Gabdho Hindi ah oo xal u helay kufsiga ka dhaca dalkaasi

Gabdho Hindi ah oo xal u helay kufsiga ka dhaca dalkaasi

957
0
SHARE

Hadaba Haweenka ku nool wadanka Hindiya oo muddooyinkii u danbeeyay cabsi wayn ka qaaday kufsi, baahsan  oo dalkaas ka bilaabmay ayaa sida muuqata xal iyo xeelad ay kaga gaashaantaan u helay dhibaatadaas hareysay.

hablaha dalkaasi ku nool, Labo gabdho oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Hindiya ay hindisay Dhar Kufsiga Ka Difaacaya Haweenka oo marka ninka uu isku dayo u saamaxeynin inuu fal kufsi ah kula dhaqaaqo, Warbaahinta caalamka ayaa ka warantay Labadaan hablood oo u dhashay dalka Hindiya ayaa hidisay dhar awood u leh in ay gabadha ka badbaadiyaan, kufsiga iyo faro xumaynta, dharkan oo ah mid ku shaqaynaya koronto waxa uu awood u leeyahay inuu badbaadin karo gabadha la soo weeraro ama lafaheeda uga baqata in la kufsado ama la fara xumeeyo.

jariidada (Times Of India) ee ka soo baxda dalka Hindiya, ayaa xaqiijisay in haweenka dalka Hindiya oo waqtiyadii u danbeeyay ku jiray, xaalad wareer ah oo aan hore waligeed loo arag oo kufsi iyo faro xumayn isugu jirta, ayaa wakhti xaadirkan u muuqda in ay heleen badbaado deg deg ah oo ay cabsidaa balaadhan ee haraysay kaga baxayaan.

Sidoo kale, Jariidadda ayaa ku warantay in laba hablood oo ka mid ah ardayda jaamacadaha Injineerinka ee dalkaas wax ka bartaa, ku guulaysteen inay soo saaraan, dhar awood u leh in gabadha ay kufsiga ka badbaadiyaan, isla markaana qofka isku daya inuu kufsi kula kaco gabigiisaba ka dhigaya sidii wax aan awood lahayn oo koronto ay qabatay.

Hadaba Labadan gabdhood oo lagu kala magacaabo, Rimbi Turabathi iyo Manisha Mohan, ahna hablo da,doodu aad u yar tahay, waxa ay sameeyeen, dhar dhinaca loo gashado ka ah caadiga dharka lagu yaqaanay, halka dhinaca kale ee dibada marayana ay kaga leeyihiin difaac koronto oo qofka cabsi galiya, cida xidhan ku furaya koronto badan oo suuxin karta gabigiisaba islamarkaane baralaato ka dhigaya.

jariiddu waxay sheegtay in dharkan ay qofka weerarka ah ku furaya, awood koronto oo heerkeedu gaadhsiisan tahay, 3800 oo kilo volt, taas oo suura gal ka dhigaysa in qofku suuxo ama miir beelo.

SI kastaba ha ahaatee hindisaha labadani gabdhood ayaa waxaa soo dhaweeyay bulshada ku dhaqan dalka hindiya, iyadoo si gaar ah ay u soo dhaweeyeen hablaha ku dhaqan wadankaasi oo ka cabsi qabay in loo geesto falaka kufsiga ah, waxaana hindisaha gabdhahaani uu noqday mid badbaadiyay malaayiin hablo oo lala doonayay in la kufsado waxaa sidaa yiri mid ka mid ah hablaha soo dhaweeyay dharkaasi badbaadinta kufsiga loogu tala galay.