Dadka Jarmalka oo maanta u dareeraya inay codkooda ka dhiibtaan doorasho guud

Dadka Jarmalka oo maanta u dareeraya inay codkooda ka dhiibtaan doorasho guud

220
0
SHARE

Dadka Jarmalka ayaa waxa ay maanta u dareerayaan inay codkooda ka dhiibtaan doorasho guud oo la filayo in markii afraad ay xilka ku guulaysato Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel.

Xisbigeeda Christian Democrats ayaa si cod uga horreeya xisbiga ay aadka isku hayaan ee Social Democratic.

Xisbiga midig fog ee AfD ayey u badan tahay in markii ugu horraysay uu soo galo baarlamaanka, waxaana laga yaabaaba inuu noqdo xisbiga ugu weyn mucaaradka.

Dadka dhaleeceeya xisbiga ka soo horjeeda muhaajiriinta ayaa waxa ay ku eedaynayaan inuu yahay mid u janjeera dhinaca dhaqamadii Nazi-ga.

xigasho BBC