Dhaqdhaqaaqa iyo Iskaashiga Madaxda Geeska Afrika.

Dhaqdhaqaaqa iyo Iskaashiga Madaxda Geeska Afrika.

339
0
SHARE

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo if baxayay kulamo ay yeelanayaan madaxda geeska afrika, waxaana si joogto ah u dhacayay shirar is daba socda, taasoo madaxdu ku lafagurayeen horumarka iyo mustaqbalka geeska afrika iyo weliba sidii leysaga kaashan lahaa isdhaxgalka bulshada u dhalatay geeska.

Dabaylaha caafimaadka qaba ee hinisaha wax wada qabsiga ayay haatan madaxda qalinka ku duugeen , iyadoona madaxda isku waafaqeen qodobbo dhowr ah oo waxgal u noqon kara dadka walaalaha ah ee geeska afrika.

U gogol xaaridda arrinkan ayaa ah mid aad loo soo dhaweeyay, waxaana sidoo kale hambalyeey beesha caalamka iyo weliba midowga afrika.

Dowladda Soomaaliya, Jabuuti, Eritereya iyo Itoobiya ayaa ah kuwa hoggaanka u haya, waxaana la filayaa in dhawaan iskaashigani uu noqdo mid mira dhal ah, Dadkula ay mahdin doonaan.

Haddii iskaashigani uu noqdo sida la filayo, waxaa geesku noqon doonaa halka afrika oo dhan laga hoggaamin doono, sidoo kalena meesha ugu dhaqaalaha roon qaaradda afrika loona soo shaqo doonto.

Aragtidaas saliimka ah ayaa waxaa looga gudbay dagaalladii iyo isqabqabsigii dheeraa ee aan macnaha badan lahayn kaasoo u dhaxeeyay dalalka geeska afrika.

Isbiirsiga iyo isdhaxgalka bulshada ayaa wuxuu keeni karaa horumar lixaad leh iyo dhaqaale kaafiya geeska oo idil.

Haddaba, waxaan sugnaaba miro dhalka iyo tallaabo qaadka Iskaashiga geeska afrika oo ay madaxdu isku waafaqsan yihiin.

W/Q: Osman Dhiblaawe.