Halla gaaro Talo guud

Halla gaaro Talo guud

1470
0
SHARE

Muddo badan ayaa Ummadda Soomaaliyeed ay ku jirtay kala qeybsanaan iyo kala qoqob, laga soo bilaabo qeybsigii Afrika  shirii Baarliin ee lagu qeybsaday Afrika 1884tii, ayaa ka dib qeybo kamid ah Afrika waxaa loo dhiibay Dowladaha deriska ah sida Itoobiya iyo Kenya, waxaana ka dhashay Colaado iyo isnaceyb arrinka asiga ah iyadoo dadka Somaaliyeed ay u aaminsanyihiin dowladahaasi inay ka heystaan Dal iyo dad kuwooda ah waxaana had iyo jeer ah ka dhallan jiray Jabhado iyo Mucaarad saldhigooduna uu yahay magaalada Moqdisho ee Casimadda Soomaaliya, waxaana halkaas ka abuurmay Colaado iyo isnaceyb iyagoo mararka qaarkood foodda lays dari jiray iskuna farasaaraan labada dowladood ee iska soo horjeedda, dowladda Soomaaliya iyo kolba dowladahaas dhulkeena heysta middii ahaataba.

Dowladahaas ayaa gobollada ay gumeystaan ee Soomaalida ah ee ku nool deegaanadooda u geysan jiray dhibaatooyin kala duwan marka ay maqlaan inay jiraan Ururo gobonimo u dirir ah oo ay kusoo jeeda dalkaas, waxayna qaar ka mid ah u geysan jiray dil, xarig, iyo xasuuq.

Lama soo koobi karo dhibaatooyinka hoose ee ay ku qabeen dowladahaas gumeystaha ah ee dadkaas ku hoos nool, waxayna kala dagaalami jireen Siyaasadda, Ganacsiga, waxbarashada iyo wax walboo u horseedi kara horumar Bulshadeed.

Inkastoo hadda qaar ka mid ahi loo ogolaaday ismaamul hoose hadana wali fari kama qodna iyadoo fahmaka Soomaaliduba iska gaaban yahay hadana waxaad moodaa in adduunyada oo dhan waa cusub u baryey oo aan sacbada lagu qarin Karin, taasoo farsamooyinka casriga ah ee adduunka kusoo kordhay horumar badanna uu sameeyey, iyadoo horay dadka Soomaaliyeed u hayeen culeysyadaas iyo kuwo kasii badanba Ayaan maanta dib loogu soo laabtay intii xorta aheyd ee midaysneyd.

Asigoo adeegsanaya cadowga Soomaaliyeed daba dhilifka iyo dhadhama raaca iyo kuwo doonaya darajo aysan u qalmin ayuu mar kale gumeystaha cusub dib usoo laba kacleeyey, wuxuuna go’aansaday inuu toban gobol ka dhigo Soomaalidii xorta aheyd, ka dib markuu ku guulaystay colaado joogto ah iyo bur burin muddana ka hor taagnaa maamulka dowladeed oo ka hortaagnaa ayaa wuxuu doonayaa inuu mijaha usiibo maamulka dowladnimo ee u dhisan umadda Soomaaliyeed, wuxuuna hor istaagaya waddooyinka horumarka ee ay hiigsanayso si aysan uga talaabsan arrimaha shacabkeeda uu ka sugayo madaxdooda dalka, wuxuuna marba meel arbushaad iyo qaraxyo ka sameynaya gobollada dalka kolba meel.

Soomaalidu waxay ku maaahmaahda nin hurdaa la toosiyaa oo micniheedu yahay Soomaaliyey mar hadan soo marnay bur bur iyo dagaalo, qaxooti iyo dowlad la’aan, gaajo iyo kala carar.

Hadaba, soo ma habboona in aan wax badan ka barano jaamacahaas aan soo dhiganay, soo tusaale nooguma filna wixii dhib ah aan kasoo marnay, soo ma haboona inan ku waana qaadaadano dhibaatooyinkii laga dhaxlay wixii dhibaa nasoo maray illeen mu’minka laba jeer hal god lagama qaniine.

Waxan filayaa inay waano iyo tusaaleba nooga filan wadada dheer ee aan saheyda la heyn ee shacabkeena ku hayaamay, waayeelka iyo carruurta wadada loogu soo tagay.

Inkastoo wadka aan la hureynin hadana watatacow ayaa dhacay.

Hadal iyo dhamaadkii haddii aan aragnay gumeystuhu kuwa uu heysto ee wali dhibaatada qaba, qabyaaladda iyo beenta ka xumo oo hoos jooga harka beenta ku dhisan ee maalin walba lagu dhibaateeyo deyr ayuu u yahay laakiin calooshiisa ma fiyooba, haddii aan eegno kuwa gobollada u kala qaxay iyo dhibaatooyinka ay qabaan, haddii ay inoo muuqato burburka iyo kala qoqobnaanta cusub ee uu damacsanyahay gumeystaha cusub ma ahan wax inaba la qaadan karo.

Waxaa kale oo hortayda ka muuqanaya dhagahayaguna ay maqlayaan in adduunka maanta u soo jeestay sidii looga gudbi lahaa tafaraaruq iyo kala qoqobnaansho iyadoo adduunka uu bilaabay in loo midoobo Qaarad Qaarad, waxaana la socnaa inay midoobeen dowladaha Yurub oo dhan, sidoo kale Mareykanka oo ka kooban 50 state ayaa hal far ah oo aan marna laga maqlin is bar bar yaac iyo wax la mid ah, sidoo kale Qaaradda afrika ayaa ka midaysan wixii danaheeda ah doonaysa inay xoojiso midnimadeeda mustaqbalka.

Sodoo kale dowado waaweyn oo markii hore labo u qeybsanaa ayaa hadda dib u midoobay sida labada jarmal, waayo cid waliba waxay dareentay in kala qeybsanaan aan waxba lagu keenaynin ee awoodda iyo sharafka waddan walbo iyo dadkiisaba uu ku jirto midnimadiisa.

Mar haddaad aragteen intaas oo dhan maxaa diidaya inay dhalato Soomaali  cusub oo mid ah, sida aan wada ognahay Ummadda Soomaaliyeed waa dad wax walbo wadaaga haday ahaan laheyd Dad, Dal, Diin, Dhaqan iyo Luqad iyo wax walboo umadi mideyn kara.

Iyadoo intaas oo idil aan ku mideysanahay haba yaraatee wax aan ku kala duwanahayna aysan jirin soo ceyb naguma aha inan isfahmi weyno oo aan kala qoqobnaano cadowguna nakala jiito si dantiisa u gaaro teenuna meesha uga saaro, soo ma haboona anagu inan garano wixii dani inooga jirto isla markaasna la helo dad hormuud ah oo wadaniyiin ah kana shaqeeya midnimada dalka iyo dadka walaalaha ah oo la fariisto Geedweyn oo talada ummadda lagu gorfeeyo sidii caadada u aheyd  Soomaalida laguna gaaro isukeenidda shanta Soomaaliya oo aan cidna ka maqneyn.

Sidaasi haddii ay dhacdo oo Ilaahay nasiibkeena ka dhigo waxaa isku irrid ka bixi lahaa cadowga Soomaaliyeed oo ay daba socdaan faqriga, Cudurka iyo Jahliga.

Hadaba Alle ha ina garadsiiyo midnimadeena iyo wax walboo danteena ay ku jirto towfiiqduna Alle ha inawaafajiyo ee waxaan maqaalkeena kusoo afmeeraynaa ereyo Suugaan ah oo uu curiyey abwaan C/salaan Axmed Gabeere, waxayna ku bilaabanaysa sida tan:

Wax yaqaanka guud iyo Soomaaliweynay iga qaado waanada;

Wadadii lamarayey iyo waji furan ayaa tahay.

Warsugihii ayaa tahay.

wado ceel tagtaa tahay wadaan lagu cabaa tahay .

Ninkii weysi qaatee wacadkii maraa tahay.

Waajibaadka guud iyo waran lagu ilaalshoo marna waaban baa tahay.

Weerarka iyo xumaatada derbi weeciyaa tahay.

Warkii iyo dhammaantiis dalka wada jirkiisiyo ku dadaal wanaagoo raadiya walaalnimo.

 

W/D: Gabeere