Haa waan guuleysan karnaa!!!

Haa waan guuleysan karnaa!!!

127
0
SHARE

Haddaan dhan ka eegno, bilicda Soomaaliya waa rajada iyo quruxda geeska Afrika waa The Horn Of Africa, waa Soomaaliya, dalka Soomaaliya waa dal ku yaalla bariga Afrika, qaatayna xornimadiisa sannadku markuu ahaa 1960 kii.

Sharwadeyaashii gumeysteyaasha markii ay maareyn waayeen awoodda dalweynaha soomaaliya ayaa waxay dantu ku qasabtay in ay soomaaliya u qeybiyaan shan qeybood, iyagoo adeegsanaya siyaasadda qeybiyoo xukun, isagoo markaasi ku fikirayay in ay sidaasi ku kala tegi doonaan, laakiin maangaabka shisheeye taasi uma aysan suurta gelin oo soomaaliya weli way is heysataa oo ay  isu soo ololeysaa, waayo gacal walaalo ah oo  aan marnaba lakala guri Karin weeyaan.

Shantii soomaali intii gumeysiga ka xorowday ayaa waxay si wadajir ah u ilaashadaan labada ka maqan, si uusan gumeystuhu ugu xadgudbin sharaftooda iyo karaamadooda, waxayna shishe ka tusaan xooggooda iyo wadajirkooda, taasina waxay cabsi badan iyo qal qal ku abuurtaa gumeysteyaasha.

Waxaanse dheereyn haddii Alle idmo, goor dhow in laga wada xoreyn doono gumeysteyaasha mucangaggiinta  ah ee weli ku riyoonaya in ay sii heystaan dal soomaaliya leedahay.

Haddaan  usoo noqdo bilicda iyo  kheyraadka Alle weyne ku manneystay Soomaaliya maahan wax halkaan lagu soo koobi karo, balse waxaan anna xoogga saarayaa  dhanka kheyraadka shidaalka iyo macdanta soomaaliya leedahay, taasoo damac fara badan ku abuurtay dalalka caalamka markii ay arkeen in dalka soomaaliya kheyraad la diicayo.

Soomaaliya istraatiiji ahaan ayey dunida ka dhacdaa meesha ugu wanaagsan adduunka, Dalkeenna ayaa ah mid bad iyo berriba uu ka buuxo shidaalka adduunka ugu badan uguna qaalisan.

Waxaan heysanaa dalka ugub ah oo dihan ahana kan ugu qanisan caalamka, waayo waxaan kulansannaa dhammaan kheyraadka bad iyo berriba laga helo kuwooda ugu badan , webiyo iska dureera, dhulbeereed 82% ah, saddexda duunyo ee adduunka loogu jeceyl badan yahay , ugaar kala duwan,  dhanka macdantana waaba mid aad looga yaaban yahay oo waxaa ku jira xitaa macdamo adduunka gabaabsi ku ah iyo kuwa ugu qaalisan Caalamka sida macdanta laga sameeyo Yuraaniyamka.

Nimacada iyo kheyraadka soomaaliya halkaan laguma soo koobi karo, balse waxaan sheegnay oo qura in dalku irmaan yahay una u baahan yahay maalid oo qura.

Haddaba, soomaaliyeey dal waan heysanaa, balse waxaad mooddaa inaan marti ka  wada nahay, waayo waxaa taasi kuu caddeyneysa sidaan uga gaajoonnahay waxaasoo kheyraad ah.

Waxaa ciil iyo  caloolyow ah annagoo qani ah haddana adduunyadu noo taqaanno gurigii gaajada iyo geerida.

Ficilan soomaaliyeey haddaan iska dhaafno khilaafaadka ragaadiyay dalkeenna in aan gaari karno dalalka maanta lagu sheego inay yihiin kuwa ugu horreeya dhanka dhaqaalaha adduunka.

Waxayna ku xiran tahay sida aad idinku u daneysaan in aad ka baxdaan gaajada iyo faqriga dhulka idinla  galay.

Waxaa ceeb ah adigoo haysta helina kara in aad barido cid kale ama kuwo aan waxba ku dhaamin, oo og kheyraadka  aad ku fadhido, balse aad ka indho la’dahay, taasina waa gunnimo tan ugu liidata.

Waxaanse rajeynayaa, in shacabkayagu ku baraarugi doonaan  kheyraadka dalka, kuna taageeri doonaan dowladdooda inay usoo saarto waxa ilaahey uu dhulkan hoostiisa noo geliyay oo kheyraad ah .

Haa  waan guuleysan karnaa, haa waan horumari karnaa, haa waan gaari karnaa kuwa horumaray, wax walibana waa isku day iyo dhaqaajin waa qowl iyo ficil  israacsan.

Tillaabooyinka isdaba joogga ah, waxay noo horseedeen, in maanta caalamkoo dhan  ay soomaaliya bogaadiyaan, kuna bogaadiyaan tillaaba qaadka geesinimo ay sameysay, waa hubaal  haddii dadaalka socodka uu sii hanaqaado in miraheeda la wada guran doono, haddii deeymaha nalaga cafiyana, waxaan gaaridoonnaa meel aysan cadaawadu ku haatan ku fikireynin, waxaan yeelan donna awood ka daran tii hore ee nalagu yaqiinnay.

Kobaca dhaqaalaha, waa afka hore qofkastoo soomaaliyana wuxuu gaari  doonaa isku filnaasho maaliyadeed, gadibna waxaa noo soo shaqo tegi doona caalamka, anagoo dhanna waxaan noqon doonnaa kuwo ka wakil ah shirkado caalami ah, waayo waan ka faalaneynaa waana awood rabi na gaarsiin karo haddaan la nimaado dariiqii lagu gaari lahaa.

Dardaaran:
shacabka soomaaliyeed, waxaan kula dardaarmayaa guusha way dhow dahay, nin walbow dhankaada dheeliga ka eeg, taasi waxay noo suurta gelineysaa in ay dowladdeenno ku dhiirato, tallaabooyin kaa muhimsan tan ay maanta qaadeen.

Sidoo kale, waxaan u sheegayaa in dowladdu u baahan tahay garab istaag iyo in laga ilaaliyo wixii khilaafaad ah oo xagal daacin kara geeddi socodka.

Waxaan leeyahay dalkeygoow dushaada waa barwaaqee dalkeygoow

Dalkeygoow dabeyshaadu waa udgoontee dalkeygow

Dalxiiskaada maan hilmaamine dalkeygoow meelaan kugu doorsanaaya miyay duniduba ku taallaa dalkeygoow, fannaaniinta hobollada waaberi maasha allaah ayaa ku luqeeyay.

Gebagebo:

Guusha fadhi kuma timaado, waxaa loo baahan yahay in af iyo addinba laga wada adeego, waxaana loo baahan yahay in runta loo sheego shisheeye iyo sukeeye, wixii raba in ay dib noo celiyaan, qarnigaan dunidu ku tartameyso horumar iyo tiknooloojiya inaan annaga meesheenna iska fadhinno maya niri, waa maya mana masuurto geleyso.

Guul iyo Gobannimo dhammaan inta samaha Soomaaliya jecel.

Qoraa: Osman Dhiblaawe