Dhibaatada Make Up-ka uu leeyahay oo la ogaaday.

Dhibaatada Make Up-ka uu leeyahay oo la ogaaday.

126
0
SHARE

Soomaaliya, waxaa ku soo badanayo waxa loo yaqaan (Make-up artist) oo loo yaqaan qofka mariya ama ka ganacsada make up-ka.

Qurxinta wajiga waxaa aad u isticmaalo hablaha Soomaaliyeed, kuwaas oo aad ka arki karto baraha bulshada sida, facebook iyo instagram.

Muhiimadda make up-ka loo marsado ayaa ah, qofka marka uu marsado waxa u ekaanayaa qof qurux badan oo dabiici ah, waxa uuna yeelanayaa qofka soo jiidasho.

Sidoo kale, qofka ayaa dareemaya kalsooni nafeed, oo mala awaal ah.

Marsashada make up-ka aadka u badan ayaa sababo cudurro badan sida:

1: Caabuqa indhaha: Marka wajiga laguu marinayo make up-ka, ayaa waxa soo gaarayo hareeraha indhaha make-up yar.

Sidoo kale, koritaanka isha ayaa yaraado, waxeyna noqotaa taranka bakteeri u horseedo, cuncun iyo caabuq.

2: Finan iyo dulduleello waa weyn: Maqaarkaagu waa qeyb aad u Muhiim ah oo jirkaaga ka mid ah sida unugyada kale.

Waxay sidoo kale u baahan tahay inay neefsato oo ay korto.

Markaad maqaarkaaga mariso make up, waxaad xireysaa halka uu wajigaaga ka neefsan lahaa, taasoo abuuri karto dul-duleello waa weyn iyo finan buur buuran oo casaan ah.

3: Madax xanuun: Kiimikooyinka sida Diazolidinyl urea iyo DMDM Hydantoin, oo labaduba u muuqda inay sii deyn karaan formaldehyde, waa maaddo caan ah oo ka mid ah alaabada badan ee la isku qurxiyo.

Kiimikooyinkan ayaa loo yaqaanay inay keenaan madax xanuun, xanaaqa xuubka iyo inay waxyeello u gaystaan indhaha.

4: xasaasiyad: Kiimikooyinka loo yaqaan Parabens oo ay ka mid yihiin ethyl-paraben, butyl-paraben, iyo isopropyl-paraben ayaa loo isticmaalaa sidii loo ilaaliyo inay ka hortagaan koritaanka bakteeriyada ee is-qurxinta.

Parabens-ku waxay sababi karaan xasaasiyado noocyo kala duwan ah sida cuncun maqaarka ah iyo nabarro maqaarka ku dhaca.

Xasaasiyad kale oo caadi ah oo la isku qurxiyo ayaa ah Salicylate, kaas oo sababi kara inuu ku faafo finanka xanuunka leh ama finanka jirka haddii aad leedahay maqaar xasaasi ah.

5: Gabow/waji miino yeeshtay: Markaad isticmaasho alaabada maqaarka muddo dheer, kiimikooyinka waxay waxyeeleeyaan maqaarkaaga.

Waqti kadib, waxaad arkeysaa calaamadaha gabowga maqaarka oo jelcay laalaab ama qallooc wejigaaga.

6: Isku dheeli tir la’aanta hormoonka: Isticmaalka is-qurxinta muddada-dheer waxay saameyn ku yeelan kartaa nidaamka endocrine-ga waxayna faragelin ku sameyn kartaa shaqada qanjirka tayroodh.

Triclosan waa walxo kiimiko ah oo badanaa la isticmaalo waxaana laga heli karaa alaabada sida xoqida fin-dillaaca finanka iyo kaar-gooyeyaasha si looga ilaaliyo jeermiga.

Isticmaal joogto ah, triclosan ayaa jirka ka maqnaata kuna ururaya jirkaaga waxayna saameyn ku yeelanaysaa qanjirka tayroodh ee sababa isu dheelitir la’aanta dheecaanka hoormoonka.

Tani waxay kuu horseedi kartaa xaalado la xiriira tayroodh sida madax xanuun, miisaan culeys, iyo niyad jab.

7: Kansar: Make up-ka waxaa ku jira maadooyin dhaliya cudurka kansarka kuwaas oo kala ah: Diazolidinyl urea, DMDM Hydantoin, formaldehyde, Parabens, ethyl-paraben, butyl-paraben, isopropyl-paraben, Salicylate & Triclosan.

F.G.

Haddaba, waxaan ku waanineynaa dhallinyarada u badan hablaha in ay ka foojignaadaan isticmaalka Make Up-ka.

Waa dhalanteed iyo dhaldhalaal been ah iyo cudurro ku hoos duugan.

W/Q: Muhsin Mohamed Abdulle (Fanah)