Dhoofinta dhuxusha waa Xaalufinta dhulka

Dhoofinta dhuxusha waa Xaalufinta dhulka

297
0
SHARE

Ganacsigu waa in lala socodaa baahida Dalka iyo waxyaabaha ku xeeran, ayadoo maanka lagu haayo waxa markaasi laga heli karo dalka oo laga soo saari karo.

Galeyda,masagada ama haruuka, Digirta, salbukada ama digirta cagaaran, khudaarta, furutada, saliid macsaro iyo tan cadeyda oo laga soo saari karo Gabaldaye, waa in laga maarma ka keenista waxyaabaha daruuriga ah dibadda, waa in laga soo dejiyaa degedaha dalka keliyo baahida dhabta ah ee bulshadu daneyso ama aan laga helin wadanka.

Somaaliya waa dal qani ku ah Kheyraad badan balse la dayacay,Nimcada Allaah Subxaana Watacaalaa dalkani ku maneystay lama soo koobi karro laakiin, u baahan daraasad dheeri ah ee ka Faai’deysiga  kheyraadkaasi dalka ceegaago.

Ganacsigu ma ahan keliya in la beegsado wax aan sidaa u sii ridneen oo lacag laga soo saaro balse danta guud tahay ganacsi tayo wacan leh xalaal ah sicir macquul ah dadka lagaga iibiyo.

Muuska Soomaaliya oo  ahaa kan ugu suuqa wacan dunnida  N. 1aad kaga jirey Caalamka ayaa haatan ku yimid hoos u dhac weyn ee dhinaca tayada, soo saarkiisa iyo ka ganacsiga muuska intaba ee dibadda loo dhoofin jirey.

Haddii si fiican loo adeegsado labada Webi ee Shabeelle iyo Jubba waxa markaasi laga jibba keeni laha soo saarka muus tayo leh.

Ganacsigii basashaiyo baradhada ayaa aad moodaa in soo saarkooda laga door biday in deriska laga keeno waa damiir la’an wax dalka laga heli karo in laga keeno meel kale.

Waxa dalka laga dhoofiyo ayaa waxaa ka mid ah deriska loo iibgeyn jirey sida Sonkorta oo  laga soo saari jirey warshaddii Sonkorta ee jowhar iyo tii Mareerey.

ugu yaraan haddii dib loo soo celiyo Warshadihii dalka Qaarkood waxa soo muuqan lahaa kor u kaca dhaqaalaha dalka.

Markasta waa in ahmiyadda la saara  waxa dibadda loo dhoofiyo oo markaasi baahida waddanka ka badan sida xoolaha nool, hargaha iyo saamaha, Muuska ,Xabagta, beeyada iyo Fooxaha.

dhoofinta dhuxusha iyo ka ganacsigeedu marna dan uguma jirto dalka xaalufka ku dhow, waa in markaasi ganacsiga dalku ku saleysnaada danta guud ee dalka iyo dadka oo laga baxaa waxa la soo marey sii socoshadiisa.

Ganacsigu waa in uu lahaada hab la socod wacan kontrool waxa dalka soo galayo sicirka lagu iibiyo iyo tayada alaabada ama badeecadahaasi lana canshuuraa, taaso ah mid dal walba tariifo gaar ah u leh.

Rugta Ganacsigu waa mid kaalin kaga jirta soo bandhigida iyo suuqgeynta ganacsiga waddanka inkato, carwadii sannad laha ahayd ay meesha ka baxday sidaaso oo ay tahay haddana waa mid u taal in guntiga dhiisha isaga dhegaan sidii kor loogu qaadi laha ganacsiga dalka ayagoo ka shidaal qaadanaya  Wasaaradda Ganacsiga Dalka.

arrintu si kastaba ha ahaatee waxa loo baahan yahay qorshe cad oo leys barbardhigayo waxa dibadda aan u iib geyno ganacsi ahaan iyo waxaa aan ka keeno waana mid muhiim ah si dalka u yeesho meesaan dhanka ganacsiga gobolka.

W/Q: Ibrahim Fanax.