Daynta cafinta laga helo mashruuca (IMF) ee dalalka faqiirka ah ee aad...

Daynta cafinta laga helo mashruuca (IMF) ee dalalka faqiirka ah ee aad u deymaysan (QORMO)

179
0
SHARE

 

Dayn cafin si loo yareeyo faqriga

Mashruuca dalalka faqiirka ah e aad u daymaysan waxaa howlgaliyay Sanduuqa Lacagta caalamka iyo Bangiga Adduunka sanadkii 1996-kii, Ujeedkiisu wuxuu ahaa in la hubiyo in dal faqiir ah uusan wajahin culeys deymeed oo uusan maareyn karin. Wixii ka dambeeyay waqtigaas, Bulshada dhaqaalaha caalamka, oo ay ku jiraan ururrada wadaagga ah  (multilateral organizations) iyo dowladuhu, si wada jir ah ayay u shaqeeyeen si hoos loogu dhimo heer ay maareyn karaan culaysyada deymaha dibadda looga leeyahay dalalka faqiirka ah ee aad u deymoobay.

Sanadkii 1999kii, Dib-u-eegis dhammaystiran oo lagu sammeeyay mashruucaan ayaa oggolaaday in sanduuqu uu bixiyo dayn-cafin degdeg ah, qoto dheer, islamarkaana ballaaran, xoojiyayna xiriirka ka dhaxeeya dayn cafinta, hoos u dhigidda faqriga iyo siyaasadaha bulshada.

Sanadkii 2005tii,  si loo saacido dardargelinta horumarka ku saabsan Hadafyada Horumarka Qarniga ee Qaramada Midoobay, mashruuca waxaa lagu xoojiyay Mashruuca Dayn Cafinta Wadaagga ah (Multilateral Debt Relief Initiative (MDRI). Mashruucan dambe (MDRI) ayaa oggolaanaya in saddexda Hay’adood ee Sanduuqa Lacagta Adduunka, Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Horumarinta Afrika ay 100% (boqolkiiba boqol) ka cafiyaan dalalka ka faa’iideysanaya Mashruuca HIPC  ee dalalka faqiirka ah ee aad u daymaysan isla markaana soo gaaray heer daymaha  laga cafin karo (eligible). 2007dii, Bandhiga Horumarinta ee dalaka Ameerika (IaDB) ayaa sidoo kale go’aansaday in uu bixiyo dayn cafin dheeraad ah oo la siiyo shan dal oo ka faa’iideysanayay HIPC kuna yaalla Hemisphere-ka Galbeed.

Hannaanka Labada Tallaabood

Dalalku waa in ay buuxiyaan shuruudo dhowr ah, la yimaadaan faqri dhimis ay u marayaan Siyaasad beddelid, iyo in ay muujiyaan  pand demonstrate a good track record over time. Sanduuqa iyo Bangiga ayaa heerka billowga ah bixiya dayn cafin ku-meel gaar ah, marka dalku uu ka ka dhabeeyo heshiiska waxaa laga wada cafiiyaa dhammaan daymaha.

Tallaabta Koowaad: Barta go’aanka. Si loogu tixgeliyo taageerada Mashruuca HIPC, dalku waa inuu soo buuxiyaa shuruudaha soo socda:

  • Waa inuu u furan yahay in uu dayn ka qaato Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Bangiga Adduunka oo bixisa daymo aan dulsaar lahayn iyo deeq ay helaan dalalka ugu faqiirsan caalamka, iyo Sanduuqa IMF ee Faqri yaraynta iyo koboca, taas oo daymo dulsaarkooda la yareeyay siisa dalalka dakhliga yar.
  • Wajaha Culeys dayn oo aan la xakamayn karin taas oo lagu maarayn karin hannaanka caadiga ah ee deyn cafinta;
  • Bud dhigay hannaan lagula socon karo dib-u-habaynta iyo siyaasadaha ay ku xaqiijiyeen fulinta Barnaamijyada ay taageereen Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunku.
  • Sammeeyay Istiraatiijiyad Lagu yaraynayo Farqriga oo Qoran (PRSP) iyada oo loo marayo geeddi-socodka ka-qaybgalka ballaadhan ee waddanka.

Marka dal uu shuruudahaas soo buuxiyo ama uu sammeeyo horumar ku filan in lagu xaqiijiyo shuruudahan, Guddiga Fulinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka ayaa si toos ah u go’aamiya in dalkasu uu soo buuxiyay shuruudihii dayn cafinta, kaddib beesha caalamka ayaa ballan qaadda yaraynta daynta heer u qalanta mid la xakamayn karo. Heerkaan koowaas ee lagu gaaro mashruuca HIPC waxaa loo yaqaanaa Barta Go’aanka. Marka dal uu gaaro barta go’aanka, waxaa suurta gal inuu islamarkiiba billaabo inuu helo deyn cafin ku meel gaar ah

Tallaabta labaad: Barta Dhammaytirka. Si uu u helo in si dhammaystiran oo aan ka noqosho lahayn looga yareeyo daynta u taalla mashruuca HIPC, dalku waa in

  • Uu bud dhigaa hannaan dheeraad ah oo lagu soconayo waxqabadkiisa wanaagsan ee barnaamijyada lagu taageeray daymaha uu ka qaatay Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Caalamka;
  • Inuu dhaqan galiyo dib-u-habaynta muhiimka ah oo lagu qanci karo ee lagu heshiiyay waqtigii barta go’aanka; iyo
  • Inuu dhaqan galiyo Istiraatiijiyaddiisa faqri yaraynta ee qoran ugu yaraan muddo hal sano ah.

Marka dali uu soo buuxiyo shuruudahaan, waxa uu gaari karaa Barta Dhammaystirka, taas oo u oggolaanaysa in uu helo deyn cafintii lagu ballan qaaday barta go’aanka oo dhammaystiran.

Dalalka helaya in deynta laga cafiyo. Dalalka 39-ka ah ee gaaray ama mutaystay in ay gaaraan in ay helaan taageerada Mashruuca HIPC, 36 ka mid ah ayay si buuxda daynta uga cafinayaan IMF iyo kuwa kale ee daynta ku leh kaddib markii ay gaareen barta dhamaystirka. Saddex ka mid ah oo loo aqoonsaday in ay ku dhow yihiin in ay mutaystaan taageerada mashruuca HIPC, wali ma aysan gaarin barta go’aan gaarista, Laakin Soomaaliya waxa ay sammaynaysaa horumar ku aaddan xaqiijinta hadafkaan bilaha soo socda.

Deyn Cafintu waxa ay fasaxdaa dhaqaale lagu maalgaliyo arrimaha bulshada

Dayn cafintu waa qeyb ka mid ah dadaal ballaaran, oo ay ku jirto deeq, si wax looga qabto baahida horumarineed ee dalalka dakhligoodu hoose islamarkaana loo hubiyo in xamiladdaada daynta la xakameeyo muddo. Dayn yarayntu waxa ay saammayn la taaban karo ku leedahay faqriga, lacagta dheeriga ah waxaa loo baahan yahay in loo isticmaalo mashaariic ay ka faa’iideysanayaan dadka faqiirka ah.

Kordhinta maalgalinta arrimaha bulshada. Mashruuca HIPC ka hor, Dalalka mutaystay, celcelis ahaan, waxa ay kharashka daynta ku bixin jireen lacag ka badan tan ay caafimaadka iyo waxbarashada ku bixiyaan oo la isku daray. Hadda, waxa ay kor u qaadeen kharashka ay ku bixinayaan caafimaafka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada. Celcelis ahaan, kharashkan -ay ku bixinayaan arrimaha bulshada- waxa uu shan jeer ka badan yahay lacagtii ay ku bixin jireen kharashka daynta looga rabay.

Yaraynta adeegga Daynta. Dalalka 36da ah ee helaya deyn cafinta, kharashka daynta (dulsaar) ee ay bixiyaan hoos ayuu u dhacay dhibco dhan 1.5 boqolkiiba  oo GDP-gooda ah intii u dhaxaysay 2001 ilaa 2015-kii. Muddadii dambe, ayadoo uu jiray Kor-u-kac daynta guud ee dalalka daynta yar lagu leeyahay, lacagta adeegga daynta (dulsaar) wuxuu u kacay kor, inkastoo wali uu joogo dhibco 1 boqolkiiba ka hoose heerkii ka horreeyay HIPC ee 2017-kii.

Caqabadaha dhimman

Dalalka ay barta go’aanku u dhimman waxa ay wajahaan caqabado isku mid ah, oo ay ku jiran ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, iyo xoojinta dowladnimada iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah. Wax ka qabashada arrimahaan waxa ay u baahan dadaallo ay joogyeeyaan dalalkaan si ay u xoojiyaan hay’adaha iyo siyaasadaha, taageerona uga helaan bulshada caalamka.

Caqabad kale waxaa ah in in la hubiyo in dalalka mutaystay ay helaan dayn cafin dhammaystiran oo ka timaada dhammaan dhinacyada ku leh. Inkastoo kuwa leh deynta ugu badan (sida Bangiga Adduunka,Bangiga Horumarinta Afrika, Sanduuqa Lacagta Adduunka, Bangiga Horumarinta Ameerika, iyo dhammaan kooxda Paris) ay bixiyeen dhammaan saamigooda deyn cafinta si waafqsan HIPC, kuwo kale ayaa dhimman. Hay’ado yaryar, dalal aan ku jirin kooxda Paris iyo ganacsato deynt leh oo wadartoodu ay dhan tahay 26 boqolkiiba kharashka mashruuca HIPC ayaa ilaa iyo hadda bixiyay qeyb yar oo ka mid ah saamigii laga sugayay ee deyn cafinta.

Kuwa aan ku jirin kooxda Paris waxa ay wadar ahaan bixiyeen 51 boqolkiiba saamigoodii deyn cafinta mashruuca HIPC, laakin qiyaastii saddex meelood kuwaan kooxdaan deynta lihi ma bixin wax cafis ah. Inkastoo ay jireen xoogaa sare u kac ah oo la bixiyay sanadihii la soo dhaafay, heerka bixintu wali waa mid si niyad jab leh u hooseeya.

Ayadoo maanka lagu hayo dabeecadda ay sida mutadawacnimada ah ay kuwa dayn lihi uga qeyb qaadanayaan mashruuca HIPC, Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunku waxa ay wadi doonaan ka dhaadhicin si ay ugu baraarujiyaan kuwa daynta leh in ay ka qeyb qaataan mashruuca islamarkaana si buuxda u bixiyaan saamigooda mashruuca deyn cafinta ee HIPC.

Qoraalkaan oo qeexaya hannaanka loo maro dayn cafinta waxaa lagu daabacay bogga Hey’adda lacagta Aduunka.

Waxaana tarjumay: Yuusuf Sheekh Ciise