Diiradda iyo Hayaanka Geeddigu waa Caddaalad iyo Garsoor Ciidankuna geed fadhi yahay

Diiradda iyo Hayaanka Geeddigu waa Caddaalad iyo Garsoor Ciidankuna geed fadhi yahay

206
0
SHARE

Midnimo iyo Wadajir ayaa guul lagu gaaraa, waxaan kaloo ognahay marka guul lagaarayo Ilaahay wuxuu usoo saaraa shaqsiyaad oo u kaca bulsho ama koox kuwaas oo ah kuwo daacad ay ka tahay inay koobka guusha qaadaan, wuxuuna ilaahay u soo saaraa hormuud duceysan iyo kuwo la qabta, haddii aan ka soo qaadno nabigeenna suubanaa Csw, waxaa ilaahey u soo saaray kuwo halgankiisa garab ku siiya oo ilaaheey usoo xulay Nebiguna wuxuu ilaahey ka baryay inuu ku soo daro kuwo kheyreysan

Waxaa kaloo jira, kooxo la socda oo ka shaqeeya jallaafooyinka iyo hagardaamooyinka nebiga si ay u luggooyaan hoggaankiisa.

Sidaa darteed, adduunyada waxaa is garab socda khalad iyo sax, ilaa adduunka uu ka dhamaadana sidaas ayay isu garab socon doonaan, laakin waxay umadi ama shacab guul iyo horumar ku gaari karaan midnimo, iyo iyagoo gacmaha isqabsada, meesha ugu hooseysa haddaan ka soo qaadno marka la asaasayo qoys, wiil iyo gabar ayuu ka billowdaa waxayna soo wada fallanqeeyaan amuurta dhaqanka iyo qoyska iyadoo amuurtaasi ay ka timaado xagga ragga ka bacdina waxaa aqbala gabadha waxaana loo gudbin jiray qoyska ay ka dhasheen amaba wiilka iyo gabadha ayaa wada dhameysan jiray ka dibna qoyska ayay dib ugu soo noqon jireen iyadoo la marayo xeerka iyo dhaqanka waxay si wada jira ah u dhisi jireen isla qoyskaas wayna ku guuleysan jireen reer ka mid ah tirade adduunka oo qoys meel deggan ah, halkaasna dhaqanka ayaa toos uga billaaban jiray iyagoo noqon jiray hooyo iyo aabe, laakiin waxaa qoyskaasi burbur iyo dhibaato soo wajahdaa ama ay la kulantaa marka labada qof dhaqanka reerku uu laalaadiyo kana baxo heshiiskii ballantii lagu soo gaaray kaasoo ahaa in si wadajir ah reerka lagu barbaariyo halkaas ayaa waxaa ka dhalan jiray ubad duceysan.

Sidoo kale, marka waddan loo horseedayo horumar iyo barwaaqe ama laga saarayo xaalado dhibaatooyin ku habsaday muddo badan sida soomaaliya oo kale, waxaa loo baahan yahay in ay horkacaan kuwo duceysan oo ilaaheey raali ka yahay dulqaadna u leh dhibaatooyinka soo wajahaya dacaayaadka raqiis ah oo uga imaanaya dibadda iyo gudahaba, kaasoo ay faafiyaan kuwo lagu adeegto oo wax magarato ah ama suuqyadaba ka maqal ereyadaas oo aan garaneynin dhibaatada uu geysan karo laakiin si sahlan oo uu uga sheekeeyo fadhi ku dirirrada iyo meelaha bulshada dhexdeeda hadallo been abuuur ah kana hor imaanaya habsami usocodka dowladda arbush iyo dagaalo hoose koox mucaarada ama beelo madaxa leysu geliyo waxaasoo dhan sidaan uga tillaabsanno waa inaan helnaa hoggaan daacada xilna leyska saaraa kor ilaa hoos.

Waxaan maanta u baahan nahay midnimo iyo wada jir wuxuu yiri abwaankii isla taakuleyntay gacmuhu tabar ku yeeshaane haddey midigtu keli taagan tahay tahar magoyseene, waxay taasi daliil u tahay inaan guul lagu dhalineyn gobol iyo kooxeysi, qabyaalad magac beel gaar ah, waa inaan garana danta guud inay ka qiimo badan tahay danta gaarka ah iyadaa wax waliba hagaajisee, waa inaan u soo jeesanaa dhismaha iyo horumarka dalka gacmo wadijiraa guul lagu dhalshaa, waa inaan fahannaa qeybkastoo ku hortimaada midnimada iyo wadajirka soomaaliya waxay diidan tahay awoodda iyo xooga soomaaliya taasina waxaa la yiri lug ninkii isjebiyaa isagaa kolley u jiifsada haddaad cadowgaada isu dhiibto ku gaarsiin mayo meel wanaagsan oo aad ku kasbato magac iyo qiimo.

Sidaa darteed, waa inaa ogaannaa meesha uu jiro ama laga heli karo magaca qaran xoogeysta oo marlabaad ka hanaqaada geyiga soomaaliya meesha uu jiro iyo wuxuu u baahan yahay, caddaalad iyo ciidan awood leh, garsoorkuna geedka u fadhiyo .

Ha iloobin weligaa dal wuxuu ku adkaado ama shacab isku raaco iyada ayaa ugu badane soomaaliyeey toos, heys eegan adiguye cadawgaada soo eeg, arigtida wanaagsani waa taas, Wa billaahi towfiiq.

W/Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabeyre.