IIL- Aktiis (Sheeko Taxane ah Qeybta 2-aad)

IIL- Aktiis (Sheeko Taxane ah Qeybta 2-aad)

877
0
SHARE

Qeybtii 2-aad.

Run ahaantii waan jecleystay daawashada canjallooyinkaas, mar haddii ay iiga muuqdeen soomaali fara badan oo ay ka mid yihiin asxaabteydii qaarkood oo aad u dhal-dhalaallaya oo uu cayuumayo qofkii aan aqoon.

Markii labaad oo aan doonayay in aan canjallooyinkaas daawado, waxaan ka qeybgeliyay wiilkii saaxibkey ahaa oo isagu ka hela daawashada canjalooyinka ay ku duuban yihiin showyada muusik si uu igala qeybgalo farxadda ay lahayd daawashada xafladdaas.

Intii aan is agfadhinay aad ayuu u raaxeysanayay daawashada wuxuuna madaxa la lulayay muusigada kulul iyo heesaha ay qaadayeen fannaaniinta soomaaliyeed ee isugu jiray kuwii hore iyo kuwa da’da yar oo ay ka muuqanayeen cabdi janan iyo kooxdiisa.

Markii ay soo dhamaatay daawashadii saaxibkey wuxuu ii sheegay in aysan ku filneyn daawasho hal mar ah uuna doonayo inuu ka bogto uuna u qaadan doono canjalooyinka gurigiisa si uu caawa oo dhan ugu soo jeedo fiirsashadooda, waxba kama celin in uu qaato canjalooyinka, balse waxaan u sheegay in ay yihiin amaano dad kalena aan ka soo qaaday sidaas darteedna uu isla berito ii soo celiyo.

Isagoo faraxsan ayuu qaatay canjalooyinkii, nasiib darro se iima soo celin waqtigii aan amray, maalin laba ilaa shan maalmood dib uma arag, taasina way iga careysiisay, waayo waxaan jeclaa wax kasta oo dhaca inuu ila soo socdsiiyo xataa haddii ay canjalooyinka ka lumaan ama wax sidaas la mid ah ku dhacaan.

Waxaan soo aaday gurigiisa anigoo aad u xanaaqsan oo ku fikirsan in aan cannaan la yaqaan cannaanto laakiin jidka ayuu iiga hor yimid isagoo canjalooyinkii gurigeyga usoo wada, intaan hadal oran ayuu ii dhoolla caddeeyay hooyasho iyo erayo raalligelin ah igu yiri, aniga wax cannaan ah kuma oran, gurigeyga Ayaan usoo noqonnay markii aan fariisannayna wuxuu hadal iiga billaabay “adigoo ka raallinoqonayo qaladaadkii mar labaad ma ii saamaxee in aan dhowr su’aalood ku weydiiyo” anigoo la yaabban codsigiisa Ayaan iri “oo ma inaan iska codsanno in aan hadalno miyaa noo dhaxeyn jirtay” wuxuu yiri “dad aad saaxiibbo tihiin ma ku jiraan xafladda cajaladahaan ku duuban oo aad weli isla xiriirtaan” waxaan iri way ku jiraan dad aan saaxiibbo nahay maxaad ka rabtaa” wuxuu yiri inta aan kuu sheegin wax aan ka rabo waxaan doonayaa in aad iiga hadasho jaceylkaagii kugu horreeyay ee ku soo mara” waan la yaabay su’aashaasi ka dibna waxaan ku iri Su’aalo kala duwan oo aan xiriir isla lahayn ayaad I weydiineysaa maxaa kugu dhacay”

Isagoo la moodo inuu yahay qof qorshe soo degsaday ayaa yiri su’aashaydii iiga jawaab oo keliya”

Waxaan ku iri waad waalan tahay baan u malaynayaa, wax labaatan iyo shan sano ka hor dhacay maxaad ka ogaanee”

Si kheylo ah ayuu u yiri ma ii sheegtay mise waad ii diidday warkale kaa dhageysan maayee” anigoo yaabban Ayaan iri jaceylkeygii ugu horreeyay ee isoo mara six un ayuu u burburay si daran ayuuna ii saameeyay,

Intaas miyeyna kugu filneyn” intuu qoslay ayuu yiri waa taas midda aan kaa rabay, ii sheeg jaceylka kaa burburay laabta aad miyuu kaaga gubay”

Waxaan iri waxaan u maleynayaa in aad u dhaqmeyso sidii ciyaalkii foodda dheeraa, nin weyn ayaad tahay iska xir” wuxuu yiri si qof aan hadalkeyga maqlin wax iigu sheeg” ma wanaagsan tahay in qofku si aad ah oo daacad ah wax u jeclaado? Intaan eegay Ayaan ku iri way wanaagsan tahay laakiin adiga qalbi wax jeclaado ma leedahay tan iyo intii aan isnaqiin ma arag gabar laguugu sheegayo in aad si daacad ah u jeceshahay ma sheegin kuwa aad sida dacaskaada oo kale isaga bedbedeshid” intuu sacabo tumay ayuu yiri saacaddaan la joogo Ayaan jeclaaday gabadhii kama dambeysta ahayd ee aan darteed u noolaanayay ama aan u dhimanayay adigaana gabadhaas furaheeda gacanta ku haya haddii aan aniga iyo adiga muddo dheer saaxiibbo ahaynna waad igu soo wareejin doontaa haddii kalena waan kala dhiman doonnaa.

Waxaan gartay dhulkii laga qodi lahaa qabrigii laygu duugi lahaa, waxaan guriga soo dhigtay sanduuqii meydka oo laygu ridi lahaa, waxaan diyaarsaday karfanteydii, waxaan qoray dardaarankeygii, waxaan diyaar u ahay ilbiriqsi kasta in aan dhimanayo laakiin cimriga gacanta eebbe ayuu ku jiraa.

Hadalkiisaas feejignaan iyo yaab ayuu I geliyay waxaan ku iri waxa aad sheegeysid maanan fahmin waxaan u malelynayaa in aad igu jeesjeesayasid, maxay tahay gabar ayaad furaheyda haysaa, waad igu soo wareejinee iyo waa kala dhimaneynaa?

Wuxuu yiri aniga ayaa ku faham siinaya ujeeddada, dabadeedna intuu istaagay ayuu shiday canjalooyinkii mid ka mid ah ka dibna igu yiri si wanaagsan iila daawo canjaladahaan anigaa ku tusinayo gabadha aad furaheeda heyso oo aan shanti maalmood aan kaa maqnaa niyadda kala noolaa, agteyda ayuu soo fariistay wuxuu farta iigu fiiqay canjaladdii , wuxuuna igu yiri eeg gabadhaan iyo wiilashaan ciyaaraya, si wanaagsan u daawo indhahaaga fur, ka dibna sheeg gabadha u quruxda badan canjalkii Ayaan eegay runtiina muuqaalka markaas ii muuqday aad buu u wanaagsanaa gabdho xul ah ayaana muusig macaan jaanta la ridayay, wiilashuna waxaaba la moodayay in ay tartamayeen, runtii waan kala saari wayay gabdhaha waayo way wada quruxsanaayeen, dabadeedna waxaan ku iri gabdhahaan way wada quruxsan yihiin mid aan ka tilmaamana ma garanayo.

La soco qeybta 3-aad