho waxay ku dhaqantaa
  • Dhabbahii horeytiyo
  • Dhaliishaa la eegaa
  • Summaddaa ku dhigan iyo
  • Dhaxalkaa la fiirshaa
  • Soomaaliyeey dhammaantaa
  • Hiddaha iyo dhaqanba
  • Ka ilaali dheelliga.

 W/Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabeyre.

xeer1 xeer2 xeer3 xeer 5 xeer6 xeer 7 xeer8 xeer9 xeer10 xeer11 xeer12