Horta iisheeg maxaad ii baratay? : Waa Sheeko dhab ah Oo xiiso...

Horta iisheeg maxaad ii baratay? : Waa Sheeko dhab ah Oo xiiso badan Qeybtii 2-aad

588
0
SHARE

Qeybtii hore ee sheekada,  #Horta isheeg maxaa ii baratay?  waxay inoo maraysay, Saaxiibkey oo isku diyaariyay aadista guriga ruuxa uu aadka u danaynayay ee uu balanta la lahaa, is diyaarin iyo carfis kaddib, waxa uu ku dhacay wadada, waxa uuna ku wargeliyay in uu xageeda u soo socdo Jidkana uu ku soo jiro.

Gabdhiina waxa ay ku wargelisay in ay aad u sugeyso oo ay mar horaba is diyaarisay, ayna aad u danaynayso la kulankiisa, waxaana la isku macsalaameeyay marxaba iyo marxabba, iyo waan kugu soo dhawahay ee ha I sugi waayin.

Saaxiibka sheekada iyo aniga markaan halkaa marayno ayaan warsaday, Su’aashaan oo aan ku dhahay: “Saaxiib kale horay ma u wadatay mise kaligaa ayaa aadday hoyga saaxiibtaa”?

Waa uu qoslay, waxa uuna weydiinteydii uga warceliyay “MAYA” cidna ima raacin ee aniga oo kaliya ayaa baxay oo aaday guriga ay ku nooshahay, balse inta aan socday wax yaabaha aan maskaxda iska warsanayay waxaa ka mid ahaa, “Amaad raadisaa qof horay kuu sii raaca ee ku wehliya” balse walaac iyo isla hadal badan oo igu furnaa darteed ayaanba arkay aniga oo taagan Goobtii aan balanka ku lahaa iyo aqalkii saaxibtayda.

Intaa ka dib, Waxaan la soo baxay Telkaygii, waxaan garaacay Nambarkeeda si aan ugu sheego in aan joogo Gurigii aan ku ballanay Dibaddiisa, sida aan qiyaasayo akhbaartaas afkayga ka soo yeertay in ay ku faraxday baan ku rajo waynahay, dhawr seken ka dib waxay indhahaygu qabteen Yartii oo ka soo baxaysa Ganjeelkii waynaa ee uu gurigaasi lahaa, Islamarkiiba iyada oo dhoola caddaynaysa ayay iigu baaqday in aan horay u soo dhaafo irridka soona galo guriga.

Daqiiqadahaas shanqar farxadeed ayaan ka dareemayey wadnahayga, waa markii iigu horaysay qofkaan oo aan meel gaar ah ku kulanno tan iyo intii aan isbarannay.

Waxay ahayd ruux bashaashad ah oo runtii furfuran oo muuqaalkeeda guud ku sixri karta wiil kasta oo gayaankeeda ah.

Kulanka Maanta wuxuu in badan ka duwanaa kulamadii isaga ka horeeyey, waxaad moodaysaa in ay Gabdhu ka qurux badan tahay intii hore, marka la eego labis iyo muqaal ahaanba, waxaan u dhamays tiri waayey indhahayga eegmadooda xitaa iyada waxaa laga dareemayay in ay xishoonayso oo ay hoos fiirinayso, balse waxay ku hadlaysay hadallo dabacsan oo is adkayn laga dareemayo.

Waan isla soconaa oo waxaa la isii wadaa qolka fadhiga, waxaan mar qura isla qaadaynaa saanta sida dad muddo badan wada socday, aniga waxaan dib u eegayaa sida ay hoos u fiirinayso iyo in dad kale oo meesha jooga ay jiraan laakiin cidna ma aysan qaban indhahayga marka laga reebo qofka aan u socday oo aan wada socono markaas.

Qolka fadhiga, waa mid aad u sharaxan, aad u caraf badan, aadna u qaboow aadna is leedahay maalmo badan ayaa la diyaarinayay oo waa loo dhamees tiray wixii looga bahnaa, waxaana farta la iigu fiiqay halka aan ka fadhiisan lahaan, salka ayaana dhigtay halka la ii tilmaamay.

Saaxiibtey, waxay  iyaduna fadhiisatay meel ka soo horjeedda wajigeyga oo waxaa is qabanaya 4 indhood, balse la isma eegi karo oo qof la arkaa hoostiisa ayuu eegayaa, aniga waxaan fiirinayaa sida ay gacmaheeda ugu cayaarayso, waxa ayna si hoose u muujinaysaa dhoola cadeyn, iyadoo aad isugu dayeyso in ay hadasho oo aysan aamusin.

Is xaalad wareysi iyo kaftan kaddib, waxaa la igu wargeliyay in aan  xogaa sugo si ay howl yar u soo qabsato, isla markaana ay u soo samayso cabitaan, madaama ay maqan tahay gabadhii shaqaalaha ee howshaasi qaban lahayd, waxaana laygu dhahay, “Aboowe ii dulqaado qadar yar, intaan kaa maqanahay sii akhriso buugaan, si dhaqsi ah ayaan kuugu soo laabanayaa”

Isla markii jawaab Ayaan bixiyay anigoo dhahaya “Haye Walaashey waan ku sugayaa dhib malahan” way baxday oo waxay aadday howshii, isaguna waxa uu akhris u galay buugii loo dhiibay, maxaa haddaba ku qoran buugga, ma sheeko xariirbaa mise waa buuk ay ku qoran yihiin wax ku dhisan taariikhda, waa xusuus qor aad u cajiib ah lagana daalaynin akhriskiisa, gaar ahaan ruuxa markaasi akhrinaya.

Haddaba Su’aashu waxay tahay, Maxaa ku qornaa Buugga loo dhiibay?….

Qurba joog iyo dal joog sheeko run ah oo xiiso gaar ah leh.

La soco Qeybta kale.

Abdirashid Yusuf Mohamed

Timajilac313@gmail.com