In La Riyoodo In La Hurdaa Ka Horaysa!!!

In La Riyoodo In La Hurdaa Ka Horaysa!!!

175
0
SHARE

Ruuxa insaanka ah dhibta uu kala kulmo iyo ololka shaqada maalinta iyo u halgankiisa gaarista ku dhisan bedka nolosha kadib, waxa uu ku soo galaala dhacaa habeenkii gogoshiisa isaga oo ka wada daalan xubin kasta oo jirkiisa ka mid ah cid uga garaabaysana aysan jirin, Ilaahay Ma Ahee

Dabadeed Ilaaheey Amarkiis iskiisa ayuu u hurdaa, si uu uga nasto wixii hirig, shaqo iyo hankaag ahaa ee uu saacadihii maalinta kala soo kulmay, si uu u wajaho markii uu waaga baryo malinta xigta isaga oo nashaad iyo firfircooni ka soo helay hurdadiisii dheerayd ee uu habeenkaas helay.

Hase ahaatee, Hurdadu waxay leedahay wax la yiraahdo Riyo oo mararka qaar iyo dadka badankiisa ay la kulmaan marka ay hurdayaan.

Riyadu waa dib u arag maskaxeed iyo soo rogaal celin aan loo qasdin oo ruuxa hurdaya uu ku dhex helo inta uu jiifo, macnaha qofka Hurdaya naftiisa ayaa aadda meel kale oo dhaw ama fog lana kulanta shar iyo khayr, ka dibna ruuxa marka uu soo tooso ayuu is arkaa in uu weli meeshiisii uu joogo lana kulmin wax dhib ah ama dheef ah.

Mararka qaar ayaa dhacda qofka waxa uu xalay ku riyaaday in uu subaxdii ama maalmo ka dib uu arko sidii uu wax ugu riyooday, taasna ma aha mid ay ka wada siman yihiin dadka riyooda oo dhan.

Sidaas oo kale ayaa waxaa jira dad iyaga oo soo jeeda riyooda oo kaligood iska dhaadhiciya wax aan u suurtoobi karaynin in ay xaqiijiyaan, kuwaas waa dadka kuwa ugu caqliga gaaban, ugu maangaabsan, uguna damaca badan, markastana  waxaa hunguri ka galaa wax rag kale ay ku soo dhibtoodeen ku soo jilba murxeen in ay si hawl yar u cunaan, taasna waa mid ay ku hungoobayaan haddii Alle yiraahdo

Dadka iyaga oo soo jeeda riyooda waa dadka kuwa ugu shar badan ee arladaan dulsaaran, marka laga soo tago Qawaarijta, fahamka qaldan Diinta islaamka ah ka qaadatay ee meelaha la taagan duul aan iyaga ahayn in aysan muslim ahayn sababta oo ah qofka hurda ee riyooda kuna riyooda dadka magaalada aad ku nooshahay oo dhan iyaga oo daadad iyo duufaan la tageen in yarna ay ka badbaadeen dadkii ku noolaa magaaladaada, shaki kuma jiro in aad riyadaas oo kale iyo qofkii balaayadaas ku riyoodayba aad u garaabayso, isla markaana aad oran karaysid waxaas  waxay ahaayeen dhadhab iyo wax aan waxbaba ka jirin Oo hurdada aad u baahnayd ka dhalatay.

Laakiin, baaca ama Dabaalka riyooda isaga oo soo jeeda kuna riyooda iyada oo dalkeena kala go’go ku dhacay, gobol kastana Calan, Madaxweyne,  iyo Astaan u gaar ah yeesho, isla markaana Soomaalida ay sii kala fogaato, isna necbaystaan oo mid kastaana kii ka tabar yar uu cuno, ugu dambayntana meeshaba laga waayo ruux soomaali ah oo la garan karo, bal ka waran markalana mid sidaas ku riyoonayana uusan hurdayne uu soo jeedo, sida aad iminkaba adigaan akhrinaya qormadaan u soo jeeddo.

Bal aan si kale oo sidaan ka sahlan aan wax kuu fahamsiiyo, waxaan maqalnaa ama aad maqashaa maalin kasta Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Hebel iyo Madaxweynayaasha Maamullada Gobollada kale ee Soomaaliya ayaa ku shiraya Magaalada Heblaayo si ay u wada gorfeeyaan xaaladda dalka Guud ahaan gaar ahaan Xiriirka dawladaheena la aqoonsan yahay aan la leenahay dawladaha Qaliijka iyo Diidmada ay kala Hor imaanayso Dawladda Dhexe Ee federaalka Soomaaliya, iyada oo weliba iska indha tiraysa Awoodda ay leeyihiin Maamul Gobolsssssleedyada iyo dhulka aan xukuno ama aan u talino oo Kun iyo Kaw Jeer ka wayn kan ay maamusho Dawladda dhexe ee Soomaaliya.

Dhabtii hadalkaas ma aha mid asluubaysan, midka dhahayana laguma sheegi karo Mas’uul umadeed haddii la doonayo in Soomaaliya horay u sii socoto, midda kale qof ahaan waxaan aaminsanahay in qofka maanta ku fekaraya sida aan kor ku soo tibaaxay in uu isaga oo soo jeeda uu riyoonayo, waxaana talo ugu soo jeedin lahaa inta goori goor tahay uu isaga haro Riyo soo jeedka, isla markaana uu wax ka soo aqriyo kutubta ka hadasha maamulka iyo maaraynta ka dibna mar kale uu iska Casilo xilka uusan qaadi Karin sidii loogu soo sharaxay markii hore, maadaama ay isaga iyo saaxibadiisa kale ay aaminsan yihiin qalad faham tira badan oo ay ka aaminsan yihiin dawladda Dhexe  ee federaalka ah.

Wxaa iska caado ah in markii lagu huwiyo xil aadan mudnayn, aad la soo baxdo miciyo iyo gawso wax kala jaraya oo aan horay kuugu oolin. Mar kasta waxaa kula gudboon in aad iska diido xil aadan qaadi Karin si aadan xuduudda ilaaheey uga bixin, sida maantaba ku dhacday Maamulayaasha Gobolada Dalkeena oo isu qaatay in ay ka mudan yihiin dawladda dhexe ee federaalka ah wax kasta oo mudnaan ah, taasna waa aragti aan fiyoobi ku dhisnayn iyo madaxda Gobolada ama aan iraahdo gudoomiyayaasha gobolada dalka iyaga oo soo jeeda in ay riyoonayaan.

Kulankoodii ugu dambeeyey ee ay isugu tageen Magaalad Baydhabo runtii ma ahayn mid horay loo sii qorsheeyey balse waxa uu ku yimid dalab ka yimid mid ka mid ah Gudoomiyayaasha gobolada oo aan malaynayo in uu la yaabay horumarka dalka ka socda sida geeddi socodka nabadda, kor noqoshada dhaqaalaha dalka, iyo waxyaalo kale oo tilmaan iiga sii baahnayn.

Iyada oo sidaas jirto ayay Gudoomiyaashu soo saareen baaq aan wax ceeba lahayn, laakiin ay ka soo wada dhadhamayso uurkutaalo Iyo Sabar taagwaay oo aan si toos ah loogu qiranaynin gefefkii horay looga galay Dawladda Xalaasha ah ee dalka ka jirta.

Haddana Nasiib darro Ama Nasiib wanaag middii aad doontaba dheh markii ay soo baxdo dhaliilo kaa qarsoonaa oo aad leedahay waxaa habboon in aad u soo gudbiso si lilaahinimo ah islamarkaana aad si cad u sheegto wixii aad horay u gaysatay.

Laakiin waa ciyaalnimo Mutaxan in aad gef gaysato, marka hore dabadeedna aad ku sii adkaysato gafkaagii, muddo ka dib aad haddana ogaato in aad gefsanayd dabadeedna aad si toos ah gefkaagi uga soo noqonwaysid adiga oo iskala wayn in aad qirato gefkaagii.

Taas waa sifo xun oo aan kaliya ku arkay madaxdeena Gobolada dalka oo kaliya gaar ahaan kuwa lagu sheego Madaxweynayaasha iyaga oo ah Gudoomiyayaal, waxaana dhihi lahaa wax kasta waxay ku socdaan wadadoodii runta ahayd waana dhamaatay Marxaladdii Ciqaabka ilaahiga ahaa uu nagu socday, waxaana dhawaan loo bixi doonaa Dawladnimo Dhab ah Haddii Alle Yiraahdo.waxaana hadalkayga ku soo afmeerayaa aniga oo aan xadgudbaynin Ha riyoonin Walaaloow Adiga Oo Aan Hurdaynin, Sabatoo ah Soo jeedka riyadiisa waxay keentaa kala fogaansho Soomaaliyeed iyo goosasho aan la aqoonsanayn>..

W/Q: C/risaaq Axmed Absuge