IIL- Aktiis (Sheeko Taxane ah Qeybta 5-aad)

IIL- Aktiis (Sheeko Taxane ah Qeybta 5-aad)

662
0
SHARE

Qeybta 5aad

Xagga muuqaalka waa sida aad u daawateen oo aad uga jeedeen cajalka,way qurux badan tahay runtii way ku soo jiidaneysaa dhan kasta oo laga eego, wixii intaaka sii dheer waan sii baari doonaa waana idinla soo socodsiinayaa haddii Eebbe idmo, wixii qoraal ah aniga ii soo dira kuna soo hagaajiya magaceeda, aniga ayaa gaarsiin doona,

kolleytaba waxaan filayaa inaad diyaar u tihiin wixii jawaab ah oo aad kala kulantaan Carin si aan waqtiga idinkaaga dhicin oo aad horumar uga gaartaan arrinta gabadhan ama aad uga quusataan aan idinka helo jawaab deg deg ah, sidaas iyo nabadgelyo.

Saaxiibkiin C/llaahi Maxamuud

Runtii aniga iyo saaxiibkey waan ku faraxsanahay qoraalkaas waxayna nala noqotay anagoo helnay oo kale gabadhii, saaxiibkeyna waxaa ku dhashay rajo xoog leh oo la xiriirta helitaanka gabadhaas wuxuunana igu booriyey inaan diyaariyo qoraalkii ugu horeeyay oo ku socda gabadha, wuxuuna igu adkeeyay inuu qoraal iyada oo dhan dhiigeeda dhaqaajinaya oo u horseeda inay na maqasho oo ay is dhiibto.

Waxaan u sheegay inaan dadaali doono intii karaankeyga ah balse uu ogaado in Carin ay tahay  balse uu ogaado in Carin ay tahay gabar ku barbaartay dalka Canada oo si aad iuo aad ah uga horeeya dalkeena oo aan aniga iyo isaga ku dhex nool nahay weli, mana ilowsani in Carin ay Soomaali tahay ayna wadato hidaheeda gaarka ah, laakiin ay dhici karto in ay ka adkaadeen dhaqamada bay’ada ay ku dhexjirto, sidaasna ay halkaas ka tahay galti macruufanagana ay noo aragto dad weli danbeeyaoo baadiyaha qaarada Afrika ku nool, sidaas darteedna ay suurtagal tahay in ay ku qososho ereyada aan u qoro ayna u aragto ereyadii ay ku hadli jireen oo kale Giriigii hore oo maanta taariikh ahaan loo akhristo.

Saaxiibkey wuu ka carooday fikradaas wuxuuna igu tuhmayay inaan niyad jebinayo farxadiisana hoos u dhigayo wuxuuna iga codsaday inaan aamuso oo aan ka fikiro oo kaliya hadalada aan gabadhaas u qoreyno, haddii aan gabadhaas hadal ku qancin waayana uu u qaadanayo inaan anigu gabar uu heli rabay ka sii daayay kaddib markii aan u hagar bixi waayay, aniga mowqifkaas saaxiibkey iska key taagay wuu I murugeeyay mana fileynin in uu aniga sabab iiga dhigayo wax aan la gaarin oo aan la garaneynin sida ay noqon doonaan, macnaha in gabadhaas la helayo iyo in kale.

Waxaan gatay dhulkii laga qodi lahaa qabrigii leygu duugi lahaa, waxaan guriga soo dhigtay sanduuqii  meydka ee laygu ridi lahaa, waxaa diyaarsaday karfanteydii, waxaan qoray dardaarankeygii, waxaan diyaar u ahay ilbiriqsi kasta in aan dhimanaayo laakiin cimriga gacanta Eebbe ayuu ku jiraa.

Ugu yaraan hal habeen ayaan ku jiray qoraal anigoo markii aan dhowr sadar qoraba inta ila xumaadaan warqadii jeex jeexaya mar kalena dib u bilaabaya, sidaan xaaladaas ugu jiray ayaan qoray markii danbe hadaladan:

To: Cabdullaahi Maxamuud

Aad ayaan kuu salaamay aniga iyo saaxiibkey Liibaan Naasir, waadna ku mahadsan tahay dhambaalka aad noo soo dirtay adigoo ka jawaabaya qoraalkeenii hore.