Deg deg :- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay

Deg deg :- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay

58
0
SHARE

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi rashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta Kulankii Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya khamiislaha ahaa geeyey Waraaq Istiqaalo ah oo Xilka isaga Casilayo, Isagoo Golaha ka codsaday in ay ka aqbalaan Iscasilaada uu dalbaday, waxaana wararka ay sheegayaan in Golaha uu ka aqbalay iscasilaada uu sameeyey Wasiir Cabdi rashiid Cabdullahi.

Dhinaca kale Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay Xaaladda Dalka ee dhinacyadda amaanka iyo Siyaasadda, iyagoo si gaar ah uga hadlay arrimaha Maamul goboleedyada dalka jira.

Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey hadalkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee Xalay uu soo saaray, islamarkaana uu baaq ku aadan Midnimada Dalka in laga shaqeeyo uu ugu diray Ummadda Soomaaliyeed.