Haweeney Shaqadeeda ku waysay dhaqista Gacmeheeda

Haweeney Shaqadeeda ku waysay dhaqista Gacmeheeda

674
0
SHARE

Haweeney u dhalatay Dal Malaysia ayaa la sheegay in 300 jeer ay dhaqdo gacanteeda Maalintii kadib markii uu ku dhacay cudurka Was waaska ama nafsaaniga. Haweeneydan oo da’deedu tahay 40 laguna magacaabo Juliya Bintu Cabdullah ayaa maalintii 5 saacadood oo waqtigeeda ka mid ah ku qarash gareysa in ay dhaqdo jirkeeda iyo gacamaheeda, iyadoo mar walba ka shakisa in jeermis uu jirkeeda saaran yahay. Haweeneydan ayaa laga soo ceyriyay  shaqadeeda kadib markii ay maalin walba shaqadeeda ay ka soo daahdo 5 saac oo ay ku mashquulsan

tahay dhaqayso. Haweeneydan ayaa hadda waxa ay dhibaato ka heysa wax ay cunto kadib markii  lacagtii keedka ahaa ee ay heysatay ay ku qarashgareysay walxaha leysku nadaafiyo, shaqadii ay mushaharka ka soo geli jirayna laga ceyriyay. Juliya Cabdallah ayaa sheegtay in Cudurka nafsaaniga ah uu ku dhacay xilli ay jirtay 20 sano oo ay ka shaqeyneysay  Sheybar lagu baaro cudurada, oo ay si joogto ah ay gacanta ugu qaban jirtay walxaha ay ku jiraan kaadida iyo Dhiiga si ay u baartay taas oo ku qasabtahay in ay si joogto ah u dhaqdo jirkeda kadibna uu cudur nafsaani ah ku noqday.